Sunday, July 27, 2014

Marwada Madaxweynaha oo Hadyado kala Duwan ugu Deeqday Xarumo lagu daryeelo Darbi-jiifka iyo Agoomaha Hargeysa iyo Gabiley

Hargeysa, 27 July, 2014 (Himilo)- Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde oo wakhtigan ku sugan Dalka Ingiriiska oo ay weheliso wefti madaxweynaha, ayaa hadyado kala duwan ugu deeqday xarumaha lagu xannaaneeyo Agoomaha iyo Darbi-jiifka ee magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley.

IMG_0087Deeqdan waxa xarumaha gaadhsiiyey isla markaana ay u wakiilatay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil oo ay wehelinayaan Maayirkii hore ee Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh iyo Nasra Caaqil oo ka mid ah Xubin Haween weynaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.

Wasiir-ku-xigeenka iyo Haweenka wehelinayey waxa ay deeqda Marwada gaadhsiiyeen shalay xarumaha Xarunta xannaanaynta Darbi-jiifka Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, Xarumaha daryeelka Agoomaha ee magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Bulshada oo ku hadlaysay magaca Marwada Madaxweynaha, ayaa maamulka Xarunta Xannaanaynta Darbi-jiifka oo hoos-tagta wasaaradda Arrimaha bulshada ku wareejisay deeqda loogu talo-galay carruurta, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Xaaji Maxamed Jirde waxa had iyo jeeraale caado u ahayd inay farxadda la qaybsato farxadda Ciidda oo ay u keento wax ay ku ciidaan, markaa madaxa xarunta (Darbi-jiika Hargeysa) Farxiya, waxaan ku wareejinayaa hadyad marwada madaxweynuhu ugu talo-gashay farxadda ciidda carruurta inay kala qayb-qaadato, waxaananu jecellanahay inay maalinta farxadda ciidda wax ka tari doonto,” ayey tidhi Marwo Shukri Xariir.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Maayarkii hore ee Gabiley, waxa ay intaas ka dib socdaal ugu baxeen magaalada Gabiley halkaas oo ay gaadhsiiyeen hadyado Xaqal-ciid ah oo Marwada madaxweynuhu ugu soo wakiilatay oo ay ku wareejiyeen maamulka xarunta lagu daryeello Agoomaha ee magaalada Gabiley. Waxaana munaasibad lagu qabtay xaruntaas oo lagu wareejinayey deeqda ka qayb-galay maamulka iyo degmada Gabiley.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment