Thursday, July 24, 2014

Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo Sharraxay Sababo lagu baajiyey Qiimo-dhac Wakhtigan oo kale ku iman jiray Sarrifka Lacagaha

Hargeysa, 24 July, 2014 (Himilo)-Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa ka sharraxaad ka bixiyey dedaallo ay u galeen sidii ay uga hortagi lahaayeen sicir barar ku yimaadda maceesha iyo sarrifka lacagta Dollar oo kor u kici jirtay wakhtigan oo kale.

Gud-baanka1Guddoomiyuhu waxa uu dhinaca kale ka hadlay qorshe la doonayo in Adeegga Lacag Dirista ee loo isticmaalo telefoonnada gacanta ee Zaad oo dhowaan loogu beddelayo Shilinka Somaliland.

Adeegan Zaad oo ay hirgelisay shirkadda Telesom isla markaana muddo 9 sanno ku dhow dalka ka shaqaynayay, ayaa wakhtigan lagu isticmaalaa Lacagta Dollar-ka , hase ahaatee Shirkadda ayaa dhawaan xayaysiisay inay hir-gelinayso habkan loogu beddelayo (Somaliland shilling), oo uu muddo ka hor bangiga dawladdu ka dalbaday samayntiisa.

Guddoomiyaha Bangiga Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, waxa uu sheegay in qorshaha wax ka bedelka lacagta lagu isticmaalo Zaadku  ku yimi wada-hadalo muddo socday oo ay la yeesheen Shirkadda Telesom oo ay ka dalbadeen in nidaamkan lagu soo kordhiyo (Somaliland Shilling Zaad).

“Arrintaas in badan ayaan ka shaqaynaynay, Shirkadda Telesom waanu ka wada hadalnay, waxaanu tusnay baahida loo qabo in ZAAD Shiling Somaliland ah  sameeyo, waayo Shilinka Somaliland waa lacagta kaliya ee sharciga ah ee waddanku leeyahay ee ka shaqaysa, markaa in Dollarka adeega lagu isticmaalo loo bedelo shilling Somaliland muddo dheer ayaannu ka wada hadlaynay, aakhirkii waanu isku afgaranay in sida Kenya oo kale lacagta dalka loo bedelo zaadka,” ayuu yidhi Cabdi Dirir .

Waxaanu intaas ku daray oo yidhi, “Kenya Lacagta dalkooda ayay Zaad u bedeleen, waxaana la yidhaahdaa (M-pesa), markaa in sidaasoo kale laga dhigo ayaan isku afgaranay Shirkadda, iyana way ku guulaysteen oo waakuwan hada Bulshada u soo bandhigay inay dadku furtaan (Somaliland Shilling Zaad).

Anigu runtii waxaan u arkaa in marka Zaadka loo bedelo Shilling ay waxyaabo badan ka saacidayso danyarta, waayo waxay lacagta Telefoonka lagu shubto ku iibsanayaan lacag aad u jaban oo Shilling ah 2500 Sh/s, ayuu qofka danyaraha ahi ku shubanayaan Taleefoonkiisa, waxyaabo kale oo aanay Dollar ku iibsan Karin ayay sidoo kale ku iibsanayaan Shilling-ka.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in talaabadani ay tahay mid xagga sharciga laftiisa ku salaysan, isla markaana dhaqaalaha bulshada danyarta ah saacidaysa, “Sharciyana maaha lacagtu Dollar land ee waa Shiling Somaliland, markaa waxaan rajeynaynaa in nidaamkaasi hir-gelo, Bangiyada Ganacsiga ee la furayo iyagana waanu kala hadalnay inay qudhoodu sameeyaan nidaam Somaliland Shilling Zaad ah. Markaa arrintaasi waa mid dhaqaalaha waddankana wax weyn ka taraysa, siiba dadka danyarta ah iyo guud ahaan dhaqaalaha oo dhan,”ayuu yidhi.

Cabdi Dirir Cabdi oo la waydiiyay saameynta uu adeegani ku yeelan karo Sarifka lacagaha qalaad oo aan inta badan qiimihiisu fadhiyin, ayaa sheegay inaanu wax dhibaato ah ku soo kordhinayn dhaqdhaqaaqa lacagaha qalaad ee dalka lagu isticmaalo, balse faa’iidada ugu weyn ee uu leeyahay ay tahay Isticmaalka lacagta Dalka oo kordhaysa.

“walaahi anigu ma aaminsani inuu wax dhibaato ah keenayo adeegani, balse waxa kordhaya isticmaalka lacagta Somaliland, waxaana dhacaysa in Dollar badan oo Zaadka lagu isticmaali jiray suuqa soo galo oo dabadeedna qiimihiisu hoos u dhaco”ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Banka Somaliland waxa uu sheegay inay si weyn uga gaashaanteen Sicir barar ama hoos u dhac  ku yimaada Sarifka Lacagaha qalaad oo saameyn ku yeesha dhaqaalaha bulshada, xiligan lagu jiro diyaar garowga Ciidka.

“Dollar-ku berigii hore xilligan oo kale waxa dhici jirto inuu hoos u dhaco , oo lacag badan oo Dollar ahi soo gasho suuqa, inkasta oo aanay wali gaadhin xilligii adxada ee xoolaha la iibsan jiray, laakiinse sanadkan may dhicin, sababtuna waxa weeye si aan sicir-bararka uga hortagno, waxaanu suuqa gelinay lacag badan oo Dollar ah, si aanu uga soo nuugno lacagta Shiling Somaliland-ta ah ee Suuqa ku jirta. Waxaana inaga xiga ilaa laba bilood wakhti aan ka badnayn xilligii moosinka Xajku bilaamayay ee uu jabi jiray Dollarku, markaasna waxaan doonaynaa inaanu ka faa’idaysano oo lacag badan oo Dollar ah ka soo xaraysano. Laakiinse iminka waxna kuma kordhin, waxna kamay dhicin Qiimaha Sarifka Dollar-ka,” ayuu yidhi Cabdi Dirir Cabdi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment