Sunday, July 27, 2014

Maxaad ka ogtahay in Tukuhu Yahay Shimbir Cuqdad Badan iyo inuu ugu garaad badan Shimbiraha kale?

Cilmi-baadhis dhawaan natiijadeeda la shaaciyey, ayaa sheegeysa in shimbirka Tukaha uu yahay ka ugu caqliga badan bahda Shimbiriha, isagoo xallin kara dhibaatooyinka.

Waxa daraasadda lagu sheegay in tukuhu leeyahay maskax baaxaddeedu wayntahay isla uu yahay nooole u dhaqma sida aadanaha, isl amarkaana awood u leeyahay inuu xasuusto wajiga qofkii dhib ugeysta, isla markaana uu yahay xayawaan aan waxba la illaabin.

nasasho tukeCilmi baadhistan oo lagu sameeyey dalka Britain ayaa lagu sheegay in tukuhu si fudud u kala  sooci karo  codadka ban’aadamka.

Daraasaddan oo ay sameysay jaamacadda OXFORD ayaa lagu sheegay in tukuhu sameeyo khiyaano iyo xeelado kala duwan si uu uhelo cunto uu quuto, iyadoo taana lagu ogaaday kadib markii raashin loogu qariyay weel dhexdiisa markaa kaddib tukuhu soo goostay ul yar si uu ula soo baxo qeyb yar oo hilib ah oo ku jirtay weelka dhexdiisa.

In kasta oo khubarada cilmi-baadhistan samaysay ku doodayaan in garaadka Tukuhu ka sarreeyo Shimbiraha kale, haddana Tukuhu waxa uu ka mid yahay nooleyaasha Dugaagga ah ee Rabbaysmin, iyada oo ay jiraan shimbiro tiro badan oo bani’aadamka la nool isla markaana looga faa’idaysto adeegyo kala duwan, marka laga yimaado qaar badan oo la manafaacdsado.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment