
Mudane Seed, waxa uu sheegay inay Xisbi ahaan Hadalka Wasiirka Warfaafinta u arkaan inuu ka mid yahay Hadallo Cay ah oo uu sheegay inuu Tv-ga qaranka Somaliland caado ka dhigtay, kaas oo uu tilmaamay mid gef ku ah in isagoo wasiir ah uu Hadallo deelqaaf ah ka sheego Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland.
“Cukuse waa nin wasiir ah, hadalladiisuna waxay u ekaayeen qof dabada laga riixayo oo mar walba waxa uu sheegayey inuu ixtiraamayo Guddoomiyaha wakiillada, Haddana wuu Hadlayey, markaa waxanu u aragnaa waxyaabahan ay xukuumaddu dabada ka riixayso ee Tv-ga qaranka ee Mar walba laga caayayo Madaxda Qaranka. inuu isagoo wasiir ah Guddoomiyaha Wakiillada wax ka sheegaa waa nasiib darrro oo waxanu waxba ka garanayn Haykalkii dawladnimo.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Hadalkan Axmed Muumin seed ayaa ka dambeeyey Hadallo uu maalintii shalay wasiirka Warfaafinta Somaliland Warbaahinta u mariyey Guddoomiye Cirro, kuwaas oo daarranaa inuu Xilkiisa uu Golaha Baarlamaanka ka hayaa yahay mid muddo dhaafay, sidaas darteedna aanu kaba hadli Karin muddo-kordhin loo sameeyo madaweynaha Somaliland ee Xilligan oo qolyaha mucaaridka ahi ku eedeeyaan inuu muddo-kodhin ku hawllan yahay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment