Shirkaas oo muddo dheer ka socday Baydhabo ayaa waxaa barbar socday shir kale oo la doonayay in Maammul loogu sameeyo saddex gobol, hase-yeeshee, qorshahaas laguma guulaysan, isla markaana Madoobe Nuunow, ayaa haatan loo doortay inuu Madaxweyne ka noqdo lix gobol oo ku yaalla Koonfur-Galbeed ee dalka Soomaaliya.

Musharrixiinta u tartamayay xilkaas oo tiradoodu ahayd toddoba ayaa waxaa ku hadhay wareeggii koowaad afar Musharrax, waxaana wareeggii labaad u soo gudbey saddex Musharrax oo kala ahaa, Madoobe Nuunow, Cabdifataax Geeseey iyo Maxamed Aadan Fargeeti.
Intii aanu billaabmin wareeggii labaad ee doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay in uu tanaasulay Cabdifataax Ibraahim Geeseey iyadoo wareegga labaad ay ku tartameen Madoobe Nuunow iyo Aadan Fargeeti, waxaana Madoobe Nuunow uu helay 44-cod oo ka mid ahaa 73-kii xubnood ee codeynayay, halka Fargeeti uu helay 23-cod, waxaana xumaaday toddoba cod, sidaas ayaanu Nuunow ku noqday Madaxweynaha Maamulkaas.
Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya loo doortay ayaa hore uga soo noqday Xildhibaan Baarlamaankii dowladdii Ku-meel-gaadhka ahayd ee dalkaas wakhtigii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana Maamulka uu hoggaaminayo uu Maamuli doonaa gobollada Bay, Gedo, Jubbooyinka oo kala ah (Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe), Shabeellada Hoose iyo Bakool.
Gobollada Jubbooyinka oo la sheegay in Maamulkan ay hoos-imaanayaan ayaa waxaa ka jira Maamul Ku-meel-gaadh ah oo lagu magacaabo Jubbaland, kaasoo ay dawladda Soomaaliya raalli ka tahay.
Inkasta oo dawladda Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqday inaanay taageersaneyn Maamul-goboleedkaas lagaga dhawaaqay Baydhabo, ayaa haddana doorashada waxaa goob-joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku jiro Sheekh Aadan Madoobe.
Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo wax laga weydiiyey mowqifkooda ku aaddan maamul goboleedkaas, ayaa ku dhawaaqday inaanay aqoonsanayn go’aanka ka soo baxay shirkaas, waxaana arrintan ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdilaahi Goodax Barre oo natiijada ka soo baxday shirkaas ku sheegay mid ka horimanaya dastuurka Soomaaliya, isla markaana uu sababi karo iska horimaad. “Mawqifkayagu wuu cadyahay, ma ictiraafsanin, sababtoo ah waxay keenaysaa fowdo, waxaanay khilaafsan tahay shuruucda iyo dastuurka dalka u yaala,” ayuu yidhi Wasiirku.
Magaalada Kismaayo waxaa ka jira maamul isaguna sheegaya inuu metelayo saddex gobol oo ka mid ah lixda gobol ee shalay loo caleema-saaray Madoobe Nuunow. Dawladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in shirkan uu ka hor imanayo Dastuurka Ku-meel-gaadhka ah ee dawladda Soomaaliya, isla markaana Wefti ka socday dowladda federaalka Soomaaliya oo Baydhabo u tegay inuu xalliyo khilaafaadka la xidhiidha Shirkaas, ayaan wax guul ah ka soo hoynin, ka dib markii ay Axaddii toddobaadkan ku gacan-saydhen Weftiga Ergadii Shirku.
Dadka wax indha-indheeya ayaa ka cabsi qaba in arrintani ay colaad u horseedi karto gobollada lagu muransan yahay hoggaamintooda ee Koonfur-Galbeed ee waddankaasi Soomaaliya, iyaga oo ku doodaya in isku dhac ka dhalan karo Maamulka cusub ee hadda Baydhaba lagaga dhawaaqay iyo Maamulka Jubba ee Kismaayo ka jira oo gobollada uu sheeganayo inay Maamulkiisa ka tirsan yihiin ay ka mid yihiin saddex gobol oo Maamulkan cusubina sheeganayo inay hoos-imanayaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment