Thursday, July 24, 2014

Haween Soomaaliyeed Oo Loo Meheriyey Hoggaamiyayaal Ka Tirsan Ururka Isis(Daacish)

London:July,24,2014(Himilo)-Laba Haween dhallinyaro soomaaliyeed oo dhawaan ku Biiray Kooxda Daacish ee Dalka Siria ka Dagaallanta, ayaa loo Guuriyey Rag Kooxdaas ka tirsan sida ay Baahiyeen Warbaahinta Dalka Ingiriisku.

subxWargeyska Daily Mail ee Ingiriiska kasoo baxa ayaa qoray in labada gabdhood oo la kala yidhaahdo Salma iyo Sahra Xalane oo mataano ah inay hadda guursadeen xubno ka tirsan hogaamiyaaha Al-Qacida ee dagaalka kula jira dawladaha Syria iyo Ciraaq.

Wargeyska waxaa uu sheegay in baraha bulshadu ku kulanto lagu qoray Salma oo leh “Waa Alle mahadiis waayo waxaan xaas u noqday mid ka mid ah mujaahidiinta Ardu Shaam”.

Salma waxaa la sheegay inuu guursaday dagaalame Al-Qacida ka tirsan oo u dhashay dalka Afghanistan hase ahaatee haysta dhalashada dalka Ingiriiska.

Gabdhahan ayaa sidoo kale la daawaday iyagoo baranaya sida hubka loo adeegsado gaar ahaan sida wax loo toogto, ama qoryaha loo isticmaalo iyo sida bambaanooyinka loo gano.

Waalidiinta gabdhahan oo ay warbaahinta Britain la xidhiidhay ayaa sheegay inay ugu war dambeysay maalmihii ay ka tageen ee ay Syria galeen.

Saddex todobaad ka hor ayay aheyd markii si rasmi ah loogu dhawaaqay in labadan gabdhood ee Soomaalida ah ay xilli habeen ka dhuunteen gurigooda oo ku yaala magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska waxaana ay u safreen dalka Suriya si ay Al-Qacida ugu biiraan waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay ku dageen walaalkood oo uga sii horeeyay dalka Syria.

Soomaali aan tiro yareyn oo rag iyo dumar iskugu jira oo meelo kala duwan ka kala tagay ayaa la aaminsan yahay inay Syria iyo Ciraaq joogaan iyagoo Al-Qacida ka bar bar dagaalamaya.

Dumarka Al-Qacida ku biira hawsha ugu badan ee ay qabtaan waa in loo guuriyo ragga hubeysan ee dagaalka ku jira iyagoo aanay waalidkood ogeyn.

Xigasho: Daily Mail

 

Himilo Media



No comments:

Post a Comment