Sunday, April 26, 2015

Badhasaabka Sool oo ku baaqay Gurmad Wax Lagaga Qabto Baahiyaha Kala Duwan ee ka Jira Gobolkiisa

“Laascaanood ma laha tuug guryaha u dhaca ama riyaha qasha, waxyaabaha kala ee ay cajiibka ku tahay waxa ka mid ah in aanay Laascaanood lahayn wax ey ah”

Laascaanood, 26 April, 2015 (Himilo)-- Badhasaabka Gobolka Sool Md. Yaasiin Maxamed Shide, ayaa shaaciyey in baahiyo kala duwan ka jiraan gobolkiisa, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii loogu wada gurman lahaa horumarka iyo wax u qabadkiisa.
Md. Maxamed Yaasiin Shide oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey tababar suxufiyiin badan loogu qabtay magaalada Laascaanood shalay, waxa uu sheegay in hay’adaha waddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah seexdaan habeenkii degaanka Oog oo ka tirsan Gobolka Sool, balse ay aaminsan yihiin in Laascaanood tahay goob amnigeedu halis yahay, waxaannu tilmaamay in arrimahaasi yihiin qaar malo-awaal ah oo aanay waxba ka jirin, Laascaanood-na tahay goobaha ugu amniga badan Somaliland xilligan.
badhasaabka Sool“Baahiyo badan ayaa ka muuqda Gobolka Sool, waxaanan jecelahay in bahdiina saxaafadda aad si weyn ugu gurmataan gobolkan oo dadka qurba-jooga ah ee gobolka u dhashay, dawladda, hay’adaha iyo cid walba laga dhaadhiciyo baahiya kala duwan ee ka jira, soona arka ilaa xad nabadgelyada taal magaalada Laascaanood, waxaanan odhan karaa in aannu jirin nin odhan kara; ‘Nabadgelyo-darro ayaan ku arkay Laascaanood.’
Waxaanan idinka codsanayaa in aad hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ku qancisaan (in ammaan ka jiro Laascaanood), iyadoo hay’adahaasi habeenkii seexanayaan Oog oo rumaysan in Laascaanood tahay khad cas (amnigeedu waa halis) oo degaanka Oog iyo wixii dhinac galbeed ka xiga u yaqaan cagaar (ammaan), waanna in aad ku qancisana in arrintaasi khalad tahay, waanna in aad nagala shaqaysaan sidii arrintaas meesha looga saari lahaa oo aad tustaan in Laascaanood tahay meesha ugu amniga badan Gobolada Somaliland oo dhan,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool, isagoo intaas ku daray; “Markii la ii soo beddelay Gobolka Sool, waxa aan ka bilaabay in aan la kulmo qaybaha kala duwan ee ururrada bulshada, sida madax-dhaqameedka, culimada, bahda saxaafadda, ganacsatada, indheer-garadka, waxaanan dhammaan isku afgaranay in aannu ka shaqayno horumarinta Gobolka Sool iyo ilaalinta nabadgelyada.”
Waxa uu sheegay in Gobolka Sool yahay gobolka labaad ee ugu ballaadhan dalka Somaliland, yahayna ka ku xiga Sanaag dhinaca baaxadda, kaasoo xad la wadaagana dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoo xusay in degmada Laascaanood oo qudha ay ku nool yihiin dad tiradoodu gaadhayso ilaa laba boqol oo kun oo qof, taasina ay muujinayso baaxadiisa dhul ahaan iyo dad ahaanba.
Waxa kaloo uu xusay in aanay Laascaanood ka jirin tuugta iyo dhallinyarada dadka ka qaata telefoonnada habeenkii, arrintaasoo uu tusaale uga dhigtay inay tahay magaalada ugu nabadgelyo fiican degaannada kala duwan ee Somaliland.
“Laascaanood ma laha tuug guryaha u dhaca ama riyaha qasha, waxyaabaha kala ee ay cajiibka ku tahay waxa ka mid ah in aanay Laascaanood lahayn wax ey ah (ka fayawdahay xayawaanka eyda ah ee magaalooyinka dalka ku dhaqan), taas macnaheedu waxay tahay sida ay amniga u tahay oo xataa riyaha ayaa ku badbaadaya bannaanka oo aan looga baqayn ey cuna, mahadaasna waxa iska leh Ilaahay (SWT), marka labaadna waxa iska leh madaxweynaha Somaliland iyo ciidanka qarabka oo ka shaqeeyey ammaanka guud, markaa saxaafaddu waa inay bulshada reer Somaliland gaadhsiiso in gobolku ka yahay meel ka dib-dhacsan Gobolkada kale ee dalka, gaar ahaan Laascaanood, nabadgelyadeeduna tahay mid taam ah,” ayuu yidhi Badhasaabka Sool.
Waxa kaloo Badhasaabku ka codsaday ururka SOLJA inuu mar kale tababar ay u dhan yihiin suxufiyiinta Gobolada dalka oo dhan tababar loogu qabto, la isuguna geeyo Laascaanood si loo ogaado xaaladaha dhabta ah iyo xasilloonida buuxda ee ka jirta.
“Sababta aan sidaas u leeyahay waxa ay tahay qolooyinka ka yimaad degaannada galbeedka ee dalka, gaar ahaan Hargeysa ilaa Boorama waxay aaminsan yihiin in Laascaanood tahay meel khatar ah oo ay ku nool yihiin dad cuna dadka kale, waana in inta la yimaad la arko in Laascaanood tahay meel nadiif ah oo aad u wanaagsan.

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment