Tuesday, July 22, 2014

Golaha Ammaanka oo Kulan Deg-deg ka yeeshay Xaaladda Qaza, Tirada Dhimashada Shacabka Falastiin iyo Askarta Yuhuudda oo Korodhay

Hargeysa, 22 July, 2014 (Himilo)- Kulan Al-baabadu u xidhan yihiin oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si deg-deg ah isugu yimaaddeen magaalada New York, ayaa lagaga hadlay xaaladda cakiran ee duqeynta Yuhuuddu ku hayso magaalada Gaza, waxaanay labada dhinac ugu baaqeen xabbad-joojin deg-deg ah.

Kulanka Wada-xaajoodka ee Golaha Ammaanka, ayaa ku soo beegmay ka dib hadal ka soo yeedhay Xogyahaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Duqeynta Israel ee magaalada Gaza ku tilmaamay mid Arxan-darro ah.

Axaddii Dorraad, ayaa ahayd maalintii ugu dhimasho badneyd ilaa bilowgii duqeynta oo ahayd 8-dii July, waxaana dhintay 13 askarta Israel ka tirsan iyo 100 qof oo Falastiiniyiin ah.

_76417595_934530cb-f61c-416e-a01f-ead7eb49f56fDuqeynta diyaaradaha Israel waxa shalay ku geeriyooday Labaatan Falastiiniyiin ah, kuwaas oo 16 ka mid ahi lagu dilay Koonfurta Gaza, sida ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo xalay xilli dambe qabsoomay, ayaa ku yimi codsi ay gudbisay dawladda Urdan oo la rumaysan yahay inay gudbisay qaraar qabyo oo ay dalbatay in dib u eegis lagu eego.

Xasuuqa Shacabka Falastiin

Tirada dhimashada Falastiiniyiinta ku geeriyooday Duqeynta Israel ayaa wakhtigan maraysa 550 qof, halka tirada dhaawacuna gaadhayso 3,350, sida ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin.

Ciidamada Yuhuudda ayaa shalay madaafiic la beegsaday cusbitaalka Al-Aqsa oo ku yaala magaalada Deir al-Balah ee Marinka Qaza, waxaana weerarkaas ku geeriyooday shan qof halka 70 kalena dhaawacyo ka soo gaadheen, sida ay sheegeen hawl-wadeennada caafimaadku.

In ka badan 67 Falastiiniyiin ah ayaa mar kaliya ku dhintay duqeyn xooggan oo Israel ka fulisay degmada Shejaiya ee Gaza, taas oo Madaxweynaha Falastiniiyintu Maxamuud Cabbaas ku tilmaamay Xasuuq aan loo miidaan deyin. Soddon Qof oo ka mid ah dadkaas Geeriyooday, ayaa ka soo kala jeeday laba qoys Taangiyada Israa’iil madaafiic la beegsadeen guryahooda.

Khasaaraha Yuhuudda loo geystay

Ilaa intii uu dagaalku bilaabmay waxa ku geeriyooday dalka 27 Yuhuud ah oo ay ku jiraan laba qof oo shacab ah, waxaana ugu dambeeyey Todoba Askari oo shalay dhintay dagaalka, sida ay shaacisay wasaaradda Gaashaandhigga Israa’iil.

25 Askari oo ka tirsan milatariga Israel, ayaa ku geeriyooday dagaalkan, kuwaas oo ay ku jiraan 2 Askari oo haysta dhalasha Maraykanka balse asal ahaan u dhashay Yuhuudda.

Sidoo kale, Waxa shalay duqeyntii ugu ballaadhnayd ay kooxda Xamaas la bartilmaameedsadeen Caasimadda Yuhuudda ee Tel Aviv. Shalay oo kaliya, waxa ay Xamaas ku garaacday magaaladaas ilaa 40 Gantaal oo qaar ka mid ah lagu burburiyey hawada sare, halka qaarkoodna ku habsadeen dhismayaal ku yaala badhtamaha magaalada, haseyeeshee ma jiraan warar ka soo baxay dawladda Yuhuudda oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay goobaha ay gataalaha Xamaas kaga dhaceen Tel Aviv.

Dedaallada Xabbad-joojinta iyo Jawaab-celinta Xamaas iyo Israel

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, John Kerry, ayaa gaadhay magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo ay ka socoto qaban-qaabada wada-hadallo lagu dhalinayo xabbad-joojin dhexmarta labada dhinac.

Madaxweynaha Maraykanka, ayaa mar kale ku celiyey inay Israa’iil xaq u leedahay difaacista dalkeeda iyo dadkeeda, balse waxa uu hoosta ka xarriiqay inuu ka xun yahay khasaaraha sii kordhaya shacabka Falastiiniyiin, waxase uu ku baaqay in xabbad-joojin deg-deg ah lagu hakiyo dhimashada shacabka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa cambaareeyey duqeymaha Israa’iil maalintii Axadda ka geysatay meelaha dadku ku badan yihiin ee magaalada Shejaiya oo uu ku tilmaamay fal argagax leh.

Ban Ki-moon waxa uu ku baaqay wada-hadallo deg-deg ah oo laysugu yimaaddo, isaga oo sheegay in aan loo dul-qaadan karin xaaladda wakhtigan ee Gaza, waxaanu weerar Israel ku tilmaamay dunuub ka dhan ah bani’aadamnimada.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Xamas, ayaa shalay sheegay inaanay  wax wada-hadal ah oo ku saabsan xabbad-joojin laga gaadho dagaalka socda la gali doonin dawladda Yuhuudda, halka wasiirka Gaashaan-dhigga ee uu sheegay inay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Falastiiniyiin, taas oo meesha ka saartay rejo la qabo wada-xaajood dawladaha reer Galbeedka iyo Qaramada Midoobay u shidaal-qaateen inay ku joojiyaan dagaalka ka socda Gaza iyo Xasuuqa lagu hayo shacabka reer Falastiin.

Himilomedia.com         

Hargeysa-Somaliland

 

 

No comments:

Post a Comment