Tuesday, March 4, 2014

Qalalaasaha Yukrayn, Qorshaha Ruushka iyo khiyaamada Reer Galbeedka -W/Q FAAQIDAADA -Garyaqaan Axmed Nuur Guruje‏




Waddanka Yukrayn oo ka mid ah waddamada Yurubta Bari ee ka midka ahaan jiray Xulifadii Midawgii Soofiyeeti, Xad dhuleed oo balaadhan iyo xidhiidh Taariikheed oo dhinacyo badan  iyo dhalasho xagga Isirka ahba la wadaaga wadanka Ruushka, waxa ka taagan qalalaase siyaasadeed oo isa soo taraya muddooyinka dambe. Wadankan oo Istaraajiyad ballaadhan ku fadhiya, waxa kala jiidanaya Waddanka Ruushka oo ka baqa qaba in Xuduuudihiisa ay kusoo dhawaadaan Midawga reer Yurub oo ku daaban xulafadood Gaashaan-buurta NATO iyo Waddamada Reer Galbeedka oo doonaya inay kaabiga isu soo tagaan waddanka Ruushku oo culays siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ay saaraan waddanka Ruushka oo ay ka baqe qabaan inuu marlabad luxudka lasoo kaco.
Haddaba, waddankan oo sida muuqata labada dhinac kala jiidanayaan, waxa baryahaaba gacanta sare lahaa Taageerayaasha Ruushka u jan-jeedha oo talada gacanta ku hayay, Ruushkuna wuxuu isla barbar taagay Taageero dhaqaale, heshiisyo ganacsi iyo kaalmo dhan walba ah oo hagar la’aan ah. Halkaa markay marayso, qolada reer Galbeedka oo wata qorshe ay doonayaan in waddankan si rasmiya loogu daro Midawga reer Yurub sanadka 2015, waxay soo maleeegeen
qorsheyaal siyaasadeed oo sal-dhiggoodu yahay qalaan-qal iyo qalalaase.
Waxay si dhaw ula shaqeeyeen Xisbiyada Mucaaridka, ururada Bulshada rayidka ah oo ah albaabka dalalka laga soo galo iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadamaha.Waxay siiyeen tababaro la xidhidha kicinta dadwaynaha iyo xaalad abuurka, taageero dhaqaale iyo hiil xagga warbaahinta ah.
Reer Galbeedku iyaga oo isticmaalaya halbeega ay kaligood cabirkiisa yaqaanaan ee Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqal Insaanku, waxay ku guulaysteen inay Af-gambiyaan dawladdii la soo doortay ee Waddanka Yukrayn iyo Madaxwaynihii sharciga ahaaba. Halkaa markay marayso, Waddanka Ruushku wuxuu is tusay inay lagama maarmaan tahay inuu qaado tallaabooyin lagaga hortagayo qorshaha reer Galbeedka. Ruushku isagoo dareensan halista kaga iman karta xuduudihiisa oo lagu soo dhawaado, kana taxadiraya culayska ay ku keeni karto in Waddanka Yukrayn gacanta u galo Reer Galbeedka, wuxuu qaaday tallaaboyin kan.
Gobolka Cremia oo taarikhiyan ka tirsanaan jiray Waddanka Ruushka dadka ku dhaqan intooda badanina yihiin dad Asalkoodu kasoo jeedo Ruush, wuxuu u diray ciidamo iyo khuboro milateri.
Gobolkan oo taarikhiyan muran ka taagnaa waxa gacanta u geliyey Yukrayn Madaxwaynihii Midawga Soofeyeti ee Khurashov oo kasoo jeeday waddanka Yukrayn, iyadoo aan markaa maskaxda lagu hayn in Soofeyetigu burburi doono.
Waxa ku yaala gobolkan Saldhiga ugu wayn ee Ciidanka badda ee Wadanka Ruushka kaasoo heshiis lagu gaadhay kala diristii Soofayetiga in Ruushku gacanta ku hayo, ciidankiisuna ku sugnaado.
Wadanka Ruushku waxa laga baqe qabaa ciidamo u diro gobolkan Crimea iyo gobolada Bari ee Yukrayn sidii Gorgia/Abkhasiya, islamarkaana taageero kacdoono gooni u goosiya oo uu gacan qabto.
Reer Galbeedku baaqyo badan iyo cambaarayn ayay kasoo saareen talaaboyinka Ruushka, waxaanay si dhaw ula socdaaan xaaladda taagan, hasa yeeshee ma cadda talaabooyinka ay qaadi donaaan iyo go’aamadda ay qaadan karaan.
Arrimaha kale ee laga cabsi qabo ayaa ah:


-Saamaynta arrinta Gaasta Dabiiciga ah ee Ruushku ku keenayso waddamada reer Galbeedka ee Yurubta Galbeed oo si wayn ugu tiirsan.
-Kala daadasho iyo burbur ku dhaca waddanka Yukrayn iyo dagaalo isir ku salaysan.


-Loolankii Ruushka iyo Galbeedka oo soo noqda iyo khilaaf horle oo bilaabma.


-Wadamo badan oo kale oo dhibkani ku fido iyo dawlado cusub oo kusoo biira khariidada adduunka .
Ugu dambayn, si kasta oo wax u dhacaan, waa loolan cusub iyo quwadihii laxaadka lahaa oo isku haysta; reer Galbeedka oo raba inay Ruuskhka ku cidhiidhyaaan qoqobaha xuduudihisa iyo Ruushka oo qaadayaa heestii caanka ahayd ee Ruug-cadaagii soo rogaal-celi.

Garyaqaan Ahmed Nour Guruje


Hargeysa/Somaliland


Himilomedia.com

No comments:

Post a Comment