Thursday, April 23, 2015

Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo Guurtida uga digay muddo-kordhin ka badan hal sanno

Hargeysa, 24 April, 2015 (Himilo)- Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wadatashiga, ayaa ka digay muddo ka duwan xilliga Komishanka doorashadu soo jeediyay in doorashada lagu qabto ee halka sanno ah oo Golaha Guurtidu u kordhiso Xukumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Golaha Wakiilada oo muddo-xileedkoodu ku eg yahay 26-ka Bisha June ee sannadkan.
Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa shir-jaraa’id oo Salaasaddii doraad ku qabteen magaalada Hargeysa, waxa ay ku shaaciyeen in doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilladu dalka ka qabsoomi doonaan 1-da bisha June ee sannadkan 2016-ka, taas oo ka dhigan in muddo-xileedka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ay dheeraad ku tahay muddada halka sanno ah ee u dhexeeya labada wakhti.
madashaSiyaasiyiinta Madasha wadatashiga oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa cabsi ka muujiyey doorka xil-gudasho ee Golaha Guurtida, iyaga oo ku dooday inay dhammaadeen Odayaashii dalkoorka ahaa ee loo doortay marka laga reebo 12 xubnood, inta kale ay dhaxal ku yimaaddeen.
“Saddexda Gole ee dalka ka taliya laba wakhtigu wuu ka dhan yahay oo waa Guurtida iyo Wakiillada, markaas ilaa hadma ayaynu wadaynaa Sharci-darrada? Riyaale ayaa si Sharci-darro ah oo loogu kordhiyay, Cigaal baa loo kordhiyay, kana waynu u kordhinaynaa, ilaa waligeed maynu kordhinaynaa uun, maynu marka horeba nidhaahno 8 Sannadood xilka ha hayo qofka la doortaa, haddaynu siddeed siinana way dhaafi doontaa. Guurtida qayb badan oo ka mid ah ayaa biilka caruurtooda lagu aamini waayay, markaasay wax idiin doorayaan, Maxay dhalintu badaha iskugu daadinaysaa? Haddii xeerka lagu noqdo dalku wuu ku filan yahay,” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure oo ugu horeyn ka hadlay shirkaas jaraa’id.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Waxaanu leenahay 5-tii sannadood ee Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay, wuu ugu talo galay inaanu dalka doorasho ka qaban, waxaanu leenahay intii aanu ku dooranay way kaa dhamaatay oo waa 26-ka June 2015-ka, dee doorasho dambe oo lagugu soo celiyo mooyee wakhtigii wuu kaa dhan yahay. Waxaanu leenahay xukumaddani waa dawlad kibir ku shaqaysa gabigeeduba oo aan waxbaba iskaga tirinayn umaddeedii, oo is leh waxaad doontaan baad samayn kartaan cidna idinka daba hadli mayso,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa dhaliilay Golaha Guurtida oo uu tiro u kala saaray, waxaanu yidhi, “Waxa weeye guurtidu 82 ayay hayd, 11 ayaa ka soo hadhay 4 waa bukaan jiif, toddoba ayaa soo hadhay, markaas guurtidu waxay ku buuxsantay dhaxaltooyo, dhaxaltooyana sharciga meel ay kaga jirtaa ma jirto.”
Hadalka siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo u muuqda inay soo dhaweyeen muddada Komishanku u qabteen doorashada, ayaa waafaqaya mowqifka ay qaateen xisbiyada mucaaradka ah oo ka digay in Guurtidu qalinka ku duugto muddo-kordhin ka badan halka sanno ee Komishanku u qabteen diyaar-garowga Doorashooyinka. Haseyeeshee, Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaan ilaa immika ka hadal mowqifkeeda la xidhiidha go’aanka komishanka Doorashooyinka.

Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment