Munaasibaddan ballaadhan oo ay ka soo qayb-galeen 15,000 qof oo marti u ahaa lammaanayaasha is-aroostay, waxa lagu qabtay garoon-kubadadeed ku yaala magaalada Gapyeong oo 50 Mayl dhinaca Woqoogi-Bari ka xigta magaalada Caasimadda ah ee Seoul.Marka laga yimaaddo 2,500 lammaane ee munaasibadda loo sameeyey, 2,700 lammaane oo kale ayaa isla wakhti is-guursaday kuwaas oo khadka internetka kula xidhiidhay iyaga oo ku sugan dalalkooda, sida uu sheegay afhayeen u hadlay kiniisadda soo qaban-qaabiysay munaasibaddan.
“Aroos-wadareeyadani waxa u jihaynayaan bani’aadamka inay mid kaliya noqdaan, taas oo meesha ka saaraysa xuduudaha kala soocaya Bulshooyinka, Diimaha iyo Jinsiyada,” waxa sidaa yidhi Seuk Joon-ho oo ka tirsan Kiniisaddan ku taala dalka Koonfurta Kuuriya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment