Shirkan oo muddo laba maalmood ah ka socday hoteel Maansoor, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo dhiirigelin lahaa wax-soo-saarka dalka isla markaana loo dhimi lahaa maceeshadda dalka dibaddiisa laga soo dejiyo.
Shirweynahan oo qabanqaabadiisa ay lahayd Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, waxa kala qayb-galay wasaaradaha Wax-soo-saarka ee ay ka mid yihiin Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Kaluumaysiga, Biyaha & Deegaanka & Horumarinta Reer-miyiga.
Waxa ugu horreyn munaasibaddii xidhitaanka ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaarada Qorsheynta Qaranka, Cabdirashiid Axmed Guuleed oo sheegay inuu u mahadnaqayo dhamaan intii ka qeybgashay iyo inta gacan ka geysatay qabsoomida kulanka, waxaanu kula dardaarmay maalqabeenada dalka inay ku dhiiradaan maalgashiga wax-soo-saarka dalka. “Aad baan ugu mahadnaqayaa inta gacan ka geysatay, maskaxdooda tuujisay, iyo guud ahaan hay’adihii gacan ka geystay qabsoomida shirkan, sida IFAD iyo FAO. Waxaan kaloo aad ugu mahadnaqayaa hay’adda HAVAYOCO oo soo bandhigaty muuqaal ahaan cuntada dalka sida loo diyaariyo, iyo agabka loo adeegsado. Waxaan ka codsanaynaa inay qaababka diyaarinta cuntooyinkaa qoraal noogu keenaa, si aan ummada ugu dhiirigelino,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Qorsheyntu.
Agaasimaha Guud ee Qorsheynta oo ka hadlayey muhiimada waxsoosaarka gudaha iyo sida loogu baahan yahay in lagu baraarugo, ayaa sheegay in warbixin dhowaan laga sameeyey dalka ay caddeysay sida ay u kala badan yihiin wax-soo-saarka iyo badeecadaha dibadda laga soo dejiyo, waxaanu yidhi, “Warbixin dhowaan Baanka Adduunka ka sameeyey dalka waxay caddeysay inaan dhamaan cuntooyinkeenu dibedda inooga yimaadaan, taasina halsiteeda ayey leedahay hadii ay xidhmaan, markaa waxaan ugu baaqayaa maalqabeenada dalku inay u jeestaan waxsoosaarka gudaha, kuna dhiiradaan, malaa wax garan la’yihiine, aqoonyahanada waxaan leeyahay hala tilmaamo.”

Marwo Shugri Baandare ayaa sheegtay in xukuumadda ay ka tirsan tahay qorshahoodu yahay sidii loo hirgelin lahaa isbeddel wax ku ool ah oo wax ka beddela xaaladda wax-soo-saarka iyo Deegaanka Dalka, waxaanay hadalladeeda ka mid ahaa, “Xukuumad ahaan waxa ka go’an in isbedel balaadhan laga sameeyo dhina walba, annaguna hadaan nahay dadkii u xilsaarnaa waxaan ku dedaalaynaa inaan waajibka na saran sida ugu haboon uga soo baxno. Deegaanku waa nolosheena, waa qalbigeena, waa inaynu ilaashano,” ayey tidhi Marwo Shugri, wasiirka wasaaradda Deeganka iyo Horumarinta Reer Miyiga.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment