Monday, March 3, 2014

Maxkamadda Ciidammada Somaliland oo Xabsi-daa’im ku xukuntay Taliyihii hore ee Saldhigga Booliska Daloodho

Hargeysa,04, 03, 2014-(Himilo)- Maxkamadda Sare ee Ciidammada Somaliland, ayaa shalay Xabsi xukun Madaxaa haku furto ah (Xabsi-daa’im) ku xukuntay Taliyihii hore ee Saldhigga Booliska Daloodho ee magaalada Hargeysa Maxamed Aw Cabdi Jaamac, ka dib markii uu ku caddaatay inuu dil u geystay Wiil 16 jir ah, sida ay Maxkamaddu qoraal ka soo baxay ku sheegtay.

War Qoraal ah oo shalay ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Ciidammada Somaliland, ayaa lagu sheegay inuu ku caddaaday Dembi Dil ah uu kula kacay, kaasoo uu ku khaarajiyey sida ay Maxkamaddu sheegtay Marxuum Cabdiraxmaan Cawil Xasan Xuseen 16 jir ahaa. Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qaranka Somaliland Xasan Aadan Sugulle, waxa uu u dhignaa sidan:-

“Maxkamada Ciidanka Qaranku waxay soo saartay Xukunkan Maanta (shalay) oo Taariikhdu tahay (ahayd) 03/02/2014, kaasoo Xabsi Daa’im lagu xukumay Gacan-ku-dhiigle Maxamed Aw Cabdi Jaamac oo hore u ahaa Taliyihii Saldhigga Daloodho, oo dilay Marxuum Cabdiraxmaan.

Cawil Xasan Xuseen oo 16 jir ahaa Magaca Hooyadiina la yidhaahdo Kawsar Good Iimaan markii taariikhdu ahayd 31/8/2012.” Sidaa ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Maxkamadda sare ee Ciidammada Somaliland ee Warbaahinta la soo gaadhsiiyey.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment