Sunday, March 2, 2014

Dublamaasi Maraykan ah oo Iftiimiyey halista Qorshe Quwadaha Waaweyn Kula Wareegayaan Soomaaliya iyo Rejo-la’aanta Natiijo laga gaadho Wada-xaajoodka Somaliland

“Somaliland doorashadii hore ee 2003-kii madaxweyne Siilanyo tartanka lagaga helay 80-ka cod…wuxuu sameeyey ku-dayasho cusub oo aan hore u dhicin, waana aasaaskii keenay…” - Lange Schermerhorn

 

Washington, 02 March, 2014 (Himilo)- Safiirkii hore ee dawladda Maraykanka u fadhiyi jiray dalka Jabuuti Lange Schermerhorn, ayaa walaac ka muujisay halis ay sheegtay in dalkaasi Soomaaliya ugu jiro inuu gacanta u galo quwadaha Caalamka oo ka dhigta saldhiyo-milatari oo lagula dagaalamo kooxaha Xag-jirka ah.

Ms. Schermerhorn oo ka hadlaysay kulan ballaadhan oo habeen hore ka dhacay magaalada Washington oo lagu faaqiday siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda Geeska Afrika, laguna soo bandhigay daraasad laga sameeyey taageerada dimoqraadiyada Somaliland, waxa ay sidoo kale ka hadashay natiijada laga fili karo wada-hadallada u socda Somaliland iyo Somaliya.

Iyada oo ugu horreyn ka hadlaysay cabsida ay ka muujisay inay Soomaaliya noqoto xarun ay Quwadaha Caalamku kula dagaalamaan argagixisada, waxa ay tidhi, “Waxaad mooddaa nasiib-darro inaan ku sii siqayno goob milateri inaan ka dhigno halkaa (Somaliya). Waxa jira wakhtigan dad badan oo ka hadlaya in saldhiyo milatari laga abuuro, sida xilligan Jabuuti heshiis milateri ula saxeexatay Shiinaha, dalka Japan waxa uu sidoo kale doonayaa inuu ciidan keeno. Arrinkaasi maaha saadaal fiican fikirkayga. Dhamaanteed waxa keenaya hawlgalka la dagaalanka argagixisada.”

Haweenayda hore u ahaan jirtay safiirka Maraykanka ee Jabuuti, waxa ay sheegtay in nidaamka madaxweynuhu awoodda leeyahay ee Dastuurka Soomaaliya dhigayo aanu ku haboonayn, in kasta oo ay xustay in dalkeedu sidaa aaminsan yahay.

“Noocyada horumarinta dimoqraadiyadda gaar ahaan dhinaca dastuurka ee loo sameeyey Soomaaliya maaha mid ku haboon. Mar kastoo xukuumad cusub loo sameeyo dastuurkoodu wuxuu dhigayaa madaxweyne awood leh. waana sida Maraykanku qabo, maadama aanu nidaamkaa ku dhaqano, inkastoo uu wanaagsan yahay, mar walba iyo qof walbana uma wanaagsanaan karo,” ayey tidhi haweenaydani.

Dhinca kale, haweenaydani waxa ay ka hadashay heerka dimuqraadiyadda Somaliland iyo qaababka lagu wejihi karo xal laga gaadho wada-hadallada Soomaaliya.

Ms Schermerhorn waxa ay sheegtay in doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2003-dii ka dhacday Somaliland ee madaxweynaha Hadda talada haya lagaga guulasytay 80 cod ay noqonayso aasaaska horumarka wakhtigan Somaliland ku talaabsatay.

“Dhinaca Somaliland, doorashadii hore 2003 madaxweyne Siilanyo tartanka lagaga helay 80-ka cod, muu odhan waxaan doonayaa in codadka dib loo tiriyo, sidii ayuu ku aqbalay. Wuxuu sameeyey ku-dayasho cusub oo aan hore u dhicin, waana aasaaskii keenay horumarka wakhtigan Somaliland ku talaabsatay,” ayey tidhi Ms Schermerhorn.

“Dhab ahaantii, Somaliland in kasta oo beesha caalamku ku cadaadisay inay wada-xaajood la yeeshaan Soomaaliya, waa talaabo wanaagsan, laakiin, xaqiiqadu waa inaanay Soomaaliya haynin wax ay siiso Somaliland. Ilaa inta la gaadhayo wakhti Soomaaliya awooddo waxtarka cid kale, qof walba wuu hadli karaa,” ayey tidhi haweenaydani.

 

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment