Haseyeeshee, ciidamada Qaranka uma suurto-galin inay gacanta ku dhigaan Cali Khaliif Galeydh oo wakhtiga gaadhigii la qabtay aan isagu la socon.

War-saxaafadeedka Taliyaha, ayaa u qornaa sidan: “Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hawl-gal habeen-badhkii xalay ay ka sameeyeen deegaanka Saax-dheer waxay gacanta ku soo dhigeen, Gaadhigii dagaal-ooge Cali Khaliif Galeydh iyo ilaaladii la socotay. Waxay Arrintani Tusaale fiican u tahay Shakhsi kasta oo Qaranimada Somaliland ka soo horjeesta. Waxay Ciidanka Qaranku u taagan yihiin ilaalinta iyo sugidda Soohdimaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu dambayn, waxaan hambalyo u dirayaa Cutubyada ciidanka Qaranka ee Hawl-galkaas Nabad-diidka ku soo qabtay,” ayuu taliyuhu ku yidhi War-saxaafadeedkiisa.
Hawl-galka Ciidamada Qaranku ku qabteen Gaadhiga iyo maalleeshiyaadka la socday, ayaa ku soo beegmaya xilli ay Ciidamada Qaranka Somaliland muddooyinkii u dambeeyey ku foogganayeen isla markaana dhusha kala socdeen dhaq-dhaqaaqa dagaal-ooge Cali Khaliif Galeydh.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment