
Sidoo kale waxa Xidhitaanka Xudduuda ee Djibouti ka yimi ku soo beegmayaa xilli maalinta Berri ah ay caasimadda Djibouti ka dhici doonto Munaasibad ballaadhan oo Gabadh uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle dhalay Lagu Bixin Doono, taas oo lagu casuumay Boqolaal Ka Tirsan Masuuliyiinta Gobolka Geeska, waxana dadkaas ka mid ah Madax badan oo Somaliland ka socota.
Waxa sidoo kale xusid mudan inn xilligan xadka la xidhay ay dalka Djibouti ku sugan yihiin Masuuliyiin xukuumadda Somaliland iyo Axsaabta mucaaridka ahba ka socda, kuwaas oo Xafladda meherka ka markhaati Noqon doona.
Xidhitaanka xadka soo noq noqday wixii saamayn badan ku yeeshay shixnado loogu talogalay Ciida oo ay ganacsatada Reer Somaliland ka soo dajiyeen Dekedda Dalkaasi, waxaanu noqonayaa amarakan cusubi mid gabi ahaan ba meesha ka saaray go’aankii ay Dawladda Jabuuti dhawaan ku dabcisay isku socodka labada Dal.
Gabadha uu dhalay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa soo doonay Wasiirka Waxbarashada ee Xukuumaddiisa, waxaana lagu waddaa inay Munaasibada lagu bixinayo ay ka qayb-galaan 35 Xubnood oo reer Somaliland ah, kuwaasoo iskugu jira Siyaasiyiin, Ganacsato iyo Madax-dhaqmeed, waxaana si gaar ah loogu soo diray Diyaarad khaasa oo Subaxa berri ah qaadi doonta Garoonka caalamiga ah ee Egal International Airpot.
Siyaasiyiinta lagu marti-qaaday ee diyaaradan loo soo diray waxa ka mid ah Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Siyaasiyiin, Xubno ka mida Golaha Xukuumadda ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, Salaadiin iyo Marti sharaf kale.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment