
Warka idaacaddu sii daysay ayaa u dhignaa sidatan:
“Cutub-yada Ciidanka Qaranka Somaliland eek u Sugan Aagga Saax-dheer waxay Gacant ku dhigeen Badhtamihii Xalay Gaadhigii Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh, iyadoo Ilaaladiisuna Saaran tahay. Tani waxay digniin u tahay Dagaal Ooge Kasta”.
Warkan oo uu ku saxeexnaa Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan(Shaqalle) ayaan lagu Caddayn in Gaadhiga la qabtay uu la socday Cali Khaliif Galaydh iyo in kale.
Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo Ciidanka Waajibaadkooda Qaran ee ay guteen.
Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah Hogaamiyeyaasha Kooxda Khaatumo, isla-markaana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Federalka Somalia, ayaa mudooyinkii u dambeeyay dhuumaalaysi ku jooga Degmada Saax-dheer ka dib markii Taleex Ciidanka Qaranka Somaliland ka saaray.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment