Sunday, July 27, 2014

Ciidu Waa Farxad Iyo Abaal Marin!

Dhamaanteen waxaan ka murugaysanahay sagootinta Ramadaan garan mayno inaan sanadka danbe gaadhi doono oo ka faa’iidaysan doono, yaa laga aqbaloo aan u tahniyadaynaa Ramadaan yaan laga aqbalin oon u tacsiyadaynaa Ramadaan.

ciid mubaarakWalaalayaal maalinta ciidu waa maalin aad u qiimo badan waxa uu yimi Xabiibkeenu scw magaalada madiina iyadoo la ciido  laba maalmood markaasu yidhi: maxay ahaayeen maalmahani ? waxay yidhaahdeen reer madiina waa maalmo aanu ciidi jirnay markii aanu jaahiliinta ahayn. Wuxuu yidhi Xabiibkeenu scw: Illaahay wuxuu idiinku bedelay maalmo ka khayr badan maalinta ciidul fidriga iyo maalinta ciidul-adxaha,

Labadan ciidoodba waxay dhacaan ama yimaadaan marka la soo gebogebeeyo laba Rukni oo waaweyn Rukniga Soomka iyo Rukniga Xajka- Illaahayna  wuxuu yidhi ku dheh Nabi Allow waa fadliga Illaahay iyo naxariistiisa ee haku farxaan waana waxa ugu fiican waxay ururinayaan.

Muslimiinta ayaa soo dareeraya maalintan iyagoo faraxsan oo wajigoodu ifayo oo isku tahniyadeeynaya oo leh TAqaballaahu mina waminkum saalixal acmaal.

Muslimiintaa isku soo baxaya iyagoo isa saamaxaya oo sadaqada isa siinaya oo hadyadaha isku geeynaya oo agoonta madaxa u salaaxaya oo qofba qofka kale dhunkanayo maansha alaah.

Abaal koodu waa maxay dadka soomay soonta ka dib?

Marka dadka soomay u soo baxaan ciida oo u dareeraan halkay ku ciidayaan waxay gudoomanayaan abaal marinta Alle waxay tegayaan garoonkii lagu qaybinayey jaa’isadaha iyagoo ku soo baasay imitxaankii Ramadaanta wuxuu yidhi Xabiibkeenu scw: maalinta ciidul fidriga malaa’iigta ayaa is taagta  dariiq kasta afkiisa ama meelaha wadooyinku ku kulmaan malaa’iigta ayaa dhawaaqda oo tidhaahda “ muslimiintaay  u soo kalaha Rabbi deeqsi ah xagiisa wuxuu idinku galadaystay khayr dabadeed si wayn ayuu idiin abaal marinayaa weel wayn ayuu idiinku ridayaa wax wanaagsan iyo ajar wayn dadoow waxa la idin amray inaad qiyaamu layl la timaadaan waanad la timaadeen, waxa la idin amray inaad maalintii soontaan waanad soonteen, Rabigiin ayaad adeecdeen gudoonta jaa’isadiihiina iyo abaal marintiina maalintan waxa looga yaqaanaa xaga samada maalintii abaal marinta”

Aadaabta ciida.

Waxa la suneeyey in qofku maalintaa uu xidho dharka kiisa ugu fiican ee uu haysto, oo qofku is cadareeyo weliba waa raga’e, wuxuu yidhi Xasan Rc Rasuulku wuxuu na amray maalinta ciida inaanu xidhano dhar wixii ugu fiicane aanu helayno, oon isku cadarino wixii ugu wanaagsan een helayno,

Rasuulkeenu scw wuxuu xidhan jiray isku joog Xabro ah waa maro si fiican loo falkiyey oo uu si gaara ugu diyaarsan jiray ciida oo qurux badnayd.

Wuxuu samayn jiray Xabiibkeenu scw in uu dariiqii markii hore salaada uu sii maray aanu marka danbe soo mari jirin ee uu khilaafi jiray.

Nin ka mid ah dadkii saalixiinta ahaa ayaa lagu yidhi: waa goorma ciidiinu? Wuxuu ku jawaabay  waa maalinta Alle aanaan caasiyin. Ciidu maaha uun in dhar qurux badan la xidho  laakiin ciida waa in la muujiyaa weynida Alle oo Alle la adeecaa.

Ciidu maaha maalin Alle la caasiyo oo caruurteena khaasatan hableheena yar yar intaan madaxa u qaawino aan suuqa ku sii dayno, waa maalin mudan inaan Illaahay uga shukri naqno wanaaga uu inoo khatimay ee Ramadaan.

Ciidu maaha maalin aan u ban baxno macaasidii aynu ka soonay Ramadaan ee lahayd qaad ee lahayd sigaar, ee lahayd fadhi ku dirir ee lahayd xan ee lahayd isku dir.

Had iyo goor umadeenu waxay caadaysataa in maalmahan ciida laga dhigto maalin wax kasta la banaysto subxaan Allaah.

Walaalayaal waxa inagu soo fool leh maalintaas qaaliga ah ee Illaahay swt adoomihiisa ku abaal marin doono qof waliba wixii uu soo shaqaystay Ramadaan,

Maalintan waa inay is wada saamaxaan dadku maalintan waa inaan kaga farxinaa masaakiinta iyo jiiraankeena wixii aan karno ee ku dhaano.

Maalintan waa inaan umadeena u dardaaranaa khayr ,maalintan waa inaan umada islaamka guud ahaan gaar ahaana walaaleheena falastiin u ducaynaa iyo umada soomaaliyeed ee dhibaataysan,

 

Maalintan waa maalin leh qadarin iyo qiime gaar ah waa maalinta uu farxayo qofkii soo soomay bisha ramadaan uuna murugoonayo qofkii dayacay bisha Ramadaan,

Maalintan waxay shabahdaa qiyaamaha wejiyadii soomay way nuurayaan wejiyaddii soonta diiday way madaw yihiin, qofkii Illaahay bilaa nuur ka dhigo yaa nuur siin karaya ? cidnaba ma siin karto. Qofkii Illaahay nuur siiyey yaa ka qaaddaya nuurka ? cidina kama qaadi karto.

Maalintani waa maalin uu farxayo muuminku wuxuu yidhi xabiibkeenii scw: qofka soomani laba goor ayuu farxaa marka uu afuro waa afurada ama maalinta ciidana waxa la yidhaahaa maalinta afurada, waxa kale oo uu farxaa maalinta uu la kulmo Alle swt ee lagu abaal mariyo soontiisii iyo daacadiisii uu ku soo dedaalay markuu adduunka joogay.

Labada maalmoodba ta aynu Alle la kulmayno iyo tan aynu ciidaynaba Alle ha inaga farxiyo.

Dhamaanteen ciid wanaagsan aan ku ciidno insha Allah

Qalinkii Hussein Jama Guudcade.

Diintuwaanasteexo1@gmail.com

Fadlan markaad akhrido ha iga ilaawin ducaadada.

Himilomedi.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

 

No comments:

Post a Comment