Friday, July 25, 2014

Wiil 17-jir ah Afkiisa laga soo saarey 232 ilkood

Mombai:July,25,2014(Himilo)-Wiil 17-jir ah oo u dhasay  dalka Hindiya, ayaa qalliin Lagu sameeyey waxa  lagaga soo saaray 232 ilkood.

ilkoQalliinka wiilkan lagaga soo saaray ilkahaasi ayaa qaatay muddo toddobo saacadood ah.

Wiilkan oo lagu magacaabo Ashik Gavai ayaa isbitaalka la keenay isagoo ka bararay daanka midig.

Waxaa la sheegay inuu xanuunsanaayey muddo 18 bilood ah ka hor inta aanu ka soo safrin tuuladiisa, oo Dhakhaatiirta joogta ay wax ka qaban waayeen arrintiisa.

Dhakhaatiirta qalliinka fulisay ee magaalada Mumbai ayaa sheegay in xaaladda wiilkan ay tahay mid dhif ah oo aan hore loo arag.

Waxay sheegeen in ilkaha wiilkan laga soo saaray ee tirada badan ay u egyihiin luul yar yar oo cad cad.

Dr Dhiwaare, oo ka mid dhakhaatiirta qalliinka sameeysay ayaa sheegay in ugu horreyntii ay ku adkayd inay soo saaraan ilkaha, oo taas ay ku qasabtay inay jeexaan ciridka iyo daanka Ashik.

“Markan furnay, ilka yar yar oo tiro badan ayaa ka soo baxay, hal hal ayaan u soo bixinay, ilaa aan ka daalnay. Tirada ilkaha laga soo saaray ayaa gaadhay 232 ilig”.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment