
R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed oo aaska ka hadlay ayaa uga tacsiyeeyay Umada Soomaaliyeed guud ahaan geerida Xildhibaanad Saado, waxana uu tilmaamay R/Wasaaraha in Shabaab ee beegsanayaan dadka waxgalka ah ee indhaha u ah Bulshada Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale Aaska kadib Warbaahinta lahadlay iyaga oo ilmaynaya Abwaaniin iyo Fanaaniin ay aad isugu dhawaayeen Fanaanad Saado Cali Warsame ,kuwaas oo dhamaantood ilaah uga baryay in janadii Farowsa ka waraabiyo.
Intii uu socday aaska Xildhibaanada ayaa si weyn loo adkeeyay amaanka Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha ku dhaw dhaw halka uu aasku ka dhacayay , mana jiraan ilaa hada cid ay dowlada usoo qabatay Dilka Xildhibaanad Saado Cali Warsame.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment