“Ta Musharraxnimadu Shirkan kuma jirto, wakhtigeediina ma joogno. Markaa, wakhtiga Musharraxnimada la gaadho dabcan dad badan ayaa xaq u leh inay ku yimaaddaan is-sharaxaad. Markaa, xilligaa la gaadho…” Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa, 04 March, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay aragtida iyo mawqifka ay Xisbi ahaan ka qabaan muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo muddo shan sano ah oo loo doortay hoggaamimta dalka ay ka hadhsan yihiin sannad iyo saddex bilood.
Waxa uu Guddoomiyaha KULMIYE muujiyey rejo iyo aragti ka duwan oddoros ama saadaal ay hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI toddobaadyadii u dambeeyey ku sheegayeen in Madaxweyne Siilaanyo oo waqtigii shanta sano ahayd ee la doortay sannad iyo bilo ka hadheen la qorshaynayo in muddo-kordhin loo sameeyo, isla markaana ku doodayey inaanay aqbali doonin in maalin waqti-xileedkiisa dheeraad ku ah haddii loo kordhiyo, taa beddelkeedana ku baaqayay in doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada waqtigooda lagu qabto oo ah inta ka horraysa sannadka iyo saddexda Bilood ee u hadhay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.
Hase-yeeshee, Muuse Biixi waxa uu muujiyey mid taa ka duwan, waxaanu sheegay inay KULMIYE ahaan dedaal ugu jiraan in doorashooyinku waqtigooda ku qabsoomaan, isla markaana aanay maanta jirin duruuf doorashada dib loogu dhigo oo muuqata. “Waxa weeye in Doorashada wakhtigeedii lagu qabto, dedaalna waannu ugu jiraa. Waakii Madaxweynuhu isagoo Baarlamaanka la hadlaya yidhi Saacad in lay kordhiyo diyaar uma ihi. Annagu waxaanu ku soconaa sida Distoorku dhigayo Shantii sano markay dhamaadaan in Doorashadii la qabto,” sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka Md Muuse Biixi Cabdi oo waraysi siiyey shalay Telefeshinka Qaranka Somaliland, waxa uu intaa ku sii ladhay oo yidhi, “Waannu ku dadaalaynaa cid walbana inay ku dadaasho weeye, wixii foorso maanjor ah ee awoodeena ka baxsan dee Illaahay-baa ku shaqo leh, laakiin, annagu mawqifkaannu ka taagannay waa kaas.”
“Waanagii wada-jir u saxeexnay in doorashada wakhtigeedii lagu qabto Saddexda Xisbi Qaran iyo Guddiga Doorashooyinka, Madaxweynuhuna waxa uu warqad u diray qolada innaga caawisa xagga doorashada, Xukumaddana waa ka diyaar xaggeeda wixii dhaqaale ah ee kaga soo hagaagay qabashada doorashada,” ayuu yidhi Muuse Biixi. Waxaanu Xusay maaddaama oo Xisbiyada iyo Guddiga doorashooyinka Qaranku ka midaysan yihiin in doorashada waqtigeeda lagu qabto waxa maalmahan keenay cabashada ay labada Xisbi Mucaarid ka muujinayaan dib-u-dhac doorashada ku yimaadda iyo muddo-kordhin Madaxweynaha loo sameeyo.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey warar sheegaya in la siiyey Lacag badan oo lagaga qanciyey inuu 2015-ka ka tanaasulo inuu isu soo taago jagada Musharraxa Madaxweyne ee KULMIYE, waxa uu yidhi, “Horta, Kalmaddaas ah Lacag baa la siiyey meesha kuma jirto. Xataa wax-wax aan afka ku habboonayn ayaa jira. Qaddiyadda iyo Masuuliyadda Qaranku wax iib gala maaha, waana wax aad u liita waxaasi waanan arkayay qaar waxaasi qoray, wax laga jawaabana maaha waa arrin aad u qaab-daran.”
“Ta Musharraxnimadu Shirkan kuma jirto, wakhtigeediina ma joogno. Marka wakhtiga Musharraxnimada la gaadho dabcan dad badan ayaa xaq u leh inay ku yimaaddaan is-sharaxaad. Markaa, xilligaa la gaadho ayaa laga wada-hadlayaa, yaa Musharraxa? Sidaynu wax nidhaahnaa? Laakiin hadalkaasi immika waa wax iska macno-darro ah,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabayey su’aasha arrintaa laga weydiiyey.
Waa markii ugu horreysay ee Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ka hadlo hadal-haynta muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan-Saylici, taasoo ay Guddoomiyeyaasha iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI cod sare ku sheegeen inuu jiro qorshe la doonayo in muddo-kordhintaas la xidhidha.
Sidoo kale, Boqor Buur-madaw oo ka mid ah Madaxda-dhaqanka Somaliland, ayaa isaguna bishii hore madal ka sheegay inay miiska saaran tahay muddo-kordhinta Madaxweynuhu. Hase-yeeshee inkasta oo Madaxweyne Siilaanyo hore u sheegay inaanu diyaar u ahayn in saacad loo kordhiyo marka waqtiga la doortay dhammaado, ayaan hadda si rasmi ah loo ogeyn in wax iska beddeleen ballan-qaadkiisaas iyo in kale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment