
Sida ay kala siman tahay carruurteeda da’deeda ah, buugga ah qortay oo ay ugu magac-dartay OLD BEFORE MY TIME, waxay ku sheegaysaa rabitaankeeda inay noqoto Jilaa caan ah iyo sida ay ku nacday inay dugsiyada tagto.
Laakiin, haddana waxa uu ka warramayaa aragti qoto-dheer oo laga qaadan karo sida ilme yar u asiibi karo xannuunkan oo Hayley ka dhigay inay jeelato jidhka islaan 105 jir ah.
Progeria waxa magaceeda laga soo qaaday kelmad Giriig ah ‘proeros’ oo micnaheedu yahay ‘Hor u gabowga’ waxaanu xidhiidh la leeyahay nooca barootiinka loo yaqaanno progerin kaas oo dedejiya da’da muuqaalka duleed ee jidhka. Waxa uu jidhka da’diisa ka dedejiyaa siddeed laab inta caadiga ah kaas oo gabadhan yar oo Hayley ka dhigay inay yeelato maqaar dhuuban oo jilicsan iyo lafo taag-daran.
Carruurta uu xannuunkani asiibo sida caadiga ah waxa ay u dhintaan wadno-istaag ama jaalij wakhtiyada da’doodu gaadho 13-jirka.
Hayley oo ku nool magaalada Bexhill, Bariga Sussex ee dalka Boqortooyada Ingiriiska, waxa ay 14-jirsatay bishii December ee sannadkii hore waxaanay inta la ogyahay ay ka mid tahay 89 carruur ah oo kula nool 32 oo adduunka ah kuwaas la nool xannuunka progeria.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment