Monday, March 3, 2014

IDAACADA QURAANKA QODOBKA UGU MUDAN WAX-QABADKA XUKUUMADDA – W/Q KHALID MAXAMED AYJEEX




Bismilahi raxmani raxiim


Quraanku waa dawada quluubta. Waa hubaal inaad akhristoow igu raacsantahay in umad muslim ah oo aan kor u qaadin quraanku ay wax badani ka dhimanyihiin


Waxaan sidaa u leeyahay xukuumadda maanta jirta ka hor maynaan lahaan jirin IDAACAD QUR’AAN markaa miyaanay waxqabad fiican ahayn?.


Maalin dhawayd annigoo arrin igu rafanayo ayaan guriga imid markaasaan is idhi seexo , gaw hurdoba igu soo dhici wayday markaasaan shiday idaacadda QUR’AAN-KA KARIIMKA ah ee fm markaasuu  qalbigu i xasilay oo aan hurdo gamay


Ummadda muslimka ah QURA’AANKU wuxuu u yahay waxyaabo badan sida:-


Dawada quluubta


Cibro iyo waano


Sharci iyo nidaam


Qisaskii ummaddihii inaga horeeyey


Balaayo xijaab


Illaahayna qofka kor u qaada wuu ciseeyaa adduun iyo aakhiro.


Hubaashii xukuumadda madaxweyne AXMED SILANYO kor bay u qaaday QUR’AANKII oo waataa hadh iyo habeenba laga haqab beelay dhagaysiga QUR’AANKA KARIIMKA ah iyadoon loo baahan cajalad,cd,flash,memory midna


Sidaa awgeed waxaanu madaxweynaha iyo xukuumaddaba uga mahad celinaynaa IDAACADA QURA’AANKA


Waxaanan madaxweynaha ugu ducaynayaa arrinkaasi ilayn waakii nabigeenu (NNKHA) lahaa waxa madaxdiina ugu khayr badan kuwa aad u ducaysaan ee idiin duceeya


Waxaanu madaxweyne illaahay kaaga baryayaa inuu miisaanka kuugu daro aakhiro QUR’AANKAA aad wadanka gaadhsiisay adiga iyo wasiiradaadaba


                                                              Amiina .


QORE: KHALID MAXAMED AYJEEX


ayjeex@yahoo.com


TEL:0634782392


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland.


No comments:

Post a Comment