Saturday, March 8, 2014

Yaa qaadan kara dhalashada Somaliland?- W/Q Aadan Maxamuud xasan




Waxa igu kalifey su’aashan wareysi   maalin dhaweyd BBC-da uu siiyey wasiirka daakhiligu. Si fiican ayuu wasiirku jawaabaa u bixinayey inkastoo meelaha qaarkood ay u baahnaayeen faahfaahin dheerada oo aan is idhi wakhtiga bbc-da ayaa malaha u saamixi waayey. Waxaan  aad ugu diirsadey inuu xasuusiyey dadkeenii dhalashooyinka kale qurbaha ka helay in toodii laantuna halkii u taalo oo ay qaadan karaan. Isir ahaan dadkii Somaaliland loo yaqaaney oo loo jeedo beelihii degenaa meel kasta ha ku dhashee ayaa xaq uleh. Waxa soo raaca ayuhanaaskii kale isirkoodu meeshuu doono ha ahaadee, ee lixdankii iyo wixii ka horeeyey degenaa ee la yaqaaney. Haddaba markii bbc-du ku celisey ma waxaad ujeedaa lixdankii iyo wixii ka horeeyey qabaa’ilkii deganaa, haa buu yidhi wasiirku. Waa sax laakiin waxa ka maqnaa ayuhanaskii kele. Waa laga yaabaa inaan khaldanahey oo aanan saani u wada maqal amba wasiirku wakhti u waayey. Si kastaba ha ahaatee dadkeenu waxey u badanyihiin cilmi dhegood oo dastuur ma akhriyi karaan ee qodobkaa halagu celiyo yaan leynagu xanaaqine sideenaaba leynoo doondoonayaaye.


Ta labaad sidaan annigu u fahmey hadalkii wasiirka oo aan ku ambabarey, dastuurkana ka halacsadey, qof haddii uu dambi la’aan ku noolaado 10 sanadood meeshu doono haka yimaadee dhalashada somaliland waa la siinayaa. Fikradeyda qodobkaasi  ma haboona. Taasoo kale waxa sameeya wadanada dunida ee balaadhan dadna u baahan. Kuwaaso Dhaqaalahooda ka fakiraya ileyn caruur badan madhalaan kuwa imika shaqeeyaana wey gaboobeen amba howl gab ayey ku dhow yihiin, sida kanada iyo mareykanka oo kale. Hadeynaan qodobkan masixin, waxa dhici doonta muddo aan dheereyn in wadanka dad kale la wareegaan. Ogaada Africa ayeynu  joognaa, xadkeenu intu dherer le’eg yahey aan cidi dhamaan wada ilaalin kareyn wa taqaanaan. Somaalida kale adoon eeginba, bal waxaad qiyaastaan inta aynu isku afka dhownahey ee Kooshiitiga laysku keen yidhaahdo,  ee afkeena muddo yar la qabsan kara.  Waxaanad ogaataa halka musuqmaasuqu adduunka marayo, gaar ahaan mandaqadan aynu ku noolahey. Waxa suuragal a in qof soo kaxeysto dhowr qof oo markhaatiya oo u fura inuu wadanka ku noolaa 10 sanadood bilaa dembi dabadeedna lagu tiso kaadhka dhalashada. Waxaan maqley dad badan oon somaliba aheyn ayaa wajaale lagu qabtey iyagoo kaadhkii dhalashada ee somaaliland sita. Bal maxaad u maleyneysaan. Kuwaasoo la yidhaahdo 10 sanadood ayay Somaliland ku noqoneysaan. Wixii ehelkooda oo dhan ee ka dambeeyey wey soo rarayaan. In si kale loo bedelo qodobkaasi, mar ay degenaansho amba ‘Ciqaamad’ sidey carabto  u taqaano taheyna. Ta kale dadka cilmi dhegoodka  een dastuurna akhriyi kareyn in warbaahinta wax loogu fahfaahiyo. Waxaan xasuustaa abwaankii weynaa ee Qaasin (Allaa yarxamu), maalin  suuqa Hargeysa dhexdiisa  isagoo khudbadeynaya 1982kii maalmihii qadhaadhaa. Waxyaabo badan ayuu ka hadlayey. Hadalkiisii waxaan ka xasuustaa,“shicibyahow waxaan arkaa iyadoo shaadhadhkii aynu xidhneyn iska furney oo dad kale u geliney.”Innagoo shuruucda dawaliga ama qaramada midoobey meel kaga dhaceyn, inaynu wixii danteenu ku jirto raacno weeyaan. Dalalka jaarka iyo adduunkuba ixtiraam iyo marti gelin ayey inagu leeyihiin.Tusaale ahaan qaxoontiga hala wanaajiyo intey inala joogaan, oo Maalgashiga shisheeya waa in lasoo dhaweeyaa. Waar Hargeysa ma u fiirsateen markaad dhex mareysaan waxa dad ku soo jabey. Salaada hore ma aragteen waxa ciyaal afaf kale ku hadlaya gidaarada hurda. Iyadoo kheyraadkii wadanka weli loo dhaadhicin, ayaad moodaa in ayuhanaas oo dhan malab leynoogu daadshey. Idinkoo iga raaliya hadaan qalad fahmey, qodobkaa dastuurka halaga saaro inta golayaasha lahordhigo.


W/Q  Aadan Maxamuud xasan


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland          


No comments:

Post a Comment