Hargeysa, 02 March, 2014 (Himilo)- Murasha Madaxtinimada ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID, ayaa ka hadlay sababaha ay Axsaabta mucaaradku wakhtigan kalsooni-darrada uga muujiyeen dib-u-dhac ku yimaad doorashooyinka baarlamanka iyo madaxtooyada oo loo muddeeyey inay qabsoomaan dhammaadka sannadka soo socda.

Waxa kale oo uu Jamaal Cali Xuseen ka hadlay farqiga u dhexeeya mucaaradnimada ay UCID iyo Waddani wakhtigan u metelaan iyo kaalintii uu Xisbiga talada haya ee Kulmiye wakhtigii uu mucaaradka ahaa ugu jiray dalka.
Sidoo kale, waxa uu Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID waraysigan kaga hadlay sida uu u arko eedo uu dhawaan Saxaafadda u mariyay Afhayeenka Madaxtooyada oo ku tilmaamay inuu ka mid yahay dad shaqadoodu tahay inay u jawaabaan siyaasiyiinta soo bandhiga dhaliilaha Xukuumadda.
Wareysigan oo uu sidoo kale kaga hadlay aragtidii la xidhiidha farqiga u dhaxeeya UCID-dii hore iyo UCID-da maanta ee uu Musharaxa Madaxweyne ka yahay, waxaanu waraysigu u dhacay sidan:-
HIMILO: Maxaa sababay Inaad wakhtigan ka sii qaylisaan kalsooni-darro aad ka qabtaan doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta?
JAMAAL: Adeer kamaa naan qaylin, laakiin waxaanu sheegnay inay Doorashaddu wakhtigii loo cayimay ay ku dhacdo. Waxa jira hadalo ka soo yeedhay dad u dhawdhaw madaxtooyada oo sheegaya in la doonayo in lagu darsado (muddo kordhin la sameeyo) waxa kale oo aanu doonaynaa inay ay Dawladu doorkeedii qaadato.doorkaas oo ah door firfircoon oo muuqda.wax jirta in mat walba carqalad lasoo dhex galinayo.anagu taas ayaanu ka hadlaynay.anagu maanaan odhan kalsooni-darro.laakiin waxaanu sheeganay inay wakhtigeedii Doorashaddu ku qabsoonto”.
H: Dhawaan, Afhayeenka Madaxtooyadu dhaliilo ayuu kuu jeediyey, Maxaa ka jira dhaliilahaas?
J: Dawladda markasta oo laga hadlo,mid iska daba-kayeedhaa hadla.ma ahaato ka Afhayeenka ha noqoto ama kan Maaliyadda ka ah Wasiiru dawlaha.markaa waa dadkaa ay shaqadoodu ku xidhantahay in la yidhaa hebel u jawaaba.umana jawaabayo oo dee maaha dad aanu isku mansabnahay”.
H: Doorkii Mucaaradnimo ee Xisbiyadu inuu sidii la rabay ka hooseeyo ayaa muuqata, sideed isleedihiin ku waajaha inaad sharciga ku soo dabbaashaan xukuumadda Xisbiga Kulmiye oo ahaan jirtay Mucaaradkii ugu Tunka weynaa dalka wakhtigii Dawladdii UDUB?
J: Taasi waa qofkasta fikadiisa.adigu imika sidaas baad ileedahay oo ah Mucaaradnimadiinii wey hoosaysaa.anagana waxa lana leeyahay Bahasha qaboojiya oo bal hoos u dhiga. Waxaad moodaa in Dawladdu markii ay mucaaradka ahaydna ay mucaarad xag jir ah ay ahayd.oo xataa waxyaabaha ay samayn jireen argagax laga qaadi jiray, imikana marka ay meeshii fuuleen ay adkaysan kari la’yihiin. Anagu ilaa imika mabaanaan gaadhin iyagu halkay mucaaradnimada ka gaadheen hadana waa kuwaa xamili la’.
H: Maxaad Isleedahay way ku kala duwan yihiin, UCID-dii hore iyo UCID-da maanta ee aad Murashaxa Madaxweyne u tahay?
J: Adeer, dadkuun baa isbeddelay’e wali UCID waa sidii uun. UCID-dii la yaqaanay waa UCID-dii la yaqaanay, dadkuun baa isbedela ee Xisbigu isma beddelo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment