Thursday, July 31, 2014

Wax Ka Baro Farqiga Dhabta ah ee u dhexeeya Ragga iyo Dumarka

Sanadihii ugu dambeeyey waxa cilmiga iyo technology-yaddu keentay in si qoto dheer loo axadho oo loo baadho farqiga dhabta ah ee u dhexeeya labka iyo dhediga marka laga yimaaddo xikmadda iyo dheeraadka oo Eebbe sida gaarka ah u siiyey ragga.

qoysCilmi-baadhisyo si isdaba joog ah loo sameeyey, ayaa lagu ogaaday inay jiraan qoddobo si gaar ah u muujinaya sida ay u kala duwan yihiin labka iyo dheddiga dadku.

Haddaba waxa daraasado sheegeen in lafta madaxa ee dhedigu ay ka miisaan yar tahay tan labka, lafaha raguna ay ka culus yihiin kuwa dumarka, sidoo kale waxa aad u yar yar lafaha dhabarka, Halka ay lafaha sinaha ay ballaadhan yihiin, jilicsan yihiina, sidoo kale murqaha raga waxay saddex-laab ka weyn yihiin kuwa dumarka, murqahooduna aad ayay u jilicsan yihiin, ALLAH ayaa xikmad weyn ugu abuuray sidaas.

Haddii aan ka gudubno dhinaca farqiga guud ee u dhaxeeya, oo aynu si hoose u eegno farqiyada keeni kara isfahan la’aanta dhexmarta lammaanaha:-

1. Dareenka Caadifadeed

DHEDIGA : Waxa aad u badan dareenkooda caadifadda iyo kalgacalka, waxaana ay go’aamada ku qaadataa iyadoo  dhuganaysa sida ay u jeceshahay, arrintaasna waa mid xikmad weyn ay ku jirto, si ay ugu noqoto mid u jilicsan ubadka jilicsan ee laga doonayo inay koriso, waana qodobka aanay ragu  ku gaadhayn dumarka.

LABKA: Waxa ku yar dareenka caadifada, waxaana ay go’aamada ku qaadaan qaab garaadka ku dhisan,wixii uu ku dareemo caqligiisa, hadii mushkilad ku timaado wuxuu ka shaqeysiinayaa maskaxdiisa, wuxuuna ka fakarayaa saacado badan, taas oo keenta inuu marar badan iska aamuso, waana waxyaalaha dhiba dumarka marka uu aamuso seygeedu, waxay u qaadataa inuu xanaaqsan yahay amase uu nacay, laakiin waxa mashquulsan maskaxdiisa, hadii ay maskaxdu shaqo heerkaas ah gashana, ma hadli karaan ragu, laakiin dumarku way hadli karaan iyadoo qorshe adag ku jirta, tusaale, gabadhii Nabi NNKH shirqooleysay, markii ninkeedii ku qabtay albaabka, wax ka yar hal ilbidhiqsi ayay ku aliftay oo ay ku bedeshay mushkiladii oo nabi Yuusuf NNKH saartay.

2. Qaabka Hadalka:

DHEDIGA: markay hadlayso waxay u hadashaa qaab jilicsan, iyadoo wax u sheegaysa qaabka kala dhigdhigan (tafaasiil) isla markaasna kama tagayso waxyaalaha yar yar ee arrinta, tusaale ahaan, hadii ay seygeeda weydiiso “maanta ka waran xaafada?’ waxay u sheegaysaa wax kasta oo ka jiray guriga iyo aaga ay joogto, xataa caruurta ciyaarteeda, arrintaas waa dhibsadaan ragu, hadii ay hadalka ka jaraana dumarku way dhibsadaan.

LABKA: wuxuu u hadlaa cod waaweyn oo adayg ku jiro, wuuna soo koobayaa hadalka, tusaale hadii la weydiiyo “ka waran maanta shaqada?’ waxa uu ku jawaabaa “kheyr’’ warkaas kooban dumarka waa dhibaa, maadaama ay tafaasiil u baahnayd, maxaa yeelay, waxay u arkaysaa inuu wax ka qarinayo, taasoo shaki ku abuurta.

3. Sheegitaanka Jaceylka:

DHEDIGA: Way u sahlan tahay inay dareenkeeda ku muujiso hadal iyo ficil labadaba, waxaana la dhahaa dumarku waa maqashiis, oo waxa ay maqasho ayaa saameyn weyn ku yeesha, hadaba u oomanaanta jacaylka waa arrin ka timaada dhinaca sareynta dareenka caadifadeed ee dumarka, ee ma aha wax mushkilad ah, hadaba waxay jeceshahay in sida ay u sheegayso jacaylka iyana loogu sheego hadii la jecel yahay, hadii kale waxay u qaadan inaan la jeclayn.

Labka: Waxa ku adag inuu hadal ku sheego marar badan dareenka uu qabo, hadii uu ku barbaaray nolol adagna waa ka sii daran tahay, wuxuu ku muujiyaa dareenkiisa ficil, inuu wax u iibsho, wanaajiyo guud ahaan, laakiin hadal ahaan uma sheego, wuxuuna u arkaa inay tahay jileec aan loo baahnayn.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Tallaabooyin Lama Huraan u ah Inaad Noloshaada ka fogayso

Waxa ku xeeran Nolosha waxyaabo badan oo caqabado ku ah, kuwaas oo u baahan in lagaga gudbo Dulqaad, xikmad, talo iyo aqoon dheeri ah.

Hal-adayga iyo dhiirranaantuna waxa ay ka mid yihiin furayaasha muhiimka u ah nolosha ee uu qofku waxyaabo badan kaga badbaadi karo, gaar ahaan xilligan aynu ku jirno oo ay dunida ku sii badnaanayso xaasidnimada, iyo is-duufsigu.

nasasho noloshaMaanta waxa aynu Halkan ku faaqidi doonaa saddex tallaabo  oo haddii aanu qofku ka dheeraan hordhigaya caqabado adag oo keenaya inaanu qofku ka gudbin duruufaha ku dhereran noloshiisa iyo inuu Hal abuurto nolol ama hab-nololeed naftiisu ku qanacsan tahay oo raalli geliya.

Saddexdaas arrimood ee laga dheeraanayo ayaa kala ah:

1. Naftaada oo aad dadka kale barbar dhigto: Dad badan ayey caado u tahay in markasta oo ay naftooda ka fikiraan ay barbar dhigaan naf kale, haddii ay tahay shaqada, saaxiibtinimada iyo nolosha caadiga ah intaba.

Mar kasta oo uu horumar iyo in uu naftiisa dhiso ka fikiro waxa uu xasuustaa cid uu is leeyahay waa ay kaa nolol fiican tahay. Laakiin waxa ay khubarada cilmi nafsigu sheegeen in ay taasi bilow u tahay  burburka nolosha oo qofku uu aakhirka aamino in aanu gaadhi karin nolosha uu hiigsanayo.

Waxa waajib ah in uu qofku xasuusto in laba qof oo kastaa ay kala duwan yihiin, qof kastaana uu nooc gaar ah yahay, sidaa awgeed wanaagga uu qof gaadho iyo xumaanta soo waajahdaaba ay qofkaas uun ku gaar yihiin.

2. Dadka hadalkooda oo lagu gubto: Dad badan ayey dabeecad u tahay in ay cidhiidhi iyo cadho ay dhaqso isu madax maraan marka ay cidi naqdi kala hortimaaddo.

Waxa muhiim ah in marka uu naqdi qof kale kaaga yimaaddo in markaba aad nafta u sheegto in ay jirto gal-daloolo uu qofkani arkayo, lagana yaabo in uu keliya ujeedo in uu ku saxo ama ku qurxiyo, haddiise xataa xumaan ay ka tahay, naqdigiisa waxa aad u qaadataa dersi aad ku saxdo qalad aad leedahay oo haddii aan laguugu caayi lahayn abidkii sii socon lahaa.

Taladu waa in aanad dhibsan isla markaana iska dhego marin dhalleecaynta cid kale kaaga imanaysa, xataa haddii aanay kuula muuqan mid nasteex ah. haddii aad aragto in dhaliishaasi ay tahay mid aan jirin, ha isku mashquulin qofkan kugu sheegay oo u arag uun in uu yahay qof buka oo ka xun wanaagaaga, waxa aanad ku dadaashaa in dadka aan isaga ahayn aad si ficil ah oo dadban ugu muujiso in naqdigiisu aanu run ahayn, aakhirka dadku waxa ay diidi in ay tiisa rumaystaan.

3. Haddii aanad iska xakamayn saamaynta hadalka dadku ku yeelanayo fikirkaaga halis ayaad ku jirtaa: Waxa jira dad badan oo hadallada dadku ay si sahal ah saamayn ugu yeeshaan, taasina waa dariiqa ugu khatarta badan ee qofkaas aakhirka bohol dheer biyo ugu shubaya.

Dad badan ayaa af-tahan ah, xikmad badan, si aad u qurux badan doonistooda iyo fikirkooda kuu gelin kara, sidaa awgeed mar kasta oo aad cid fikir wadata dhegeysanayso, ku dadaal in aad marka hore naftaada xakamayn karto si aanay dhaqso qofkaas isaga daba-gelin.

Ugu yaraana naftaada ku tababar in mawduuca lagala hadlayo ay dhegeysato, kadibna inta ay dib isugu noqoto oo soo fikirto oo soo baadho ay dib ka qaadato fikirkaas ama iska diido, sidaa awgeed isla marka fikirka laguu soo bandhigo, iska jir in aad hore ka qaadato si aan caadifaddaada looga faa’iidaysan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Saddex Ka Mid ah Dalalka Latin America Oo Caydhiyey Safiirrada Yuhuudda ee Martida u ahaa

Santiago:July,31,2014(Himilo)-Saddex ka mid ah Dalalka Ku yaalla Koonfurta Qaarada America, ayaa xasuuqa qaza ka dhacaya dartii dalkooda ka caydhiyey wakiilladii Yuhuuddu ku lahayd.

bliSaddexda Dalka ee safiirrada Yuhuudda Caydhiyey, ayaa kala ahDalalka Chile, Bolivia iyo Ecuador, waxana ay dhammaantood ku dhiirradeen Tallaabadaas Geesinimada leh.

Madaxweynayaaasha Wadamadan ayaa sheegay sababta ay Safiiradaas uga ceydhiyeen Wadamadooda  inay tahay iyagoo ka xun Xasuuqa Gaza-Falastiin ka socda,waxaana arintan ka cadhootay Dawladda Isreal oo dacwad ka dhan ah Wamadaas u gudbisay Dalka Mareykanka oo taageersan weerarka iyo Xasuuqa Isreal ay ka geysanayaan Gaza.

Dalalka Carabta ayaa iyagu dhammaantood ku faraxsan dhibka lagu hayo haweenka iyo carruurta reer Falastiin, waxana ay xataa shacabkooda udiideen inay wax tallaabo ah oo dadkaas la xasuuqayo loogu calool-debcayo muujiyaan.

 

Himilo Media

Xisbiga Waddani Oo Iska Leexiyey Eedo Uu Wasiir Cukuse u Jeediyey

Hargeysa:July,31,2014(Himilo)-Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa jawaab ka Bixiyey Hadalladii uu shalay Wasiir Cukuse ku dhaliilay Guddoomiyaha Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Axmed-Muumin-SeedAxmed Muumin Seed, ayaa wasiir Cukuse ku eedeeyey inuu ahaa nin farriin loo soo dhiibay sida, isla-markaana Doonayey inuu Gudbiyo wixii lasoo faray.

Mudane Seed, waxa uu sheegay inay Xisbi ahaan Hadalka Wasiirka Warfaafinta u arkaan inuu ka mid yahay Hadallo Cay ah oo  uu sheegay inuu Tv-ga qaranka Somaliland caado ka dhigtay, kaas oo uu tilmaamay mid gef ku ah in isagoo wasiir ah uu Hadallo deelqaaf ah ka sheego Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland.

“Cukuse waa nin wasiir ah, hadalladiisuna waxay u ekaayeen qof dabada laga riixayo oo mar walba waxa uu  sheegayey inuu ixtiraamayo Guddoomiyaha wakiillada, Haddana wuu Hadlayey, markaa waxanu u aragnaa waxyaabahan ay xukuumaddu dabada ka riixayso ee Tv-ga qaranka ee Mar walba laga caayayo Madaxda Qaranka. inuu isagoo wasiir ah Guddoomiyaha Wakiillada wax ka sheegaa waa nasiib darrro oo waxanu waxba  ka garanayn Haykalkii dawladnimo.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Hadalkan Axmed Muumin seed ayaa ka dambeeyey Hadallo uu maalintii shalay wasiirka Warfaafinta Somaliland Warbaahinta u mariyey Guddoomiye Cirro, kuwaas oo  daarranaa inuu Xilkiisa uu Golaha Baarlamaanka ka hayaa yahay mid muddo dhaafay, sidaas darteedna aanu kaba hadli Karin muddo-kordhin loo sameeyo madaweynaha Somaliland ee Xilligan oo qolyaha mucaaridka ahi ku eedeeyaan inuu muddo-kodhin ku hawllan yahay.

 

Himilo Media

Kongeraska Maraykanka Oo Dhaleeceeyey Madaxweyne Obama

Washington:July,31,2014(Himilo)-Mudanayaasha Aqalka hoose ee Maraykanka ugu jira Xisbiga Jamhuuriga, ayaa ku dhawaaqay inuu madaweyne Obam si qaldan u isticmaalay Awooddisa Madaxweynenimo.

konXildhinaabada Jamhuuriga ayaa u codeeyey in Madaxweynaha loo soo jiido caddaaladda horteeda. Waxaana ay ku eedeeyeen inuu awoodda si qaldan u isticmaaley.

 

Shaabadda ay ku dhufteen Jamhuuriga aqlabiyadda Kongresska haysta ayaa sheegaya in hindisaha sharciga caafimaadka uu ku tuntey Madaxweynuhu kaas oo ay ugu yeedhaan Daryeelka-Obama, waxaana uu ka dhigey mid toos u shaqynaaya.

Codeyntan waxaa ka horyimid oo diidmo u codeeyey Xildhibaanada laga tirada badan yahay ee Dimoqraadiga, kuwaas oo lagu muquuniyey codayntii loo qaaday qaladaadka uu madaxweynuhu galay.

 

Himilo Media

Cudur aan loo haynin Dawo lagula Tacaalo oo Fara-baas ku haya waddamo Afrika ah, Halista kaga iman karta Shacabka Dayacan ee Somaliland iyo Dhoy-la’aanta Xukuumadda

Xawliga uu ku Fidayo Cudur-sidaha Ebola oo Walaac ku Abuuray Reer Galbeedka

 

 

►Waa Maxay Astaamaha lagu Garto Qofka uu Asiibo, Sideede lagu kala Qaadaa?

 

►Hay’adda Duullimaadyada Caalamiga ah oo Kulan Deg-deg ah u Qabatay Dhakhaatiirta

 

►Dhakhtarkii u horeeyey ee La-dagaalanka Cudur-sidahan u badheedhay oo Dorraad Geeriyooday

 

 

Hargeysa, 31 July, 2014 (Himilo)- Waddamada ku yaala Galbeedka Afrika waxa ka dillaacay Cudur dilaa ah oo aan wax daawo ah oo lagaga hortago iyo mid lagu daaweeyo toona lahayn, kaas oo sababay dhimashada boqolaal qof oo ku nool waddamada Liberia, Guinea iyo SeirrLeone ee Galbeedka Afrika, waxaanu dhawaaqa saamayntiisu gaadhay waddamada Reer Galbeedka oo ku hawlan dedaallo lagu xakamaynayo fiditaankiisa.

Cudurkan oo lagu magacaabo Ebola waxa uu faro-baas ku hayaa waddamada Galbeedka Afrika, waxaana si ba’an uga qayliyey dalalka Reer Galbeedka gaar ahaan Yurub iyo Maraykanka oo walaac xooggan ka muujiyey xawaaraha uu cudurkani ku fidayo.

WAA KU KAASDad tiradooda lagu qiyaasay inta ka badan 670 qof, ayaa inta laga war-qabo ilaa immika u geeriyooday Cudurkan, tiro intaas ka badan waxa loo diiwaan-geliyey inuu asiibay Cudur-sidaha Ebola, waxaanay dadkan badnkoodu ku nool yihiin waddanka Guinea oo ku yaala Galbeedka Afrika, halkaas oo sida hay’adda Caafimaadka Adduunku sheegtay ah meesha uu dalalka kale ee gobolkaas ku yaala kaga fiday xannuunkan oo la ogsoon yahay in markii u horesay lagu arkay Qaaradda Afrika sannadkii 1970-kii, gaar ahaan dalalka Koongo iyo Suugaan oo laga diiwaangeliyey labadii qof ee u horreeyey.

Dr Sheekh Humarr Khan oo u dhashay dalka Sierra Leone isla markaana ahaa khabiirka kaliya ee waddamada cudurkani ka dillaacay u badheedhay inuu la dagaalamo cudur-sidaha Ebola, ayaa todobaadkan u dhinta xannuunkan isaga oo ku sugan cusbitaal dawladdu leedahay oo ku leeyahay Bariga dalkaasi, ka dib markii uu xannuunka ka qaaday bukaan-jiif uu kaga daawanayey xaruntiisa caafimaad.

Waxa kale oo cudurkani asiibay kal-kaaliyeyaashii caafimaad qaarkood, kuwaas oo iyagana la sheegay in wakhtigan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo isla markaana lagu go’doomiyey cusbitaal ay leeyihiin ururka dhakhaatiirta aan Xuduudka lahayd ee ka hawl-galka dalkaas.

Walaaca Reer Galbeedka

Dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa walaac ka muujiyey saamaynta deg-degga ah ee cudurkani ku yeeshay Qaaradda Afrika, gaar ahaan waddamada Galbeedka Afrika oo uu ku laayey in ka badan 670 qof.

Dawladda Ingiriiska, ayaa kulan deg-deg ah ka yeelatay fiditaanka cudurkan iyo sidii ay dalkooda uga hakamayn lahaayeen inuu gaadho. Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska Philip Hammond oo kulanka shir-guddoomiye ka ah, ayaa sheegay in aanay jirin astaamo muujinaya inuu Ebola ka jiro gudaha dalkooda, balse ay xukuumad ahaan ay korka kala socdaan fiditaanka cudurka. Waxaana jirtay digniin ay Waaxda Caafimaadka ee Dawladda Ingiriisku ugu jeedisay dhakhaatiirta dalkaas inay feejignaan dheeraad ah ka yeeshaan astaamihiisa.

In kasta oo aanay jirin digniin loogu jeediyey dadweynaha inaanay u socdaalin waddamada Galbeedka Afrika, haddana waxa jira sababo shaki weyn ku dhaliyey caalamka, ka dib markii nin u dhashay dalka Maraykanka balse asal ahaan ka soo jeeda waddanka Liberia laga helay cudurkan todobaadkii hore xilli uu isaga kala dhex-gooshayey waddamada Liberia iyo Nigeria. Waxa la sheegay in astaamaha cudurka lagu arkay intii uu ku jiray diyaarad uu u raacay waddanka Nigeria

Dedaallada lagaga hortagayo

Dhinaca kale, Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn, ayaa digniin ku bixiyey in masiibada Cudurka Ebola ee ka jirta Galbeedka Afrika uu yahay arrin aan caadi ahayn oo gebi ahaan faraha ka baxday, iyada oo waddamada caalamka horumaray ay qaadeen tallaabooyin lagaga hortagyo fiditaanka cudurkan.

Agaasimaha Hawl-gelinta Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduudka lahayn, Bart Janssens, ayaa sheegtay in aanay jirin aragti laga midaysan yahay oo lagu xakamayn karo fiditaankiisa. “Xannuunkani wuu ka sii darayaa uun, maxaa yeelay wali wuu sii fidayaa, waxase ugu daran Liberia iyo Sierra Leone oo uu barriinsaday,” ayey tidhi Jansssens.

Ururka caalamiga ah ee Duullimaadyada Adduunka, ayaa kulan la qaatay saraakiisha Caafimaadka waddamada ku horeeya dhinaca horumarinta Cilmiga Caafimaadka oo ay kala hadleen qaabka looga hortagi karo in cudurkani isaga tallaabo qaaradaha adduunka.

Midowga Yurub, ayaa dhaqaale xaddigiigu dhan yahay 5.2 milyan oo Doolar u qoondeeyey la-dagaalanka Fiditaanka Cudurkan. “Heerka saamaynta uu yeeshay Cudurku waxay ayaa ah mid si weyn looga war-warsan yahay, annaguna waxaanu u baahannahay inaanu kordhinno dedaalkayaga inta aanu galaafan dad badan,” sidaa waxa tidhi Madaxa Gargaarka Bani’aadamnimo ee Midowga Yurub Kristalina Georgieva.

Somaliland iyo Xaaladdeeda

Ma jiraan Shaybaadho iyo qalab Caafimaad oo lagu karantiimeeyo isla markaana lagu baadho caafimaadka dadka socota ah iyo kuwa muwaadiniinta ah ee ku dhaqan dalka gudihiisa oo Somaliland leedahay, marka loo eego waddamada kale ku yaala qaaradda Afrika. Inta badan Xukuumadda Somaliland, waxa daawooyinka iyo agabka kale ee caafimaad oo aanay awood u lahayn inay baadhitaan kaga samayso shacabkeeda ka hesshaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO oo xilliyada ay jiraan ololeyaasha tallaalka Somaliland iyo meelo kale oo dunida ah ka caawisa daawooyinka xilliyada ay jiraan ololeyaasha lagula tacaallo cudurrada dillaaga ah. Sidaas oo ay tahay, Somaliland waxa ay ka mid tahay waddamada ugu nugul qaaradda Afrika ee cudurkani si ba’an saamaynta ugu yeelan karo haddii aan tabaabusho iyo qorshe qaran laga gaadhin saamayntiisa.

Masuuliyiinta Wasaradda Caafimaadka iyo Laanta Socdaalka Somaliland oo aanu la samaynayo cidhoodho kala duwan, nooma suurta-gelin inaanu ku helo khadka isgaadhsiinta, ka dib markii ay qaban-waayeen telefoonnada, halka qaarkood ay telefoonnadoodu ay xidhnaayeen. Si aanu wax uga weydiinno xukuumad ahaan ku-tala galka ay kaga gaashaaman karaan halista cudurka Ebola oo si xawli ah ugu fidaya Adduunka isla markaana ay ka qayliyeen waddamada Yurub iyo Maraykanka.

Macluumaadka laga hayo Cudurkan

Cudur-sidaha Ebola (EVD) oo markii hore loo yaqaannay Xumadda Ebola Haemorrhagic, waxaan xannuun khatar ah oo ku dhaca bani’aadamka, waxaana inta la diiwaan-geliyey laga hayaa in fiditaankiisu gaadhsiisan yahay heer khatar ah oo saamayntiisu gaadhayso 90% . Fiditaanka cudur-sidaha EVD waxa asalkiisii hore lagu arkay meelaha Miyiga ah ee waddamada badhtamaha iyo Galbeedka Afrika.

Waxa la aaminsan yahay in Fayraskan uu bani’aamka uga yimaaddo xayawaannada duur-joogta ah qaarkood, waxaanu dadweynaha dhexdeeda ugu fidaa qof cudurkani haleelay oo u gudbiya dadka intiisa kale.

Nooc ka mid ah Fiid-meerta, ayaa sida la aaminsan yahay ah xayawaanka kaliya ee dabiici ahaan xambaara Cudur-sidahan Ebola. Ma jirto ilaa immika daawo cayiman oo lagu daweeyo qof uu ku dhaco Xannuunka, sidaas awgeed, waxa ay hay’adda Caafimaadka Adduunku soo saartay digniino iyo talooyin lagula tacaalo dadka cudurkani soo rito.

Cudurkan waxa markii u horeysay la arkay 1976-kii wakhtigaas oo la diiwaan-geliyey labadii qof ee u horreeyey oo ku kala noolaa magaalada Nzara ee dalka Sudan iyo degmada Yambuku ee waddanka Congo, waxaana cudur-sidahani magaca loo bixiyey ka sitaa Webiga Ebola oo ku yaala meel u dhow tuulada Yambuku ee dalka Congo.

b. Astaamaha lagu garto

Astaamaha lagu garto Cudurkan waxa ka mid ah Xummad si lama filaan ah qofka ugu bilaabanta, awood-darro xad-dhaaf ah, Murugyada jidhka oo xannuun laga dareemo, Madax-xannuun iyo Cunaha (hunguriga) oo qofku xannuun ka dareemo.

Sida ay shaacisay hay’adda Caafimaadka Adduunka, cudurkan oo ilaa immika aanay jirin daawo laysla aqoonsan yahay in lagula dagaalamo cudurkan, marka laga yimaaddo tijaabooyin immika socda, waxa uu ka mid yahay cudurrada ugu khatarsan dunida wakhtigan. “Marka uu qofka ku dhaco, waxa uu markiiba abbaarayaa hab-dhiska difaaca jidhka oo uu fadhiisinayo, taasina waxay u sahlaysaa Virus-ka inaanu jidhku iska difaaci karin,” sidaa waxa lagu shaaciyey warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada u qaabilsan Caafimaadka ee WHO.

t. Sidee laysugu gudbiyaa Cudur-sidaha Ebola?

Cudur-sidaha Ebola waxa uu bani’aadamka ugu gudbaa iyada oo la taabto dhiigga, saxarada, xubnaha jidhka ee dheecaanadu ka yimaaddeen ee Xayawaan uu virus-kani hayo. Qaaradda Afrika, waxa la diiwaan-geliyey in cudurkani ay gudbiyaan xayawaannada sideyaasha ah ee ay ka mid yihiin Gorilaha, Fiid-meerta khudaarta ku nool, Daanyeerka iyo nooc ka mid ah Garanuugta oo la helo Dhulka Keymaha ah ee badhtamaha iyo Galbeedka Afrika.

Cudurkan waxa ay dadku isugu gudbin karaan marka uu qofka jidhkiisu taabto dhiigga, saxarada iyo dheecaan ka yimaadda qaybaha kale ee jidhka qof xannuunkani asiibo, sida ay shaacisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimadka.

Gebo-gebo

Si kastaba ha ahaatee, Cudurkan oo halistii ugu weyni tahay inuu si xawli ah xuduudaha isaga gudbo isla markaana fiditaankiisu si sahlan u soo gaadhi karo maadama waddamada AFrikada Galbeed ganacsigoodu si xooggan ugu xidhan yahay dalalka Bariga iyo Badhtamaha Afrika oo ka mid ah meelaha ay ka yimaaddaan diyaaradaha rakaabka ee soo cago-dhigta madaarrada Somaliland, way fududahay in xannuunkaasi soo gaadho Somaliland oo ka mid ah waddamada u nugul xannuunkan oo kale maadaama aanay jirin shaybaadho iyo adeegyo caafimaad oo suurto-galin kara in baadhitaan lagu ogaado qof uu cudurkani Asiimo. Waxase looga baahan yahay Wasaaradaha Caafimaadka, Duulista Hawada iyo Laanta Socdaalka Somaliland inay ku baraarugsanaadaan isla markaana ka hawl-galaan sidii looga hortegi lahaa ama ugu yaraan lagu kaantarooli lahaa la socosha caafimaadka dadka dibadda kaga imanaya Somaliland ee ka soo galay xuduudaha dhinaca badda, cirka iyo dhulkaba.

 

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 18-aad Mudane, Siilaanyo yaa cafiska ka codsanaya ee uu ka cabanayaa? Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Hargeysa:July,31,2014(Himilo)-Ramadaan dhammaantay, la isuna soo noqoy. Hadda ayaa dab-qaadkii lagu shidayaa halkii uu gun-gumuhu galay. Malmalkiina waa muush waana la daba-sidaa

boobeWaa 29kii Ramadaan, 1434 Hijriyada, kuna beegan galab Axadeed oo ay bishan Juulay tahay 27, 2014ka. Shalay ayaan Jabuuti ka soo noqday. Bishan Ramadaan waa aynu kala maqnayn innaga oo isu fasaxnay in aynu ku koobnaanno Ramadaanta iyo cibaadada Ilaahay. Marka hore Ciid Mubaarak. La waari maayo e’, ifka waayo sii jooga.

Ramadaan dhammaantay, la isuna soo noqoy. Hadda ayaa dab-qaadkii lagu shidayaa halkii uu gun-gumuhu galay. Malmalkiina waa muush waana la daba-sidaa. Gacanta malmalka dabka ku tuuraysaa waa mid mutacaafiya, afku hadalkii ma gabin ee ‘Hoo lebenka ayuu hayaa’.

 

Ma Mareegaha waxaan ka daawaday: La-ye goobtu waa London. Meel hudheel ah oo Nomad lagu sheegay. Afarta geesood ee had iyo jeer lagu hadaaqo mid ay ka ahayd garan maayo. Madal bilan ma ay ahayn. Gabaahiir laga guuray…..Guri-cas laga hayaamay ayay saansaankeeda lahayd. Dadku ma badnayn ee cantoobo meelahaa laga soo qab-qabtay ama ballan-qaadyo lagu hungoobo loo sameeyay ayay ahaayeen. Farax iyo sureer wejiyadooda kama muuqan. In geeridii aabbahood loo sheegay ayaad moodaysay.

 

Waa saddex dhinac waxa la fadhiyaa. Barta Guddoonka waxa ka soo jeeday Madaxweynaha, Mudane Siilaanyo oo ay labada dhinac ka xigaan Safiirka iyo Wasiirkiisa Waxbarashadu. Safka bidix iyo safka midig ee isa soo eegayay midba ilaa lix qof ayaa fadhiya oo guraan-gur ah. Dadkan uu Madaxweynuhu dhex jooga ama dhex fadhiyaaba ma ay dhammayn labaatan. Mid ayaa dumar ka ahayd. Maryaha miisaska saaran midabkoodu waa dambaska oo kale oo indhaha ayaa ka soo boodaya. Goobtu ma sharraxna. Ubaxyo ma yaalliin. Dadku si rasmiya oo Madaxweyne lagu soo hor fadhiisto uma soo lebbisan. Murugada iyo tiiraanyada miisaska iyo maryaha ka muuqatay, qalbi takh-takh ayaad ka qaadaysay.

 

Aniga oo aan la igu tirinayn inta Siilaanyo majeerata haddana Ilaahay wuxu igu og yahay in aan goobta kala xishoon lahaa oo aanan fadhiisiyeen. Wuxu sidaa milgihii ummaddan tawsta iyo tabaalaha loo qoray ee kii mar kursiga fuulaaba ku jimicsanayo. Inta uu is-leeyahay waa ay kuugu daran yihiin uma ay quudheen goobtaa gabaahiirta ahayd. Waxa se geeyay intii uu naxariista iyo nasteexa u arkayay. Timacadde ayaa laga hayaa: “Garbo-duub haddaad uga xidhood, gaadhna ka ahaato, Gacantii nin lihi goynayaa, way gommodontaa,”

Hadalku wuxu ku bilaabmay nin yidhi waxaan ku hadlayaa magaca Xisbiga Waddani. Wax badan ma dhiiqin oo aan ahayn wax u ekaa xukuumaddani wax badan ayay qabatay. Ninkaa weyn ee magaca Xisbiga Waddani ku hadlayay catow iyo cabaad ayaa ka  dhammaaday. Madaxweynaha mar Aaabbo wuu ku yidhi. Marna Adeer ayuu ku yidhi. Isaga oo Awow soo wata ayuu hadalkii ka go’ay.

Bal muxuu haddaa mucaarad isugu sheegayaa miyuu cadceedaha ka hadh-galo. Beryihii Jabhaddii SNM ayaa hadal-hayntu u badnayd: “Hebel wuu galay.” Waxa ku xigay Ina Bisadka dheer oo magaca UCID ku hadlayay oo isaguna intii ninkaa hore yidhi ku celiyay. Nin saddexaad ayaa baashii midigta ee aanu shaashadda ka fadhinay ka kacay, ku-ye Xukuumaddu wax wanaagsan ayay qabatay. Malahayga afka Kulmiye ayuu ku hadlayay. Isu-geyn saddexankaasi malahayga saddex daqiiqadoodna ma ay hadlayn.

Wasiirka Waxbarashada ayaa khudbad gaabnayd la oogsatay. Beytal-qasiidku wuxu ahaa dadka Xukuumadda wax ka sheegaa waa beenaalayaal ee Cafis ha soo dalbadeen. Subxaan! Hadda waa Ramadaan dabayaaqadeedii oo Ilaaha Maxamed samo ku uumay la hor taagan yahay oo baryada gacmaha la hoorsanayo.

 

Xukuumadda shacbiga buuggii ballan-qaadyada ahaa ku ololaysay ee aanay waxba ka qaban, Xukuumadda dejisay ee daabacday Qorshaha Horumarinta Shanta sannadood ah iyo Hiigsiga (Vision-ka) 30ka sannadood ah ee wajaqaha waddo-walafku ku dhacay ee shanta Kiilo Mitir hadba dirqiga xadhigga kaga jaraysa ayaa beenta sheegtay oo lagu hayaa. Annaga ma aha. Cayda iyo habaarkuba dibadda weeyaan.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa hadalkii ku wareegay. Qodobkii Cafiska wuu ku celiyay, wuxuu se qirtay in ay dhalliilo jiraan.

 

Dadku waxay doorteen oo xil saarteen: Madaxweyne, Madaxweyne-ku-xigeen iyo Golaha Wakiillada. Kuwaas ayaa lala xisaabtamaya oo dadweynaha xisaabtan ka dhexeeyaa. Wasiir iyo Agaasimayaal ay intaasi sii adeegsatay hawl annaga noo taal ma aha, in kasta oo aanu xaq iyo xurmaba u leenahay in aanu wax-qabadkooda iyo hawl-galkoodaba faallaynno oo qiimayn ku samaynno.

Marka hore Ilaaha weyn ee Waaxidka ah ayaa wax cafiya. Awooddaasi isaga ayay u sugnaatay oo keli ku ah. Haddii laga tegi waayo, cidda kale ee mudan in cafis la weydiistaa waa shacbiga…..Waa ummadda iska leh karaamada dalka iyo dadkaba.

 

Madaxweyne aanu u doorannay in uu noo adeego muddo kooban oo xaddidan oo awoodo xaddidan oo dastuuriya loo asteeyay, ma ay ahayn in uu nagu yidhaahdo cafis ii soo qorta. Waxaanu leenahay adigu cafis weydiiso Ilaahay iyo ummaddaadaba si lagaaga dhaafo dibudhicii dal iyo dadba ku habsaday intii aad talada haysay oo weli sii socda.

 

Doobiyada buuxa ee dan-yarta laga xaday haddii aanu dabo-gal ku samaynay oo dadka u soo bandhignay, ma Deyrkii Maka ayaanu gubnay? Aniga ha la i ammaano macnaheedu waa maxay? Maxaa la idin ku ammaanaa ee aad qabateen? Wixii xukuumadi qaban lahayd ayaa la idiin diray. Xilkaa ma aydin wada gudan,. Maxaad ammaanta ku doonaysaan?

 

Xukuumad waxa la ammaana oo ay mudataa marka qorshihii wax-qabad ee ay dhigatay ka soo baxdo ee ay weliba wax dheeraad ah oo aan hore u qorshaysnayn ku soo darto. Waa marka ay wafayso ee ay raxayso. Far waaweyn aan idiin ku dhigo. Xagga waddooyinka aan ka qabsado, kuwaas ayay dhego u leedahaye. Xukuumad baa ballan-qaadday muddo shan sannadood ah in ay ku dhisto 20 laammi oo intaas oo Kiilo Mitir ah iyo tafaasiishii kale ee raacaysay. Haddii ay qorshahaas dhammayso oo ay 5 laammi oo kale ku darto ama ka badanba, ammaan iyo sacab ayay mudan tahay iyo weliba naash-naash.

Bal se haddii tii keli ahayd ee Madaxtooyada hor maraysay biyihii roobkuba fadhiyaan oo ay berri hadba meel ka daacayso maxaa lagu ammaanaa ama loogu heesaa.  Bal u fiirsada tiiraarka dheelliyay, dillaamay ee kadinka Madaxtooyada ku teedsan ee xadhkaha tilifoonnada iyo laydhku maraaan. Ma taasaa Seylac iyo Saraar gaadhaysa.

Dadweynuhu inta ay aamminsan yihiin xurmada iyo karaamada Eebbahay siiyay cidna cafis ma weydiistaan gacmahana ma hoorsadaan. Xaasha! Ciddii hoorsan jirtay ayaa hoorsanaysa. Cidda mudan in cafiska la weydiistaana waa Ilaahay. Haddi cid kale la soo qaado waa dadweynaha. Madaxweyne, waxaynu ku ballansan nahay 26ka Juun ee 2015ka in aad soo qorato cafiskaaga oo aad mar kale na weydiisato in aad xilka ku soo noqota iyo in kale. Go’aankana annaga ayaa iska leh. Rajada aad jawaab togan ku helaysaana aad iyo aad ayay u liidataa. Bushaaradaadu waa taas.

 

Dhammaad

 

Himilo Media

Shalay iyo Booqashadii Himilo ee Xafiisyada hay’adaha Dawladda Masuuliyiinta Xafiisyadooda u shaqo-tagay iyo Kuwa Fasaxa Ciidal-Fidrigu la Taraaray

Weedha Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ka yidhi Waajibaadkooda la-xisaabtanka Shaqaalaha 

Hargeysa 31 July, 2104 (Himilo)- Iyada oo shalay ay ku ekayd Fasax laba maalmood ah oo ay ku jireen hay’adaha iyo Shaqaalaha Dawladda munaasibada Ciidal-fidriga awgeed, Wariye ka tirsan Wargeyska Himilo, ayaa u kuur-galay habsami-socodka hawl-maalmeedka shaqo ee wasaaradaha iyo hay’adaha Xukuumadda.

Booqashada Wariyaha Himilo ku tagay Xarumaha hay’adaha Xukuumadda oo tiradoodu gaadhayso 15 isugu jira Wasaarado iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee xukuumadda qaarkood, waxa uu qaarkood kula kulmay masuuliyiintii ugu saareysay oo xafiisyadooda ku sugan halka qaar kale ay ka maqnaayeen xafiisyadooda.

Wasaaradaha iyo hay’adaha ay u suurta-gashay inuu wariyuhu booqashadii ku tago, ayaa kala ah; Wasaaradaha Waxbarashada, Arrimaha Gudaha, Dhalinyarada & Ciyaaraha, Beeraha, Boosaha & Isgaadhsiinta, Macdanta & Biyaha, Maaliyadda, Wershadaha, Dib-u-dejinta, Diinta & Aw-qaafta, Biyaha, Cadaaladda, Xannaanada Xoolaha, Caafimaadka iyo Guddiga Qandaraasyada Qaranka.

Wasaaradaha ay Masuuliyiinta u sareysay oo isugu jira Wasiirrada iyo Agaasimayaasha ku magacaabani ka maqnaayeen ee Wariyuhu kormeerkiisa ku maray, waxa ka mid ahaa Wasaaradaha Beeraha, Waxbarashada, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Boosaha iyo Isgaadhisiinta iyo Hay’adda Qandaraasyada Qaranka, kuwaas oo xilliga wariyuhu booqashada ku tagay aan ku sugnayn xafiisyadooda.

Haseyeeshee, intii uu wariyuhu ku jiray kormeerkiisa xafiisyada dawladda, wasaaradaha qaarkood waxa ugu tagay iyada oo ay xafiiskooda ay ku sugnaayeen Wasiirka ama Agaasimaha Guud ee  Wasaaradaha ay ka midka yihiin Wasaaradaha Wershadaha, Dib-u-Dejinta iyo Maaliyadda, in kasta oo hawl-meedkoodu si habsami leh uga socday.

Wasaaradaha kormeerka aanu ku samaynay ee sida caadiga ah shaqadu uga socotay isla markaana ay goob-joog ahaayeen wasiirrada iyo Agaasimeyaasha Guud, waxa ka mid ah Wasaaradaha Macdanta, Cadaaladda, Biyaha, Diinta iyo Awqaafta, Xanaanada Xoolaha, Caafimaadka iyo Arrimaha Gudaha oo uu wariyuhu xafiisyadooda kula kulmay Wasiirada iyo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahaas.

warka 1aad (3)Intaas ka dib, waxa uu Wariyuhu Xafiiskiisa ku booqday Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo faahfaahin ka bixiyey waajibaadka shaqo ee hay’addiisu u hayso Qaranka iyo kaalinta ay ka qaataan la-xisaabtanka xilliga shaqo ee hay’adaha iyo shaqaalaha dawladda.

Guddoomiyaha oo la wediiyey cidda ay saaran tahay masuuliyadda la-xisaabtanka hay’adaha dawladda oo masuuliyiintii u xil-saarnaa badhkood shalay ka maqnaayeen xafiisyadooda, ayaa ku jawaabay, “Ma ahayn fasax shalay, waxay ahayd maalin shaqo, qofkii ka soo xaadiri waayeyna waa qof badheedhay ama wasiir ha ahaado ama shaqaale kale.  Dabagalka annaga ayaa iska leh, kormeer ayaan ku samaynay, qoraal guud ahaana waanu u diraynaa, lagu baraarujinayo gudashada waajibaadkooda shaqo,” ayuu yidhi Guddoomiye Nuux Sheekh.

Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa uu sheegay inuu hay’adaha dawladda u kala diray qoraal ku war-gelinayo tirada maalmaha fasaxa ah ee Ciidda oo ku koobnayd labada maalmood oo kaliya.

“Bishan 27-kii bisha ayaanu qoraal u kala dirnay wasaaradaha, waxaanu u sheegnay fasaxu inuu ku egyahay laba maalmood oo ahay 28-kii iyo 29-kii. Laakiin, habsanka la habsaamo, digniin ayaa laysa siiyaa, wasaaradda digniin lama siiyo, qofkaa la siiyaa, wasiirkuna duruuftiisa ayuu leeyahay, ama shir haku maqnaado. Laakiin, annaga wasaaraddii ayaa xidhan oo adeegii dadka ayaan jirin, ayaa noogu daran,” ayuu yidhi Md Nuux Sheekh Muuse Ducaale.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska iyo Yuhuudda ku dhaqan oo ka qeyliyey tallaabo taageero loogu muujiyey shacabka Falastiin

London, 31 July, 2014 (Himilo)- Xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska iyo bulshada Yuhuudda ah ee ku dhaqan magaalada London, ayaa si adag uga qayliyey tallaabo maayarka xaafad ka tirsan magaaladaasi taageero ugu muujiyey xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiin.

maayarka Lutfur_Rahman_the_newlLutfur Rahman oo ah nin muslim ah oo Maayar ka ah xaafada Tower Hamlets ee magaalada London, ayaa amar ku bixiyey in xarunta Golaha Deegaanka la sudho Calanka Falastiin si taageero loogu muujiyo shacabka xasuuqu ku socdo ee ku dhaqan Marinka Gaza ee dhulka Falastiin, Balse waxa maalintii ku xigtay olole ballaadhan oo ka dhan tallaabada uu sameeyey maayarkani  qaaday xildhibaanno ka tirsan Xisbiga Labour-ka iyo shakhsiyaad asalkoodu yahay Yuhuud oo ku dhan dalkaas, kuwaas oo dacwad ka gudbiyey Mr Luftur, waxaana maalin ka dib soo baxay mu’aamaraad la qorsheeyey oo lagu eedeyey, taas oo ah in maxkamad lagu saari doono khaladaad iyo wax is-daba-marin ka soo baxay doorashadii uu ku yimi Golaha Deegaanka Hamlets.

Guddoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha ugu magacaaban Xaafada Tower hamlets Grant Shapps isla markaana xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka, ayaa ku dooday in aanay Gole deegaan ahaan awood u lahayn faragelinta siyaasadaha Barriga Dhexe.

“Golaha deegaanku ma qabanqaabin karo doorashadooda, iska daa inay farageliyaan siyaasadaha Bariga Dhexe’e,” ayuu yidhi Mr Grant oo la hadlayey jariirada MailOnline.

Dhinaca kale, Jonathan Arkush oo Guddoomiye ku-xigeen ka ah urur ay leeyihiin Yuhuudda ku dhaqan dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in Maayarka degmada Hamlets uu sameeyey khalad uu calan kaga taago Gole deegaan oo ku yaala Ingiriiska, waxase uu ku dooday inay ahayd inuu sidoo kale ka taago calanka Israa’iil si la mid ah calanka Falastiin ee laga qotomiyey Golaha deegaanka Tower Hamlets ee magaalada London.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Nuxurka Kulan muhiima oo dhex-maray Madaxweyne Obama iyo 500 oo ka tirsan Dhalinyarada Hoggaanka Mustaqbalka ee Afrika

Washington, 31 July, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa magaalada Washington ee xarunta dalkiisa kula kulmay maalintii Isniintii ee toddobaadkan in ka badan 500 oo dhalinyaro ah oo ka kala tegay dalalka Qaaradda Afrika.

KULANKA OBAMA IYO DHALINYARADA AFRIKA (1)Dhalinyaradan ayaa qayb ka ah Barnaamijka uu Madaxweyne Obama hindisay ee ay dawladda Maraykanku ugu talo-gashay dhiirrigelinta dhalinyarada hoggaanka Mustaqbalka ee Afrika, kuwaasoo tabobbar iyo aqoon-is-waydaarsi ku qaatay dalka Maraykanka muddo ku siman lix toddobaad oo ay halkaas joogeen, isla markaana laga xulay dhammaan dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika, kuwaasoo soo xulistooda ay u xilsaaran tahay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanku.

Barnaamijkan oo uu sannadkii 2010-kii Curiyey Madaxweyne Brack Obama, ka dib markii tiro-koobyadii u dambeeyey ee laga sameeyo dalalka Afrika ay shaaciyeen in boqolkiiba lixdan dadka dalalka Afrika ay yihiin dhalinyarado da’doodu ka hoosayso 35 jir, sidaa awgeedna uu go’aansaday hirgelinta Barnaamijka dhiirrigelinta dhalinyarada Afrika, waxaana tan iyo markii Barnaamijkaas la bilaabay ka faa’iidaystay oo tabobbarro farsamo iyo aqoon-korodhsiyo ka helay Maraykanka in ka badan 1200 oo Dhalinyaro ah oo isugu jiray dhalinyaro barnaamijyo mutadawacnimo ka hirgeliyey dalalkooda, kuwo ganacsiyo u gaar ah abuuray iyo kuwo hormuud u ah dhalinyarada ku dhaqan dalalka ay ku nool yihiin, waxaana sannadkan ka qaybgalay 500 oo laga xulay dalalka Afrikada Saxaraha ka hooseeya.

Madaxweyne Obama waxa uga sheekeeyey dhalinyarada uu la kulmay muhiimadda ay dalalkooda u leeyihiin dhalinyaradu haddii ay maskaxda ka shaqaysiiyaan, isagoo xusay inay horumarin karaan dadkooda iyo dalalkooda, haddii aanay ka faa’iidaysan garashada saxanna ay dib u ridi karaan dalkooda iyo dadkoodaba.

“Waxaad go’aamin doontaan oo gacmihiinna ku jira in Afrika aad u horseeddaan sii xoojinta horumarka sannadahan dambe lagu tallaabsaday iyo in dalalkiinnu ay si weyn dib ugu dhacaan, waxa ii muuqata dhammaantiin inay idinka go’an tahay inaad himiladiinna aad gaadhaan, waxaanad awood u leedihiin in taasi aad kaga dhabaysaan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama.

Madaxweyne Obama, ayaa kulankaa si faahfaahsan ugaga hadlay ujeeddadiisa iyo yoolka uu higsanayo, waxaanu tusaale u soo qaatay dhalinyaro kulankaas ku sugnaa oo ka kala socday dalalka Ghana, Tanzania, Kenya, Itoobiya iyo dalal kale oo Afrika ah, kuwaasoo uu sheegay inay dhammaantood isu xilqaameen barnaamijyo mutadawacnimo ah oo wax ka beddelay Bulshooyinka ay la nool yihiin ee waddamadooda, kuwaasoo ka dibna ku guulaystay inay fursad u helaan ka qaybgalka Barnaamijkan, isla markaana khibrad iyo aqoon ka korodhsadaan dadka iyo dawladda Maraykanka.

Waxa uu Madaxweyne kulankaas Isniintii kagaga dhawaaqay qodobbo si weyn u soo jiitay Dhalinyarada ka socday dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, kaasoo uu sheegay in la beddelay magicii hore ee ay dawladdu ugu yeedhaysay barnaamijkaas, isla markaana loo bixiyey Nelsan Mandela Programe (Barnaamijka Mandela), la kordhiyeyna tirada dhalinyarada sannad kasta ka soo qaybgeli doonta.

Madaxweyne Obama oo sharraxaya waxyaabaha ay ku kordhinayaan Barnaamijkan waxa uu yidhi; “Marka hore annaga oo tixgelinayna Barnaamijkan xiisaha loo qabo iyo tirada xad-dhaafka ah ee soo codsatay waxaannu go’aaminnay in labada sano ee soo socota tirada laga dhigo Kun dhalinyaro ah. Waxa kale oo aannu kordhinaynaa taageerada farsamo iyo ta dhaqaale ee aannu ku taageerayno hoggaanka dhalinyarada Afrika ee ku hawlan tabobbarka iyo wax-tarka bulshadooda.”

Waxa kale oo uu Madaxweynaha Maraykanku sheegay in loo baahan yahay in si gaar ah loo taageero Haweenka Afrika, aqoon ahaan, dhaqaale ahaan iyo dhiirrigelin badan in la siiyo, kuwaasoo uu xusay inay Ragga uga nugul yihiin caqabadaha iyo dhibaatooyinka soo wajaha, kagana hooseeyaa dhinaca aqoonta marka la eego dalalka Afrika intooda badan, waxaanu xusay inay dewladdiisu si gaar ah ugu dedaali doonto wax-ka-qabashada arrimahaas.

Dhalinyaro Wiilal iyo Gabdho isugu jira oo ka tirsan Shanta boqol ee xubnood ee dhalinyarada ah oo Soomaali ah oo ka kala tegay dalalka Jabuuti iyo Waqooyiga Kenya, ayaa u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA, waxaanay sheegeen inay heleen muddo lix toddobaad ah oo ay tabobbar iyo aqoon-korodhsi ku qaadanayeen dalka Maraykankan.

Waxaanay Dhalinyaradaasi sheegeen aqoon-korodhsi iyo tobobbarkaas ay ka faa’iideen khibrad iyo kalsooni ay ku horumariyaan dalalkooda hoggaan ahaan dhaqaale ahaan, horumarin ahaan ay ugu faa’iidayn doonaan dalalkooda, dadkooda iyo lafohoodaba, kuna maarayn doonaan mashaariicda waddamada ay dhalinyaradooda metelayaan ee Jabuuti iyo Kenya.

Kulankan dhex-maray Insiintii Madaxweynaha Maraykanka iyo Dhalinyarada Waddamada Afrika ku dhex-maray Washington, ayaa ku soo beegmay maalmo yar ka hor Shir Madaxeed qaban-qaabadiisu socoto oo Madaxweyne Barack Obama iyo Madaxweyneyaasha dalalka Qaaradda Afrika ku dhex-mari doona, sida qorshuhu yahay, isla magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

“Xukuumadda way ka go’an tahay inay doorashadu qabsoonto, wax ala wixii iyada ku xidhan oo…”

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

 

Hargeysa, 31 July, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa jawaab ka bixiyey eedaymo axsaabta mucaaradku Xukuumadda uu ka tirsan yahay ugu jeediyeen inay qorshaynayso muddo kordhin ay ku baajinayso qabsoomidda doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha Wakiillada oo wakhtiga loo muddeeyey ku beegan yahay daba-yaaqada sannadka dambe ee 2015-ka.

cukuseMd Cabdilaahi Maxamed Daahir waxa uu sheegay in aanay jirin doorasho wakhtigeeda dib uga dhacaysa isla markaana ay xukuumaddiisa ka go’an tahay in lagu qabto wakhtiga loo muddeeyey, haseyeeshee jawaabta uu ka bixiyey dhaliisha mucaaradka waxa u si gaar ah ugu bartilmaameedsaday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo masuuliyiin xisbigiisa ka tirsani kaga dhawaajiyeen hadalka uu wasiir Cukuse u holladay ka-jawaabtiisa.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir, waxa uu sheegay in aanay muddo-kordhintu ku jirin gacanta madaxweynaha balse ay tahay masuuliyadda iyo waajibaadka ay qaranka u hayaan hay’adaha ku shaqada leh oo guddiga Doorashooyinka Qaranku ka mid yihiin.

Wasiirka oo arrintan ka hadlaya, waxa uu yidhi, “Muddo Kordhintu ma fiicna, Muddo-kordhintu kuma xidhna madaxweynaha, rabitaankiisa iyo rabitaan-la’aantiisa midna maaha, waa arrin u taala goleyaasha sharciga ah ee awooddaas iyo sharciyadaas leh, waa arrin u taala komishanka Doorashooyinka Qaranka ee arrintaa haya, laakiin maaha mid uu isagu aqbalo ama isagu diido maaha.”

Md Cabdilaahi Maxamed Daahir waxa uu shaaciyey inay xukuumadda ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku xilliga loo muddeeyey ugu qabsoomi lahayd.

“Xukuumadda way ka go’an tahay inay doorashadu qabsoonto, wax ala wixii iyada ku xidhan oo dhanna dhinaceedana waa ka diyaar oo way samaynaysaa, wixii kale ee ku xidhan Goleyaasha Sharci ama komishanka ku xidhan ama hay’adihii iyo dawladihii inaga caawin jiray doorashada ku xidhan-na way ka hawl-galaysaa inay wuxuuni ka soo dhammaadaan oo ay suuro-gal noqoto. Laakiin, talada doorashada waynu u dhannahay, waynu wada-joognaa, sidaasay xukuumaddu ballan-qaadaysaa, shacbigana halaga daayo wax aan jirin in loo mad-madoobeeyo,” ayuu yidhi Md Cukuse.

Dhinaca kale, waxa uu dhaliilo u jeediyey Guddoomiyaha golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo uu ku eedeeyey in masuuliyiin ka tirsan xisbigiisu ay wakhtiyo kala duwan ku cel-celiyeen muddo kordhinta madaxweyne muddadii la doortay aanay wali dhammaanin, halka kursiga uu ku fadhiyo ee shir-guddoonka Wakiilladu muddo-kordhin ku fadhiyo.

“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ah masuulkii u sarreeyey oo guddoomiyaha Golaha Guurtida oo qudhi ka madax-taagan yahay, waxaanu leenahay inuu naftiisa baro in muddadu dhammaan doonto oo aanu madaxweyne wakhtigiisii hadhay ku eedaynin wax aan wali la gaadhin, iyada oo lagala xishoonayo waxa uu isagu sameeyey,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland oo shalay warbaahinta ugu warramay xafiiskiisa.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Wednesday, July 30, 2014

Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Qaranka Iyo Qoyska Uu Ka Geeriyooday Marxuum Saleebaan Yuusuf Ducaale

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa tacsi u diray guud ahaan qaranka somaliland iyo qoyska reer yuusuf ducaale oo uu ka geeriyooday marxuum Saleebaan Yuusuf Ducaale ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee.

Madaxweyne_Siilaanyo2013War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af hayeenka madaxtooyada somaliland oo ku aadan tacsidani ayaa waxa uu u dhignaa sidatan:-

TACSI MADAXWEYNE  KU-XIGEEN


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ku sugan socdaalkii uu ku joogay Dalka Ingiriiska ayaa  tacsi u diray Reer Yuusuf Ducaale gaar ahaan Suldaan Siciid Yusuf Duacaale oo uu walaalkii Marxuun Saleebaan Yuusuf Ducaale ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 27/07/2014 laguna aasay.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu Tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan saadiqa ALLE ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

Somalida Minnessota Oo Ku Hawllan Mudaharaad Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo Halkaas ku Beegan dhawaan

Minnessota:July,30,2014(Himilo)-Waxa Dalka maraykanka si xawli ah uga socda Qabanqaabada mudaharaad ka dhan ah madaxweynaha somalia oo ay wadaan Jaaliyadda reer somalia ee Halkaas Deggeni.

abeJaaliyadda ayaa xilli horeba iska dhex magacowday guddi qabanqaabo oo mudaharaadka isku dubba ridda, taas oo ay isku dhaceen Safiirka dhawaan madaxweyne xasan u magacaabay dalkaasi ee Cumar cabdirashiid cali, kaas oo ku sugnaa magaalada minisota.

8-da Bisha ayaa la filayaa Madaxweyne Xasan Culusoow inuu Magaaladda Minnessota kulan la qaato qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalidda ee Minnessota.

 

Himilo Media


 

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo La Kulmay Wefti Ka Socda Dalka Sweden

Hargeysa (Himilo) Madaxweyne ku xigeenka somaliland ahna ku simaha madaxweynaha mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dalka Sweden, oo uu hogaaminayo hogaaminayey guddoomiyaha jaaliyada Somaliland ee dalka Sweden.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af hayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa lagaga waramay ujeedada weftigan iyo kulankaasi sida uu u dhacayba waana kan war-saxaafadeedkaasi oo dhameystirani:-

saylici iyo weftiga sweden 2“Waftigan  ayaa madaxwayne ku xigeenka uga waramay  hawlaha  ay ka shaqeeyaan  dalka Sweden ee ku saabsan  wacyigalinta Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan  Sweden  sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen  horumarka  dhinacyada  badan leh ee xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ka wado dalka, waxa kale oo intaasi ku daray in ay mar walba ku dadaalan  masuuliyiinta dalka sweden inay xogo-dheeraad ah ka siiyaan  xaalada dalka, dad  faro badan  oo reer Sweden ah  oo ay halkan ku soo casuumeena ay wax weyn  kala qabteen  sidii dawlada Sweden  loo siin lahaa  xogo-dheeraad ah oo ku saabsan  qaranka Somaliland,  waxa kale oo halkaasi ka hadlay xubnihii kale ee waftigaasi ka mid ka ahaa.

 

Madaxwayne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland Cabdirxmaan Cabdilaahi Saylici  ayaa waftiga soo dhaweeyay kuna bogaadiyay  dadaaalkooda in ay halkaasi ka sii wadaan  madaxwayne ku xigeenku  waxa uu xusay in dadka reer Somaliland  ee muwadiniintii meel kasta ha joogaane uu xil weyni ka saaran yahay in dalkooda dhismihiisa ay ka qayb qaataan kuna dadaalan sidii Jaaliyad walba wadanka ay la joogto ugaga warami lahayd  dalkooda halka uu marayo iyo dadkooda waxay qabsadeen.

ugu danbayntii  waftigani waxay  sheegeen in ay hordhac u yihiin  wafti culus oo dawlada Sweden ka tirsan  oo bisha  September iman doona dalka.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Wasiir Cukuse Oo Tallaabadii Kooxda Xidigaha Geesku Universal ugu duubeen Barnaamijyada ku tilmaamay mid Mudan in la tacsiyadeeyo

Hargeysa:July,30,2014(Himilo)-Wasiirka Somaliland u qaabilsan Warfaafinta Cabdilaahi Maxmed Daahir(cuskue), ayaa markii ugu horaysay ka tiraab-celiyey Barnaamijkii kooxda Xidigaha Geesku u duubeen telefishanka qaranka somalia, isagoo sheegay inuu tacsi shacabka loo diro uu kaga falcelinayo arrintaas.

cukWasiirku waxa uu sheegay in arrintaasi ay ahayd khalad aad u weyn oo kooxdaasi qaranka iyo nafahoodaba ka gashay, “Waxaan Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaanba uga Tacsiyadaynayaa,Khaladka Wayn ee ay Galeen Koox ay Magacooda barteen oo la baxday Xidigaha. Dhalin yaradaasi oo Khalad aan Caadi ahayn gashay, Naftooda ka gashay, Dalkooda ka galay, Fankooda ka galay, Dad-nimadooda ka galay.Waxaan Shacabka iyo Intii Magacooda taqaanayba ka tacsiyadaynayaa Gafkaasi.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Cukuse.

Kooxda Fanaaniinta ah ee Xidigaha Geeska oo Wasaaradda Warfaafinta, siiba TV-ga Qaranka ka tirsan, ayaa Barnaamijka Ciida si Qarsoodi ah ugu duubay Hargeysa, kaasi oo ay siiyeen Telefishanka Qaranka Somalia iyo UniversalTv oo Somaliland ka mamnuuc ah.

Xidigaha Geeska oo Shalay Bulshada Somaliland iyo Xukumadda ka Raaligaliyay Barnaamijyadaasi ayaa sheegay inay ku kaliftay Falkaasi sidii ay Dadka Fankooda xiiseeya ee Somalia iyo meelo kale oo dunida ah jooga u gaadhsiin lahaayeen Barnaamijka Ciida.

Wasiir Cukuse ayaa ka joojiyay Barnaamijkii Ciida ee ay TV-ga qaranka ugu tala galeen, iyadoo u muuqata in laga Mamnuucay Fankooda TV-ga Qaranka tan iyo markii uu soo baxay Barnaamijka ay Telefishanada Somalia ku soo celceliyeen habeenadii u dambeysay.

 

Agaasimahii Somaliland ee UniversalTv Maxamed Caabi ayaa maalintii 4-aad u xidhan Duubida Barnaamijkan Ciida ee Fanaaniintu duubtay, ka dib markii lagu eedeeyay fududaynta Barnaamijkan oo Xafiiska Universal duubay.

 

Xidigaha Geeska ayaa Heeso badan oo Qadiyada Somaliland ku qotoma, kuwo Waddani iyo Wacyi galin ahba hore u Qaaday, hase ahaatee waxaa Bulshada Somaliland si weyn isku waydiinaysaa sababta ku kaliftay inay Telefishanada Xamar  Hargeysa ugu duubaan Barnaamijyo xatooyo ah.

Lama garan karo  tallaabada dhaafsiisan tacsida uu kooxdaas  dhaqanka shacabka uga diray, waxase la sugayaa tallaabada tan xigta ee uu wasiirku ka qaadi doono kooxdan firfircoon ee shacabku heesahooda sida weyn ula dhacsan yihiin.

 

Himilo Media

Al-shabaab Oo Saaka Gabadh Dhallinyaro ah Ku Toogtay Sabab ka Yaabisay Dadka Shacabka ah

Jamaame:July,30,2014(Himilo)-Kooxda Islaamiga ah ee Al-shabaab, aya Maanta dil ku fulisay Gabadh dhallinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inay diiday qaadashada Xijaabka.

bastooladGabadhan ayaa lagu toogtay Gegmada Jamaame ee Gobolka Jubadda Dhexe, waxana dilku dhacay markii  gabadhani ka hortimi amar kooxda Al-shabaab siisay.

Laba nin oo ka tirsan dagaal-yahanada Al Shabaab, ayaa waxay saaka arkeen gabadh fadhiday ilinka hore ee gurigooda, waxayna ku amreen inay soo xidhato xijaab, hase ahaatee gabadha oo ka diiday, ayaa waxaa la sheegay inay karbaash la dhaceen.

Goobjooge, ayaa wuxuu sheegay inay la qabsatay karbaashkii ay wateen, markii dambena ay madaxa kaga dhufteen bastoolado ay ku hubeysnaayeen raggaasi.

Dilka gabadhan oo ka dhacay deegaanka Baqdaad ee Degmada Jamaame, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay goobtaasi ka taggeen labadii nin ee gabadha dishay.

Gabadha la dilay oo magaceeda lagu soo koobay Farxiya, ayaa waxaa isla maanta lagu aasay deegaanka Baqdaad, iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al Shabaab.

Arbacadii la soo dhaafay, ayay ahayd markii Al Shabaab ay xukun dil ah ku fulisay gabadh kale Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, markii ay ku eedeeyeen basaasnimo.

 

 Himilo Media

Tahriibayaal ku Geeriyooday Xeebaha Dalka Libiya

Banghazi:July,30,2014(Himilo)-Ilaa iyo Haatan inta la ogyahay 20-qof oo tahriibayaal ah, ayaa ku nafwaayey tiro kalena waa la la’yahay kadib amarkii doon ay saarnaayeen kula degtay Xeebaha dalka Libiya.

doneDadkan ayaa ahaa ahaa kuwo doonaayey in ay tahriib kaga baxaan Libya, waxaan safarkoodu ku jeedey dalalka Koonfurta Yurub oo inta badan ay tahriibayaasha libiya ka shiraacdaa beegsadaan.

Sida laga soo xiganayo afhayeenka ciidamada badda ee Libya Col. Ayub Qassim doontu waxay ku degtey halka loo yaqaan Xumas oo 100 km u jirta Tripoli, Waxaana ay sidey 150 tahriib ah, waxaana ay ka soo jeedeen Badhtmaha, Bariga iyo Koonfurta Afrika, Ayub ayaa sheegay in dadkan ay u tahriibeen dalka Talyaaniga ka hor inta aan doontu la degin.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 22 qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa doonta, waxaana ay u sheegeen in dadka doonta sarnaa ay ka badnaayeen 150 qof.

Dhimashada dadka tahriibka ku aadaya Dalalka yurub ayaa  wax iska caadi ah haatan caalamka ka noqotay, waxana maalin walba warkooda la sheegayaa boqolaal soomaaliyi ku jirto oo ku naf waayey xeebta dheer ee Dalka libiya.

 

Himilo Media

Wariye Maalintii Afraad ku Jira Gacanta Ciidanka Dambi-baadhista Oo Maxkamad La Keenay iyo Wasiir Waran-cadde oo Ka Hadlay

Hargeysa:July,30,2014(Himilo)-Wariye Axmed Rooble oo ka  maalintii afraad u xidhan xukuumadda ayaa la horkeenay Maxkamada Gobolka Hargeysa.

baliWariyahan oo la qabtay habeenkii Ciidu soo gelaysay, ayaa lagu eedaynayaa warar uu wax kaga sheegay Caafimaadka madaxweynaha, kaas oo lagu sheegay inuu ahaa mid Been Abuur ah.

Wariye Axmed ayaa saaka markii maxkamadda la  horkeenay dib loogu celiyey CID-da, iyadoo aan la ogayn muddada rumaanka ah ee loo diray.

Xilliga wariyahan la keenay maxkamadda ayaa ahaa mid aanay saxaafadda Madaxa bannaani joogin, waxana lagu warhelay iyada oo dib loogu celiyey xarunta Ciidanka dambi-baadhista oo markii horeba laga soo qaaday.

 

Dhinaca kale wasiirka arimaha gudaha Somaliland ayaa mar uu u waramayey laanta afka somaliga ee BBC-da waxa uu sheegay in Wariyahan lagu Haysto  war uu ka baahiyey caafimaadka madaxweyne siilaanyo warkaas oo uu ku tilmaamay mid been abuur ah.

Himilo Media


 

Cudurka Macaanka oo la ogaaday inuu Saamayn ku yeesho Laxaadka Aragga ee Qofka

Daraasad caafimaad oo ay sameeyeen khubaro u dhalatay dalka Maraykanka, ayaa natiijadeeda lagu ogaaday in naaqus ku yimaadda Aragga Indhaha iyo dhibaatooyin kale oo ku yimaadda dhinaca Aragga, ay ka mid yihiin waxyaabaha uu keeno ama la soo darsa dadka uu haleelo Cudurka Macaanka ama Sonkorwga.

nasasho laxaadka iyo macaankaCilmi baadhistan oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan Xarunta ka-hortagga Cudurrada ee gobollada Atlanta iyo Georgia ee dalka Maraykanka, waxa ay tilmaamtay in dadka qaba macaanka, khatarta ugu weyn ee indhaha ka soo food saartaa ay tahay khal-khal ku beerma aragtidooda.

Waxa ay daraasaddu muujisay in tijaabo lagu ogaaday in mar kastaba dadka qaba macaanka ay yihiin kuwa ugu nugul arag-darrada iyo indho beelka dhamaystiran labadaba.

Majaladda Eristy ee ka soo baxda dalka Jarmalka lagu daabacay natiijada ka soo baxayda daraasaddan, ayaa lagu sheegay intii daraasaddan la wadayn baadhitaan iyo tijaabooyin caafimaad lagu sameeyey in ka badan 1200 oo qof oo macaan qaba iyo qiyaastii 12 Kun oo qof oo caafimaad qaba.

Waxa baadhista lagu ogaaday in in 11% ka mid ah dadka qaba Macaanka ay dhibaatooyin dhinaca aragga ah qabaan, halka dad macaanka aan qabin balse araggooda aanu wanaagsanayn ay ka noqdeen 6%. Waxa ay daraasaddu ugu dambayntii soo bandhitay in 50% ka mid ah dadka qaba Macaanka ay dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca aragga ah qabaan.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Dabeecadda iyo Hab-dhaqanka Gabadhu waxay saldhig u yihiin Guusha Nololeed iyo Tamarinta Saygeeda! [DARAASAD]

Ragga nasiibka u yeesha guurka Dumarka farxadda badan ayaa la xaqiijiyay in aanay si dhakhso ah

u cimri degdegin kana badbaadaan xanuuno badan oo halis galin kara noloshooda, sida lagu sheegay natiijada cilmi baadhis ay sameeyeen khubaro ka tirsan Machad lagu magacaabo German Max Planck Institute.

nasasho gabadha iyo guusha noloshaCilmi baadhistaan oo intii ay socotay ay ka qayb-qaateen isla markaana su’aalo kala duwan lagu weydiiyey Laba Kun oo qof oo isugu jira Rag iyo dumar xaasas leh, ayaa lagu ogaaday in Ragga qaba xaasaska farxadda iyo wejiga furnaanta leh ay aad uga caafimaad badan yihiin maskax ahaan iyo jidh ahaanba Ragga kale ee xaasaskoodu inta badan xasaradda iyo cadhada badan.

Khubarada cilmi-baadhistan samaysay, waxa ay ku doodeen in farxadda iyo weji furnaanta ay haweenaydu u samayso Saygoodu ay kaalin muhiim ah oo heer sare ka qaadato fayo-dhawrka caafimaadka ninka dhhinac walba, taas  oo ay sheegeen in horumarka, dadaalka iyo caafimaadka ninku ay ku xardhan tahay hadba nooca ay noqdaan hab-dhaqanadda ay kala kulmaan xaasaskooda.

Xisbi ka Dhisan Ingiriiska oo gabadh u dhalatay Somaliland u doortay Beddelka Xildhibaan Qaaddacay Go’aan Golaha Deegaanka Bristol ku Aqoonsadeen Madax-bannaanida Somaliland

London, 30 July, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Jon Rogers oo hoggaaminayey xildhibaanno tiro yar oo ka soo horjeestay go’aan ay golaha deegaanka Bristol ku taageereen qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, ayaa lumiyey kursigii uu lahaa Golahaas, waxaana beddelka booskiisa galay xildhibaan Nuura Cumar Caabbi oo dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland.

Hustings on the elected mayorXildhibaan Rogers iyo Afar xildhibaan oo ay ka tirsan xisbiga Lib Democrats, ayaa ka biyo-diiday isla markaana mucaaradad xooggan kaga soo horjeestay mooshin ku saabsan Qadiyadda madax-bannaanida  iyo Golahaasi Aqoonsan yahay Somaliland oo xildhibaanno ka tirsan xisbiyada Labour-ka iyo Green Party ay bishii May ee sannadkan u gudbiyeen Golaha Deegaanka Bristol, haseyeeshee xildhibaan Rogers iyo asxaabtiisu ayaa lagaga guulaystay mooshinkaas, waxaanu golahaasi si rasmi u aqoonsaday madax-bannaanida Somaliland, iyada oo calanka Tawxiidku ku qoran yahay laga hor qotomiyey Xarunta Golaha deegaanka Bristol.

Xisbiga Lib Democrats ee xildhibaankani ugu jiray Golaha Deegaanka Bristol, ayaa shaaca ka qaaday in Ms Nuura Cismaan Caabbi u meteli doonto xubnimada Golaha Deegaanka ee Bristol ugu jira xisbigooda, ka dib markii xildhibaan MP Jon Rogers ku guul-darraystay inuu xisbiga guulo ka gaadhsiiyo doorashadii Golaha deegaanka ee ka dhacday dalka Britain bishii Lixaad ee sannadkan, taas oo uu mar labaad isu-sharraxay kursigii uu hore ugu fadhiyey.

Mr Rogers oo filayey inuu guul ka gaadho doorashadii Golaha deegaanka ee bishii May dabayaaqadeedii ka dhacday dalka Ingiriiska, ayaa guul-darradiisa loogu bushaareeyey todobaadkan ka dib markii ay soo baxday in la rejaynayo in kursigiisa ay ku fadhiisanayso gabadh dhalinyaro ah oo asal ahaan ka soo jeedda Somaliland balse haysata dhalashada dalkaas oo ay ka wada-tirsan yihiin Xisbiga Lib Democrat.

nuura aabeNuura Cismaan Caabbi oo laga doorto degmada Ashley ee magaalada Bristol, waxa kale oo ay sannadka dambe booskiisa xubinimada Golaha Wasiirrada kala wareegi doontaa xildhibaan Gus Hoy oo ka tirsan Xisbiga Green Party, sida uu sheegay afhayeen u hadlay xisbiga Lib Dems.

Ms Nuura Caabbi oo Somaliland u dhalatay, ayaa dalkaas la geeyey iyada oo siddeed jir ah, waxaanay wakhtigan maamule ka tahay Dugsiga Fairfield ee degmada Horfield oo ku taala nawaaxiga magaalada Bristol.

Xukuumadda Ingiriiska ee uu Madaxa ka yahay Raysal-wasaare David Cameroon, ayaa ku dhisan nidaam is-bahaysi oo ay wadaagaan Xisbiyada Conservative-ka oo uu hoggaamiye Mr Cameroon iyo Xisbiga Lib Democrats oo uu hoggaamiyo Nick Clegg oo noqday raysal-wasaaraha dalkaas ka dib doorashadii dhacday 2010-kii.

 Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Waa Maxay Saamaynta Siyaasadeed ee ka dhalatay Meherkii Gabadha uu Dhalay Madaxweynaha Jabuuti?

Warbaahinta Jabuuti oo iftiimiyey Habeenka uu ula ekaa Habeenka Khayrka badan ee Laylatul-qadriga iyo sababta ay ku xusheen!


 

Jabuuti, 30 July, 2014-(Himilo)- Warbaahinta Xukuumadda Jabuuti, ayaa baahisay in Habeenkii Laylatul-qadar-ku sahlay inay midoobaan laba nin oo kala duwanaanshaha fikradahooda Siyaasadeed awgeed u kala maqnaa, isla markaana Warbaahinta isu marin jiray weedho xanaf iyo xamaasad leh.

Sida lagu baahiyey Wargeyska La nation oo ku hadla Afka Xukuumadda Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Yarad looga siiyey inan uu dhalay afartan Neef oo Geel ah iyo Qori Maadhiin-yare Qarnigii Sagaal iyo tobnaad la isticmaali jiray, taasoo la Meheriyey habeennimada 25-ka Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

MEHERKAXafladda Meherka Haybado Ismaacil Cumar Geelle iyo Dr. Jaamac Cilmi Cukiye, oo ay ka qeybgaleen Ugaaska Beesha Ciise, Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Madax-dhaqameed kala duwan, Siyaasiyiin, Masuuliyiin ka kala socday golayaasha iyo axsaabta qaranka Somaliland oo uu Kulanka Bixinta iyo Meherinta Gabadhiisa ku casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

Hase-yeeshee, waxaa dad badan oo xog-ogaal u ah xiisadaha siyaasadda Jabuuti ee u dhaxaysa Mucaaridka iyo Muxaafidka dalkaas xiiso gaar ah u sameeyey, markii Xafladda Meherka la isugu yimi, isla markaana uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Jabuuti Ismaaciil Geeddi Xareed Madasha ka sheegay inay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga fadhiyaan Siinta ama bixinta Inantiisa Haybado Ismaaciil Cumar oo ay u doonayaan Dr. Jaamac Cilmi Cukiye, waxaanu Madaxweyne Geelle halkaas ku hibeeyey, kuna Meheriyey Inantiisa Cibaado ee looga soo geed-fadhiistay, isaga oo u muuqday inuu bixinteeda aad ugu faraxsanaa.

Sidaa daraaddeed, Munaasibadda la isugu Meheriyey Haybado iyo Dr. Jaamac, ayaa u muuqatay mid isu-soo-dhoweysay laba nin oo kala duwanaanshaha afkaartooda Siyaasadeed awgeed u kala irdhoobay, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxii hore Aqalka Madaxtooyada wakhtigii Madaxweyne Xasan Guuleed Aabti-doon.

Madaxweyne Ismaaciil iyo Shaqsiyaad kale oo joogay Madaxtooyada Jabuuti xilligii Xasan Guuleed, ayaa ku guul-darraystay xal u helidda inay isu soo dhoweeyn ka sameeyeen khilaafyadii u dhexeeyey Xisbiyada USN iyo UMP, Balse, dunnida wax aan suurtoobini ma jiraan.

Habeenkan Munaasibadda Meherku ka qabsoontay magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa ku beegnayd 25-kii Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan tobankeedii dambe, isla markaana ahayd habeennadii laga baadhayey Habeenka kunka bilood ee u dhigma Saddex iyo Siddeedanka sano ka khayrka badan oo laga raadiyo tobanka dambe ee Ramadaan, gaar ahaan habeennada tirada kala dhiman sida 21, 23, 25, 27, iyo 29-ka, sida uu Nebi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee uu ku dardaarmay (S.C.W), laakiin Allaah ayuun baa og habeenkaasi ka uu ka yahay ama ka ahaa tobankii dambe ee Bisha Ramadaan oo dhammaantood ay Muslimiintu Masaajiddada buux-dhaafiyeen, aadna ay u oogeen Cibaadada bisha Ramadaan, gaar ahaan Salaadda Habeenkii ee Salaatul-laylka si ay habeenkaas khayrka badan ula kulmaan.

 Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Raysal-wasaaraha Turkiga oo celinaya Abaal-marin ay Yuhuudda Maraykanku guddoonsiiyeen

Washington, 30 July, 2014 (Himilo)- Raysal-wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa shaaca ka qaaday inuu dib u celinayo Abaal-marin uu Ururka Yuhuudda ku dhaqan waddanka Maraykanku ku abaal-mariyeen sannadkii 2004, markaas oo uu ka guddoomay Abaal-marintaas oo uu ku mutaystay qodobbo dhawr ah oo kala duwan.

Wakaaladda Wararka ee AP, ayaa sheegtay in sababta Raysal-wasaaraha Turkigu Mr. Erdogan uu sidaas u yeelayaa inay tahay ka dib markii Ururkii Abaal-marintaas siiyey ay ka codsadeen in uu dib u soo celiyo iyagoo ka cadhaysan qaabka uu uga hadlay duullaanka iyo Xasuuqa ay dawladda Yuhuudda ee Israel ka ku hayso Muslimiinta ku dhaqan magaalada Qasa ee Falastiin.

RecWarqad Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Washington ee dalka Marakanku oo ku hadlaya afka Raysal-wasaare Erdogan uu u diray Jack Rosen oo ah Madaxa Ururka Yuhuudda Maraykanka, taasoo nuqul ka mid ah ay Warbaahintu heshay Salaasadii Shalay, ayaa waxaa ku qornaa:- “Falalka ay Isra’iil ka waddo Qasa iyo go'aanka aan munaasibka ahayn ee ay Yuhuudda Maraykanku arrintaas ka qaateen dartood, Erdogan wuxuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo celiyo Abaal-marintaas.”

Toddobaadkii hore, waxa Madaxa Ururkaas Yuhuudda Maraykanka Jack Rosen oo Warbaahinta la hadlay uu Raysal-wasaaraha Turkiga ku tilmaamay inuu yahay hoggaamiyaha ugu xun hoggaamiyeyaasha dunida, gaar ahaan kuwooda neceb Isra’iil.

Abaal-marinta Erdogan uu dib u celinayo waxa la siiyey 2004-kii, waxaana Ururka Yuhuudda ee Abaal-marinta guddoonsiiyey Raysal-wasaaraha Turkigu ay sheegeen inuu ku mutaystay kaalinta uu ka qaatay nabadeynta iyo xasillooni ka dhalinta Bariga Dhexe iyo weliba sida uu isaga xil-saaray dhawrista Muwaaddiniinta Turkiga ah ee asalkoodu ka soo jeedo ama uu yahay Yuhuudda.

Laga soo bilaabo markii uu bilowday duullaanka culus ee xasuuqa ah ee Israel ka waddo  magaalada Qaza saddex toddobaad ka hor, waxaa geeriyoodey 1,156 (Kun boqol iyo konton iyo lix qof) oo Maslimiinta Falastiin ee Qasa ka tirsanaa, kuwaasoo u badan Carruur, Dumar iyo Dad Waayeel ah, iyadoo tirada dhaawacuna ay illaa iyo hadda marayso in ka badan 6500 (lix kun iyo shan boqol) oo qof, waxaanu Raysal-wasaaraha Turkigu sheegay inaan loo dul-qaadan karin xasuuqa ay Yuhuuddu ku hayso Muslimiinta Qasa ee aan hubaysnayn.

 Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Maraykanka oo Ruushka ku eedeeyey inuu jebiyey Heshiis Xasaasi ah oo ay wada galeen 27 sanno ka hor

Washington, 30 July, 2014 (Himilo)- Dawladaha Maraykanka iyo Ruushka, ayaa ku muransan sii- waditaanka iyo ka-bixitaanka Heshsiis dhex-maray sannadkii 1987-kii, waxaanay dawladda Maraykanku dhiggeeda Ruushka ku eedaysay inay jebisay heshiiskaas oo la xidhiidhay dhinaca Hubka wax-gumaada ee Nukliyer-ka qaabka loo adeegsanayo.

Inkasta oo aanay dawladda Maraykanku faahfaahino dheeraad ah ka bixin nuxurka qodobbada heshiiskaasi sidii ay u dhignaayeen iyo waxa qodobbada ay dawladda Ruushku jebisay kuwa ay yihiin, haddana waxay Maraykanku Ruushka ugu baaqeen inuu dhawro dhiniciisa heshiiskaas oo ay USA ku tilmaantay mid aad u xasaasi ah.

Maraykanka iyo ruushka“Arrintani waa mid Xasaasi ah, waxaanannu isku daynay in aannu Ruushka arrintan ku war-gelinno mar uun. Waxaannu Rushka ku dhiirri-gelinaynaa inay ka dhabeeyaan waajibaadka ka saaran u hoggaansanaanta heshiiska la wada gaadhay 1987-kii, meeshana ay ka saaraan wax kasta oo carqaladayn kara heshiiskaas.” Sidaa waxa lagu yidhi war qoraal ah oo ka soo baxay Masuul ka tirsan dawladda Maraykanka, gaar ahaan qaybta Difaaca.

Arrintan oo ka soo baxday Xafiiska Masuul ka mid ah kuwa Maraykanka laguma sheegin sida ay dawladda Ruushku u hareer-martay heshiiskan oo dhamaystiran, balse Wargayska New York Times, ayaa daabacay in Washington ay ku war-gelisay sida aanay raalli-gelin uga hayn tijaabinta uu Ruushku tijaabiyay qaar ka mid ah Gantaaladiisa ugu casrisan ee uu samaystay.

Heshiiska ayaa la gaadhay 1987-kii, markaas oo uu dhigayey in labada dal ay meesha ka saaraan tijaabinta Gantalohooda gaadha inta u dhaxaysa 500 illaa  5,500 KM, waxaana uu Wargaysku  sheegay in khilaafka arrintaasi aan xal waara loo helin oo uu illaa hadda khilaaf ka taagan yahay.

“Tani waxay muujinaysaa sida Ruushka uu uga fogaanayo heshiiska dhacay ,inkastoo labada dhinac ay isku khilaafsan-yihiin arimo badan.” Sidaa waxa yidhi Daryl Kimball oo Madax ka ah Ururka Arms Control Association(ACS) oo Xaruntiisa guud ku taallo magaalada Washington ee waddanka Maraykanka sida uu baahiyey Wargeyska New York Times.

Warku wuxu intaas ku daray inay dawladda Maraykanku qorshaynayso la tashi ay arrintan kala yeelato dawladaha ay Xulufadaha yihiin ee Reer Galbeedka, kuwaasoo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka inkasta oo aanay Jarmalka dhawaanahan siyaasad ahaan isku fiicnayn Maraykanka iyo weliba dawladaha kale ee Awoodda leh, isla markaana u dhego-nugul dhawaaqyada Maraykanka ee Yurub.

 Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Aaway Xuquuqdaydii?! – W/Q. Mustafe Cabdiraxmaan

Waxaan ahaan jirey mid leh xuquuqo dhammaystiran, oo aaminsan aragti xaq ah. Aragtidaas oo ay ka dhalan jirtay nolol xalaal ah oo dhab ah, dad iyo duunyo lagu liibaani jiray, col iyo abaarna lagagaadkaan jiray.

Bulshada aan la noolaa waxay ahayd, bulsho i xannaanaysa si aanan u xanuunsan, i dayac-tirta si aanan u dayacmin, i sasabata si aanan uga tagin, i raali gelisa si aanan uga cadhoon, ii uur-fayow sida ubad ay dhaleen.

Ilaalisa heshiiska naga dhexeeya meel kasta oo ay dunida joogaan,, igu indha-doogsada sida dayaxa afar iyo tobnaad. Mar walba afka igu haya sida xadiis ama aayad diin ah. Facba faca kale u gudbiyo, aragtidaydii dhabta ahayd ee aan rumaysnaa.

Nasiib xumo immika sidaa ma ihi, waxa dux beeshay oo uu habaas fuulay aragtidaydii xaqa ahayd, waxa la dulmiyey oo basaastu huwatay noloshii dhabta ahayd ee aan aaminsanaa. Iyadoo la abuuray aragti liidata oo uu qof indho la’i usha u hayo.

Waxa la dhiiri-geliyey nolol khaldan oo ku salaysan dulmi kana shidaal qaadanaysa baadil cad. Waxaan ku dhex noolahay bulsho aan i dannayn, waa bulsho aan i dareemin, waa bulsho aan igu faanin, balse iga faanta, oo rumaysan in aanan casriga la jaan-qaadi karayn balse taa anigu ma qabo, casri kasta waan la jaan-qaadi karayaa, haddaan helo dad ii daacada, oo i kool-kooliya ina kab-kaba oo si dhab ah ii daryeela.

Ma nooli mana dhiman, dhaawac halisa ayaan qabaa, waana suuro-gal in aan u dhiman karo. Jidhkayga xubin kasta oo ka mid ah, dhiig ayaa qulqulaya, waxaan u baahanahay gargaar degdeg ah, qof damiir leh oo i arkaa ima dhaafeen. Dhiig joojin iyo dhaymo midna la iima quudho.Wallow ay jiraan dad kooban oo u dadaala si ay ii badbaadiyaan, haddana duruufaha soo wajaha ayaa inta badan ka itaal roonaada.

Inta aynu ceebteena ognahay, waynu caafimaad qabnaa, haba yaraadaane inta aan haysto cid ii garaabaysa baaqi ayaan sii ahaanayaa, balse Maalinta cid ii garowda aan waayo, waa maalinta dunidan iigu danbaysa ee aan dhammaan doono. Soomaaliyeey waxaan ahay dhaqankiina oo idinla hadlaya!

Waa dhaqankii awoowyaashaa ee qiimaha badnaa ee kala saari jiray soomaalida iyo bulshooyinka kale ee caalamka, waa astaanta aad kaga duwan tahay ummadaha dunida kugula nool, waa arrinka qudha ee aad la dhex tagi karto dadyowga kale marka uu mid waliba astaantiisa soo bandhigo.

Dhaqankaas oo intii uu ka xaragoon jirayba maanta lagu xaragoodo. Intii uu ku xaragoon jirayna laga xaragoodo! Aaway dadkaygii? Meeday xuquuqdaydii? Mooyi!

Waxaan ku soo koobayaa ereyo ka mid ah tix uu lahaa abwaankeenii weynaa ee Xasan Xaaji Cabdillaahi “Ganey”

“Badownimaa saxnayde

Ilbaxnimo ma sidanaa?”

Mustafe Cabdiraxmaaan Sharmaarke

Email: mustafe05@hotmail.co.uk


Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

 

Xamaas waa urur Noocee ah? Sooyaal iyo Falanqayn: -W/Q: Cali Cabdi Coomay (Q.2aad)

Kacdoonkii labaad (second intifada)

Sannadkii 2000 waxa bilaabmay kacdoonkii ay shacabka reer falastiin kaga soo horjeedeen qabsashada yuhuud ee dhulkooda. Mudadii uu socday kacdoonku dadka shacabka ee ku dhintay waxa lagu qiyaasay 5,500, halka yuhuuda dhimatay lagu qiyaasay 1,100 iyo 64 shisheeye. Weeraradan waxa qaaday guutada Al-Qassam oo ah garabka hubaysan ee Xamaas.

Sannadkii 2001-dii ayaa bamboo lagu weeraray hudheel ay ka cunteeyaan yuhuudu, waxaana qudha lagaga jaray 15 yuhuud shacab ah. Markii falkaasi dhacay ayuu af-hayeen u hadlay ururka Xamaas ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen, oo ay kaga aargoosanayeen dilka ay Israa’iil u geysatay laba hogaamiye oo ka tirsan ururkooda.

Sannadkii 2004-tii ayuu Sh. Axmed yaasiin ku dhawaaqay inay Xamaas joojisay dagaalkii ay kula jirtay dawlada Israa’iil iyagoo ku bedeshay dawlada ay falastiin yeelato oo fadhigeedu yahay daanta Bari, Bariga Jerusalem iyo Qasa. Intaasi ka dib sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Al-Rantissi ayaa sheegay inay jirto 10 sanno oo heshiis ahi, oo lagu bedelanayo dhammaan dhulkii ay Israa’iil ka qabsatay falastiin dagaalkii lixda cisho ee dhacay 1967-kii ee dhexmaray carabta iyo Yuhuuda. Si dhakhso ah ayay Israa’iil uga jawaabtay hadalka Al-Rantissi waxaanay ku micnaysay hadal aan daacad ahayn oo been ah. Waxay sheegtay inaanay marnaba ka baxayn dhulka ay qabsatay.

Isla-sannadkii 2004-tii ayay Israa’iil weerar qorshaysan oo dhinaca circa ah ku dishay Sh. Axmed yaasiin oo ahaa hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Xamaas. Bishii afraad ee 2004-tii ayay weerar kii la mid ah ku dishay Al-Rantissi.

Doorashooyinkii Xamaas ku guulaystay

Sannadkii 2006-dii waxa la qabtay doorashadii dawladaha hoose ee falastiin. Ururka Xamaas wuxuu hore ugu gacansaydhay doorashadii M/weynaha ee la qabtay sannadkii 2005-tii, taaso uu ku guulaystay Maxamuud Cabbaas oo uu bedelay Yaasir Carafaat. Xamaas waxay cod aqlabiyad ah ka heshay magaalooyiinka Baytu laxam, Rafax, Qasa iyo Qalqilyah oo ka tirsan daanta Bari. Xamaas waxay kaga adkaatay ururka Fatax dhammaan deegaankaasi. Kuraasta ay ku guulaystay ayaa ahayd 74 kursi, halka kuraasta loo tartamayay ka ahayd 132 kursi.

Waxa kale oo Xamaas gacanta ku dhigtay askari yuhuudi ah oo la odhan jiray Gilad Shalit, markii dambe ay ku bedesheen maxaabiis fara badan.Badhtamhii sannadkaasi ayuu is-casilay Raysal wasaarihii falastiiniyiinta Axmed Qureec iyo golihii wasiiradiisa, si ay ururka Xamaas u soo dhisaan dawlad bedesha. Muddo yar ka dib Xamaas waxay doorteen Ismaaciil Haniya inuu noqdo Raysal wasaaraha cusub ee falastiin. Ismaaciil Haniya ayaa ku dhawaaqay golihii wasiirada ee dawladiisa, waxa ay ahaayeen 24 wasiir oo intooda badani ahaayeen xubno ka tirsan ururka Xamaas. Maxamuud cabbaas ayaa diiday inuu ku biro dawladan ay Xamaas isku koobtay.

Dagaaladii dhexmaray Xamaas iyo Fatax

Dabayaaqadii 2006-dii ayay isku dhaceen laba kooxood oo hubaysan oo kala taageersan Xamaas iyo Fatax. Dagaalka ayaa ka bilaabmay khilaaf soo kala dhexgalay wasiir ka tirsan dawlada Ismaaciil Haniyo iyo kooxo taageersanaa ururka Fatax oo Maxamuud Cabbaas hogaamiyo, oo diidanaa dawladan ay Xamaas isku koobeen. Garabka hubaysan ee ururka Fatax oo la yidhaa”Al-aqsa Brigade” ayaa af-duubay sarkaal sare  oo Xamaas ka tirsan, balse way sii daayeen markii dambe. Dagaalada ka dhexqarxay labada urur waxa ku dhintay dad lagu qiyaasay 600 oo falastiiniyiin ah.

Sannadkii 2007-dii ayay dawlada Sacuudigu u qabtay labada dhinac shri dib-u-heshiisiin, waxaana lagu heshiiyay in la sameeyo dawlada midnimo qaran. Muddo ka dib waxa lagu dhawaaqay golihii sharci dejinta oo ka koobnaa 83 xubnood. Wixii intaasi ka dambeeyey Xamaas ayaa toos ula wareegtay maamulida magaalada Qasa.

Sannadkii 2007-dii sidoo kale ayay Xamaas sii kordhisay weerarada dhinaca gantaalaha ee lagu garaaco Israa’iil, waxaana lagu qiyaasay 40 sayruuq iyo 70 hoobiye. Israa’iil ayaa weerarada kaga jwaabtay duqayn dhinaca cirka ah, oo ay ku qaaday Qasa.

Sannadkii 2009-kii ayuu Khaled Mashaal ayaa sheegay inuu ururka Xamaas diyaar u yahay inuu wadahadalo la furo dawlada M/weyne Obama, sababta ayuu ku sheegay inuu ka fiican yahay maamulkii ka horeeyey ee W. Bush.

Sannadkii 2011-kii ayuu ismaaciil Haniy oo gacanta ku hayay maamulka Qasa tacsi u diray dilkii loo geystay hogaamiyihii Al-Qaciida Osama Binu laden. Wuxuu ku tilmaamay inuu ahaa geesi iyo mujaahid xalaala ah oo ka dhashay carab (Holy Warrior).

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Huteello ku Yaalla Jarmalka Oo Laga Dhex Beeray Dhir Muuqaallo Xayawaano Dad Cun ah Loo Ekaysiiyey

Qaar ka mid ah Huteellada ku Yaalla Dalka Jarmalka oo uu ka mid yahay Hutelka caanka ah ee Shiriton, ayaa laga dhex sameeyey Beero ay ku yaallaan Geedo loo ekaysiiyey Muuqaalka Xayaanno dad cun ah.

Hotelka ugu weyn dalkaasi ayaa waxaa inta badan u dalxiis taga Madaxda Dalkaasi, iyadoona inta badan la dajiyo Mas’uuliyiinta martida u ah Dowladaasi Jarmalka.

nasasho xayawaano dad cun ahMuuqaalka Hotelkaasi ‘’Shiritoon’’ oo aad u qurux badan ayaa waxad ku arkeysaa Beero loo muuqaal ekeysiiyay Xeywaanaadka Sida Maska loo yaqaan Kubrada, fardaha iyo muuqaalada Xeywaano kale loo ekeysiiyay.

Hoteelkani ‘’Shiritoon’’ ayaa waxaa inta badan inay degaan aan Loo Ogolayn  dadka ganacsatada iyo dadka caadiga ah, maadama uu yahay Hotel aan loogu talo galin dadka ku nool darajada hoose iyo dhexe.

nasasho xayawaano dad cun ah 2Beeraha ku yaalla Hotelka ayaa waxaa si gaar ah u xanaaneeya dad ka badan 150-ruux oo aan laheyn Howl aan aheyn xanaaneynta beerahaasi.

Lama shaacin Mushahaarada ay qaatan shaqaalahaasi ku howl-leh xanaaneynta beerahaasi, waxaana la tilmaamay in Hotelkaasi oo ka kooban 450-qol ay ka howlgalaan shaqaale kor u dhaafayo 1,700.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Gambadha: Malleeshiyaad ka tirsanaa Kooxda Nabad-diidka ah oo isu-dhiibay Ciidanka Qaranka

Hargeysa, 30 July, 2014 (Himilo)- Askar tiradoodu gaadhay 20 oo ku gaashaaman hubkooda oo hore uga tirsanaa Kooxda Nabad-diidka ah ee Khaatumo, ayaa isu-soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee fadhiisimada ku leh deegaanka Gambadha ee Bariga gobolka Sool, sida uu sheegay taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland.

shaqleSarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed (Shaqalle) oo qoraal uu warbaahinta ugu talo-galay kaga hadlay go’aanka ay isu-soo-dhiibeen Askarta hore uga tirsanaa Khaatumo, ayaa sheegay inay yihiin dhalinyaro la yaah-wareeriyey oo dhow bilood ka hor laga ururiyey degmada Ceegaag ee gobolka Saraar.

Qoraalka Taliyuhu kaga hadlay Maleeshiyo-beeleed isu-dhiibay ciidanka, ayaa u qornaa sidan:  “Abaarro 1:30 maanta waxa  isu soo dhiibay  Taliska ciidanka qaranka ee Jiida Gambadha  ee gobolka Sool, 20 askari  oo hubkoodii wata oo ka soo goostay Puntland.

Ciidankan oo ah dhalinyaro been loo sheegay oo dhawr bilood ka hor laga ururiyay degmadda Ceegaag ee gobolka Sool, ayaa gartay in kooxaha nabad-diidku ay jaho-wareeriyeen, sidaas daraadeed ay ku soo noqdeen dalkoodii kuna dhiiradeen inay  ku biiraan Ciidanka qaranka  JSL, iyagoo ku boorinaya inta ka hadhay tallaabadaasi caafimaadka qabta,” ayuu taliyuhu ku yidhi qoraalkiisa.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

“Ummadda Somaliland way dhaaftay xilligii Been loo sheegi lahaa…iyo Tollaay yaa reer Hebelaay!”

Hargeysa, 30 July, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shaaca ka qaaday in ummadda Somaliland dhaaftay xilligii been loo sheegi lahaa, qabyaalad iyo inay wax ku doortaan Tollaay yaa reer hebelaay, isla markaana loo baahan yahay in cidda doonaysa inay Xukuumadda hadda talada haysa beddeshaa la timaaddo dedaal iyo wax ay dadku ugu goohi karaan.

1514Wasiir Cabdicasiis Samaale waxa uu sidaa ku sheegay mar uu Warbaahinta la hadlay Maalintii Ciidda oo ku beegnayd Isniintii toddobaadkan, waxaanu ugu horreyn Hambalyo iyo Salaan u diray guud ahaanba Islaamka, gaar ahaanna Shacabka Somaliland oo uu Allaah uga beryey inuu Ciiddan Ciiddeeda ku gaadhsiiyo Bash-bash, Barwaaqo, Nabad iyo Horumar, isla markaana ka aqbalo Acmaasha Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

“Ummadda Somaliland way ka kortay xilligii qabyaalad lagu kala qoqobi lahaa, way ka kortay xilligii musuqmaasuq lagu kala qoqobi lahaa, way ka kortay Ummadda Somaliland xilligii been loo sheegi lahaa, waxay marayaan xilli waxa wanaagsan iyagu xulanayaan oo ay doorasho ku dooranayaan, kuwii hore iyagu ku doorteen, kuwa dambe ku dooran doonaan oo ay u madax-bannaan yihiin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Waxaanu Wasiir Samaale oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Markaa, qofka doonaya inuu ummaddan ka noqdaa ha u maro waddada wanaagsan ee uu Madaxnimadaas ku gaadhi karayo oo ah, ummadda walaalaynteeda, ummadda isku haynteeda, ummadda is-jeclaynteeda, ummadda ugu baaqidda horumarka iyo wanaagga, taas baan runtii qabaa inay tahay tay Xukuumaddani halkaas ku soo gaadhay, tay Xukuumaddani talada dalka ku qabatay, waddada ay maanta haysaana runtii waa taa.”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland waxa uu farriin u diray Xisbiyada Mucaaridka ah ee isu diyaarinaya inay beddelaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee hadda talada haysa, waxaanu yidhi; “Cidda maanta doonayso inay Xukuumaddan maanta iyadu beddeshaana inay dedaalkeeda la timaaddo ayuun baa laga doonayaa ee looma baahna runtii xag-xagasho, qabyaalad iyo xumaan, runtii cidi taa meel ku gaadhi mayso, cid hore-ba kumay gaadhin, wanaag uun baa lagu gaadhi karaa, wanaaggaas uun gacmaha ha la isku qabsado, wanaaggaasina wuxu ku yimaaddaa marxalado, waxaynu maraynaa xilli ay ummaddeennu wax marayso, waa la dhaafay Tollaay yaa reer Hebalaay.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Monday, July 28, 2014

Sheekh Aadan-Siiro oo Xukuumadda ku eedeeyey inay sifo aan Sharciga waafaqsanayn ugu Takri-falayso Dhulka Bannaan ee ku xeeran Caasimadda

Hargeysa (Himilo)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka, gaar ahaan magaalada Hargeysa oo si weyn looga yaqaano, ayaa ka dayriyey boob iyo ku-takri-fal lagu hayo dhulka bannaan ee caasimadda oo masuuliyadeedda uu ku eedeeyey Xukuumadda Xisbiga Kulmiye.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay shakhsiyaad gaar ah oo dano siyaasadeed ay ka leedahay ka iibinayso dhulka bannaan ee Caasimadda iyada oo u maraysa Golaha deegaanka ee Hargeysa oo hoggaankiisu ka soo jeedo Xisbiga Kulmiye, waxaanu shacabka Hargeysa cod-dheer ugu jeediyey inay feejignaan dheeri ka yeeshaan xukuumadda talada haya oo uu ku tilmaamay inay u tafo-xaydatay xaraashka dhulka bannaan ee ku yaala darafyada magaalada.

sh aadan siiroSheekha oo maanta Khudbad u jeedinayey dadweyne Salaaddii Ciidal-Fidriga ku tukanayey Garoonka Xawaadle ee Xaafadda 26-ka June, waxa uu ku gooddiyey in aanay shacabka Caasimaddu cidna ka yeeli doonin xaraashidda iyo iibka dhulka bannaan ee caasimadda.

Isaga oo Arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Afartan sannadood dadkii wax akhriyey baan ka mid ahay, aqooni meeshay doontaba ha idhigtee, waxaan doonayaa idinka inaan idinla taliyo, naftayda la taliyo. Maaha inaan idiin sheego waxaad jeceshihiin, laakiin waa inaan idiin sheego waxa dani idinku jirto. Waxaan ka hadlayaa arrinta Dhulka. Xukuumadda Maanta Jirtaa waxay go’aansatay Hargeysa inay wada iibiso siday u dhammaystiran tahay. Ma Aqbalayno, Hargeysa dhulkeeda lama iibin karo, awood kasta oo uu ninku leeyahay ma iibin karo; Suldaan baan iibin karin, Madaxweynaan iibin karin, Wasiir baan iibin karin, Wadaadbaan iibin karin, Qabiilbaan Iibin karin. Inta maanta joogtaa (shacabka Hargeysa) waa Milyan iyo saddex boqol oo kun (1,300,000). Illaa Qiyaamaha Inanka Dhalan doona, ayaa dhulka Hargeysa wax ku leh, kaasaa talo laga weydiinayaa.”

Waxa uu Sheekhu talooyin iyo tusaale u jeediyey Cid kasta oo isku-dayda inay ku-takri-fasho Dhulka iyo dadka danaynaya inay iibsadaan oo uu uga digay lacagtoodu inaanay kaga khasaarin, waxaanu yidhi, “Waar waxaan leeyahay dhulka Hargeysa hala ilaaliyo, waar intii hadhay ee Xukuumaddii aynu la dagaalanney ka tagtay oo ahayd Labaatan Kiiloomitir oo Isku-wareega (20KM2). Waxa iman doono dhakhtarro waaweyn, waxa iman doono Jaamacado waaweyn, waxa iman doono Shirkado badan; intaasiba dhulbay u baahanayaan, ma bidaartiina ayaydun dejintaan kuwaasi. Dhulka Hargeysa lama iibin karo, waxaanu leenahay ninka ku riyoonayow waar ka daa, waxaanu leenahay kuwa iibsanayow, waa laysugu iman doonaa oo la yeeli maayo lacagtaada iska hayso. Waxa Iman doona Xukuumad Caqli, Cilmi iyo Xikmad ku shaqayn doonta oo la xisaabtami doonta wixii umadda ka dhexeeyay.”

“Suurto-gal maaha, la yeeli maayo, la aqbali maayo in dhulka dad gaar ah la siiyo, koox gaar ah ay qaadato, dhulkaasi wuxuu ka dhexeeyaa dadka oo dhann. Ilaa Toon-baa la qorsheeyey, Ilaa Haleeyaa la qorsheeyey, Illaa Abaarsaa la qorsheeyey, ilaa Illintaa la qorsheeyey,”  ayuu hadalkiisa Raaciyey.

Sheekhu waxa uu farta ku fiiqay Kooxo ku shuraakoobay boobka Hantida Umadda, kuwaas oo uu sheegay qaarkood inay ka tirsan yihiin Xukuumadda.

“Dhib badan-baa dhulkii ka taagan, waxa inoo heshiisay Koox Maamulka ku jirta, Kooxbaa inoo heshiisay Ganacsato ah, Kooxbaa inoo heshiisay wadaaddo ah, Kooxbaa inoo heshiisay cumaamado waaweyn sita, Kooxbaa inoo heshiisay Landlords la yidhaahdo oo Qiime u samaysatay (Dhulka) oo dadka baadha, waar kooxdaas la dagaalama,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Himilomedia.com

Hargeysa/Somaliland

Sunday, July 27, 2014

Ciidu Waa Farxad Iyo Abaal Marin!

Dhamaanteen waxaan ka murugaysanahay sagootinta Ramadaan garan mayno inaan sanadka danbe gaadhi doono oo ka faa’iidaysan doono, yaa laga aqbaloo aan u tahniyadaynaa Ramadaan yaan laga aqbalin oon u tacsiyadaynaa Ramadaan.

ciid mubaarakWalaalayaal maalinta ciidu waa maalin aad u qiimo badan waxa uu yimi Xabiibkeenu scw magaalada madiina iyadoo la ciido  laba maalmood markaasu yidhi: maxay ahaayeen maalmahani ? waxay yidhaahdeen reer madiina waa maalmo aanu ciidi jirnay markii aanu jaahiliinta ahayn. Wuxuu yidhi Xabiibkeenu scw: Illaahay wuxuu idiinku bedelay maalmo ka khayr badan maalinta ciidul fidriga iyo maalinta ciidul-adxaha,

Labadan ciidoodba waxay dhacaan ama yimaadaan marka la soo gebogebeeyo laba Rukni oo waaweyn Rukniga Soomka iyo Rukniga Xajka- Illaahayna  wuxuu yidhi ku dheh Nabi Allow waa fadliga Illaahay iyo naxariistiisa ee haku farxaan waana waxa ugu fiican waxay ururinayaan.

Muslimiinta ayaa soo dareeraya maalintan iyagoo faraxsan oo wajigoodu ifayo oo isku tahniyadeeynaya oo leh TAqaballaahu mina waminkum saalixal acmaal.

Muslimiintaa isku soo baxaya iyagoo isa saamaxaya oo sadaqada isa siinaya oo hadyadaha isku geeynaya oo agoonta madaxa u salaaxaya oo qofba qofka kale dhunkanayo maansha alaah.

Abaal koodu waa maxay dadka soomay soonta ka dib?

Marka dadka soomay u soo baxaan ciida oo u dareeraan halkay ku ciidayaan waxay gudoomanayaan abaal marinta Alle waxay tegayaan garoonkii lagu qaybinayey jaa’isadaha iyagoo ku soo baasay imitxaankii Ramadaanta wuxuu yidhi Xabiibkeenu scw: maalinta ciidul fidriga malaa’iigta ayaa is taagta  dariiq kasta afkiisa ama meelaha wadooyinku ku kulmaan malaa’iigta ayaa dhawaaqda oo tidhaahda “ muslimiintaay  u soo kalaha Rabbi deeqsi ah xagiisa wuxuu idinku galadaystay khayr dabadeed si wayn ayuu idiin abaal marinayaa weel wayn ayuu idiinku ridayaa wax wanaagsan iyo ajar wayn dadoow waxa la idin amray inaad qiyaamu layl la timaadaan waanad la timaadeen, waxa la idin amray inaad maalintii soontaan waanad soonteen, Rabigiin ayaad adeecdeen gudoonta jaa’isadiihiina iyo abaal marintiina maalintan waxa looga yaqaanaa xaga samada maalintii abaal marinta”

Aadaabta ciida.

Waxa la suneeyey in qofku maalintaa uu xidho dharka kiisa ugu fiican ee uu haysto, oo qofku is cadareeyo weliba waa raga’e, wuxuu yidhi Xasan Rc Rasuulku wuxuu na amray maalinta ciida inaanu xidhano dhar wixii ugu fiicane aanu helayno, oon isku cadarino wixii ugu wanaagsan een helayno,

Rasuulkeenu scw wuxuu xidhan jiray isku joog Xabro ah waa maro si fiican loo falkiyey oo uu si gaara ugu diyaarsan jiray ciida oo qurux badnayd.

Wuxuu samayn jiray Xabiibkeenu scw in uu dariiqii markii hore salaada uu sii maray aanu marka danbe soo mari jirin ee uu khilaafi jiray.

Nin ka mid ah dadkii saalixiinta ahaa ayaa lagu yidhi: waa goorma ciidiinu? Wuxuu ku jawaabay  waa maalinta Alle aanaan caasiyin. Ciidu maaha uun in dhar qurux badan la xidho  laakiin ciida waa in la muujiyaa weynida Alle oo Alle la adeecaa.

Ciidu maaha maalin Alle la caasiyo oo caruurteena khaasatan hableheena yar yar intaan madaxa u qaawino aan suuqa ku sii dayno, waa maalin mudan inaan Illaahay uga shukri naqno wanaaga uu inoo khatimay ee Ramadaan.

Ciidu maaha maalin aan u ban baxno macaasidii aynu ka soonay Ramadaan ee lahayd qaad ee lahayd sigaar, ee lahayd fadhi ku dirir ee lahayd xan ee lahayd isku dir.

Had iyo goor umadeenu waxay caadaysataa in maalmahan ciida laga dhigto maalin wax kasta la banaysto subxaan Allaah.

Walaalayaal waxa inagu soo fool leh maalintaas qaaliga ah ee Illaahay swt adoomihiisa ku abaal marin doono qof waliba wixii uu soo shaqaystay Ramadaan,

Maalintan waa inay is wada saamaxaan dadku maalintan waa inaan kaga farxinaa masaakiinta iyo jiiraankeena wixii aan karno ee ku dhaano.

Maalintan waa inaan umadeena u dardaaranaa khayr ,maalintan waa inaan umada islaamka guud ahaan gaar ahaana walaaleheena falastiin u ducaynaa iyo umada soomaaliyeed ee dhibaataysan,

 

Maalintan waa maalin leh qadarin iyo qiime gaar ah waa maalinta uu farxayo qofkii soo soomay bisha ramadaan uuna murugoonayo qofkii dayacay bisha Ramadaan,

Maalintan waxay shabahdaa qiyaamaha wejiyadii soomay way nuurayaan wejiyaddii soonta diiday way madaw yihiin, qofkii Illaahay bilaa nuur ka dhigo yaa nuur siin karaya ? cidnaba ma siin karto. Qofkii Illaahay nuur siiyey yaa ka qaaddaya nuurka ? cidina kama qaadi karto.

Maalintani waa maalin uu farxayo muuminku wuxuu yidhi xabiibkeenii scw: qofka soomani laba goor ayuu farxaa marka uu afuro waa afurada ama maalinta ciidana waxa la yidhaahaa maalinta afurada, waxa kale oo uu farxaa maalinta uu la kulmo Alle swt ee lagu abaal mariyo soontiisii iyo daacadiisii uu ku soo dedaalay markuu adduunka joogay.

Labada maalmoodba ta aynu Alle la kulmayno iyo tan aynu ciidaynaba Alle ha inaga farxiyo.

Dhamaanteen ciid wanaagsan aan ku ciidno insha Allah

Qalinkii Hussein Jama Guudcade.

Diintuwaanasteexo1@gmail.com

Fadlan markaad akhrido ha iga ilaawin ducaadada.

Himilomedi.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

 

Dunida Muslimka oo maalinta Berri looga Dabbaal-degayo Munaasibadda Ciidal-Fidriga

Hargeysa (Himilo)- Maalinta Berri ah waxa ku beegan munaasibadda Cidal-fidriga ee gunaanadka u ah Bisha Barakeysan ee Ramadan, iyada oo meelo badan oo ka mid ah Gobollada Somaliland laga arkay bilashada Bisha Shuwaal, sida uu shaaciyey Agaasimaha Guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Aadan Cabdilaahi Cabdalla.

ciid mubaarakAgaasimaha Guud waxa uu sheegay in bilashada Bisha Shuwaal laga arkay deegaamo ka tirsan Somaliland oo ay ka mid tahay magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal, waxaanu shacabka Somaliland iyo umadda Muslimiinta ah u rejayeeyey in Eebbe ka Aqbalo Cibaadadii iyo Soonkii ay soo guteen bisha Barakaysan ee Ramadan.

Shacbiweynaha Caasimadda iyo dhammaan gobollada dalka, ayaa Berri u dareeri doono tukashada Salaadda Ciidul-fidriga, waxaana kala qayb-gali doono masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda.

Ciiddan, ayaa noqonaysa markii u horreysa ee Madaxweyne Siilaanyo muddadii uu xilka hayay aanu shacabka Somaliland gaar ahaan reer Hargeysa la wadaagin dabbaal-degga farxadda Ciidda, isaga oo sannadkan la Ciidaya Jaaliyadda Somaliland eek u dhaqan dalka Ingiriiska Gaar ahaan magaalada London.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa la filayaa inuu shacabka magaalada Hargeysa kula tukado salaado Ciidul-Fidriga Masjidul-Jaamica Caasimadda.

Haddaanu nahay Bahda Himilo Media Group, waxa aanu dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Akhriysteyaashayada ku xidhan boggan leenahay Ciid Wanaagsan, Eebbe ha innagu gaadhsiiyo sannadkan, sannadkiisa Caafimaad-qab, bash-bash iyo barwaaqo.

Eebbe Waxa aynu ka baryeynaa dhammaanteen inuu innaga Aqbalo kheyrkii aynu bisha Ramadan habeen iyo maalin u taagnayn, Eebba-na ha innaga dhigo kuwii ku camal-fala camalkii aynu shaqaysanaysa bisha Barakaysan ee Ramadan. Aamiin...

Himilomedia.com

Hargeysa/Somaliland 

Turkiga Oo Qaza u Diraya Markab Mucaawimo Sida Oo Ciidamo Gaar ahi Gaadh Ka Hayaan

Stanbul:July,27,2014(Himilo)-Dawladda Dalka Turkiga, ayaa Saacado ka hor ku dhawaaqday inay Falastiiniyiinta la xasuuqayo u diri doonto Markab Caawimooyin sida, kaas oo ay saaran yihiin  ciidamo ilaallo u ahi.

markabMarkabkan ayaa la  sheegay inuu  la Mataano yahay midkii 2010-kii Ciidamada Yuhuuddu  ku laayeen Shaqaalihii saarnaa, kaas oo xiisan meel sare gaadhay ka dhex dhaliyey waddamada Turkiga iyo Sra’el.

Markabkan ayaa magaciisa lagu sheegay Freedom Flotila-2, Halka Midki ka horreeyey ee Israa’il weerarka ku qaaddayna lagu magacaabi jirey Freedom Flotill-1.

Arinta ugu xiisaha badan Markabkan Ciidamo Turki ah(Turkey-Marines)baa ilaalo ka-haya,isweydiinta waxay tahay isreal ma ogolonaysaa Ciidamo Turki ah iyo Markabka Marmara inay u fasaxaan Xeebaha Isreal inay si nabad-galyo kaga gudbaan, kadibna gaadhsiiyaan Mucaanidda Magaaladda 20-ka Maalmood Dayuuradaha iyo Gantaaladaha lagu garaacayo ee Gaza.

Turkiga ayaa ah dawladda kaliya ee si muuqata u taageersan iska caabinta kooxaha Reer Falastiin ku jiraan, waxana ay cambaaraysay Duullaanka naxariis darrada ah ee lagu hayo Ubadka iyo Haweenka Reer Falastiin.

 

Himilo Media