Friday, July 25, 2014

Nin Somali ah Oo Maxkamad Canada Ku Taalla ku Ridday 10-Sano oo xadhig ah

Toronto:July,25,2014(Himilo)-Muwaadin soomaaliyeed oo lagu eedeeyey inuu taageeray Xarakada Al-shabaab ayaa Maxkamad ku taalla Dalka Canada waxa ay ku Ridday xukun toban sano oo xadhig ah.

coutMuwaadinka la xukumay oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Xirsi oo 28 Jir ah ayaa lagu helay bishii May  isku day ah in uu ka qayb qaato falal argigixiso sida laga hor akhriyay cadaymo Maxkamada la horkeenay .

Dambi-oogayaasha Maxkamadda ayaa sidoo kale Maxamed ku soo oogay dacwad ah in uu dadka ku dhiiri galin jiray in lagu biiro Ururada Argigixiso.

Ninkan Soomaliga ah ee haysta Dhalashada Canada ayaa laga xidhay Bishii March 2011 waxaana lagu xidhay  Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Toronto ee dalka Canada.

Maxamed Xasan Xirsi oo ah ninka Soomaaliga ah ee Maxkamadu xukuntay ayaa isagu iska fogeeyay dhammaan danbiyada lagu soo oogay oo ah in uu la shaqeeyo kooxaha Argigixisada ah

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment