
Madaxweynaha oo jaaliyadda uga war-bixinayey wax-qabadka Xukuumaddiisa ku tallaabsatay muddadii ay xilka hayeen, waxa uu tusaale u soo qaatay Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo uu tilmaamay inay qayb ka tahay horumarka xukuumaddiisa dalka ka qabatay, isaga oo sheegay in ay wax weyn ka qabatay Waxbarashada dalka.
Madaxweynaha oo wax-qabadka Xukuumaddiisa tusaale ugu soo qaatay Wasaaradda Waxbarashada, waxa uu yidhi, “Dalkeennu intii uu jiray iyo intii ay dawladdani jirtayba wax badan iyo meelo fara-badan baa iska beddelay. Waxyaabo fara-badan baa la qabtay oo waa tii laga wada-warramayey, horena warkeeda waa loo haystay horumar dhinac walba leh, caafimaadka leh, tacliinta leh. Wasiir Samsam, wasiirrada ugu aktifsan ee dalka wax ka qabtay runtii weeye ee tacliinta aad iyo aad u horumariyey.
Bari dhowayto, markaanu ku wareegaynay dalka oo dhan, meel aanu istaagno oo aan laga faaninaynin ma jirin wax-qabashadeeda oo waa tii billadaha lagu wada-siinayey.”
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in aanay xukuumad ahaan diiddanayn dhaliilaha loo jeediyey, isaga oo qiray inay jiri karaan godaloolooyin xukuumaddiisu yeelan karto, balse ay soo dhawaynayaan cid kasta oo talo-wadaag iyo tusaaleba u soo jeedisa isl amarkaan ay qaadanayaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment