Thursday, July 24, 2014

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Faahfaahiyey Kulamo uu Addis Ababa kula qaatay Dawladaha Itoobiya, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay

Hargeysa, 24 July, 2014 (Himilo)- Wefti uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Addis Ababa, ayaa faahfaahin ka bixiyey kulamo kala duwan la qaatay Saraakiil ka tirsan Dawladda Itoobiya, Safaaradda Ingiriiska iyo Kooxda Qaramada u Qaabilsan Kormeerka Hubka Somaliya iyo Eretria ee loo yaqaano Monitoring Group.

waran-cade1Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Waran-cadde waxa uu sheegay in kulmo ay la qaateen hay’adaha ammaanka dalka Itoobiya kaga wada-hadleen in si deg-deg ah loo furo xuduudka u dhexeeya labada waddan oo muddooyinkii u dambeeyey u xidhnaa sababo dhinaca ammaanka ah.

Wasiirka oo magaalada Addis Ababa kula hadlayey warbaahinta, waxa uu sheegay in ujeeddada socdaalkooda Addis Ababa la xidhiidho dhammeystirka wada-xaajoodyo ku saabsan iskaashiga ammaanka labada waddan oo dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Raysalwasaaraha Itoobiya.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Annaguna waxaanu u nimi inaanu sii amba-qaadno sidii arrimahaa loo sii xoojin lahaa. Waxaanu la kulannay Ciidamada ku shaqada leh xagga amniga, waxaanu la kulannay Safaaradda dawladda Ingiriiska ee Addis Ababa, waxaanu la kulannay qolada Monitoring Group-ka, dhammaantood waxaanu ka wada-hadalnay sii xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo hay’adaha ay ka socdeen.”

Md Cali Warancadde waxa uu sheegay in dhowaan dib loo furi doono xuduudka labada waddan, waxaanu yidhi, “Waxa kale oo aanu shir la galnay qolada Amniga Itoobiya oo aanu ku heshiinnay in si dhakhso ah loo furo xuduudka, isla markaana waxaanu isla qaadanay in sidii loo furi lahaa aanu isla wada qaadannay, si deg-deg ahna waa loo furayaa. Dawladda Itoobiyana waa dawlad aanu deris nahay, xuduud dheer baana naga dhexeeya, markaa in laysu yimaaddo oo amniga laga wada-hadlo waa arrin muhiim ah.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo socdaalkiisa uu ku weheliyo Taliyaha Sirdoonka Somaliland, ayaa la filayaa inay maanta ku soo guryo noqdaan dalka.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment