Hawdka Dalka oo dhaliyey Tuhunno Dadka Deegaanku ka deyriyeen
Burco, 26 June, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md Cabdi Aw-Daahir, ayaa lagu eedeeyey inuu maal-qabeenno Carbeed kula heshiiyey isla markaana uu qandaraas uu ku wareejinayo kaga qaatay Banka Aroori oo ka tirsan degmada Burco ee gobolka Togdheer, kaas oo la qorshaynayo in laga higeliyo Seerayaal lagu baabinayo dhul-daaqsimeedka.

Suldaan Maxamed Muuse Cuno oo ka mid ah Salaadiinta Gobolka Togdheer oo shirkaas jaraa’id ka hadlay, ayaa xukuumadda uga digay inay rabashado iyo fad-qalalo ammaanka dalka wax u dhima ka abuurto deegaannada uu ku yaalo banka Aroori.
“Waxaanu ka Digaynaa dadka wada inay Degaanka Aroori Seero uga dhigaan dad gaar ah, Waxa Muuqata in Bankii Aroori aan Loo Seerayn Xoolo ee Loo Seerayo dad Gaar ah, wax aanu Aqbali Karno maaha. Waxaanu uga Digaynaa inay Dowladdu Arrintaas Dib Uga Noqoto. Iska-horimaad ballaadhan ayaa hore uga dhacay oo dad baa lagu laayey, immikana Xiisaddii hore ayaa la doonayaa in la soo cusboonaysiiyo. Hadii Bananka Bal-Cow iyo Sanyare la seero, Aroorina waa la Seerayaa. Dadka Degaanku marnaba Aqbali Mayaan in Banka Aroori Oo kaliya la Seero,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Muuse.
“Madaxwaynaha Waxaan leeyahay, Madaxwayne wasiiradaada beddal ilayn iyaga maanaan doorane. Aroori waxa Xukuma Ganacsato. Dhawaan waxa Dhacday in Banka Aroori uu Keenay Ganacsadaha Al-Jaabiri 45 Kun Neef Oo Xannuun Qaba, Xanuunkii ay Qadeen Xoolihii Hore Ugu Nolaa Deegaankaasi 1,500 Neef Oo ah Adhigii Sanadkaasi dhashay way dhinteen," sidaa waxa yidhi Suldaan Ismaaciil Siikaawi oo isaguna madasha ay wax-garadku shirka jaraa’id ku qabteen ka hadlay.
Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay, Cuqaal, Odayaal iyo Waxgarad dhammaantod ka soo horjeestay in Seerayaal laga hirgeliyo Banka Aroori.
Dhawaaqa ka soo yeedhay Waxgaraadka iyo Madax-dhaqameedka bulshada ku dhaqanka Banka Aroori, ayaa ku beegmaya xilli muran noocan oo kale ahi ka aloosan yahay Banka Qool-cadey oo ka tirsan Degmada Sallexlay ee gobolka Maroodijeex, kaas oo la doonayo in laga hirgeliyo Seerayaal meesha ka saaraya dhul-daaqsimeed ay mana-facaadsadaan Xoolaha ay dhaqdaan Dadka ku dhaqanka deegamada uu bankaasi ku yaallo.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo Wargeyska Himilo ku waraystay war ku soo baxay Caddadkii Khamiis ee kan ka horreeyey, kana hadlayey muran ka taagan seerayaal laga samayayo Banka Qool-cadey, ayaa ujeeddada seerayaasha ku sheegay mid looga faa’idaynayo Xoola-dhaqatada ku nool bankaas isla markaana aanay jirin xoolo kale oo dibadda looga keenayo, balse ay yihiin Xoolahooda oo kaliya in loogu sameeyo Dhul-daaqsimeed iyo goobo lagu socdo caafimaadkooda.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw-Daahir oo aanu xalay kula xidhiidhnay khadka telefonka si aanu aanu dhinaciisa wax uga weydiinno eedaymaha loo jeediyey ujeeddooyinka ay xambaarsan yihiin Seerayaasha laga hirgelinayo, ayaan noo suurto-galin inaanu helo, ka dib markii uu naga qaban-waayey telefonkiisa gacanta oo tiraba dhowr jeer aanu ka wacnay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment