Haweenay lagu magacaabo Liu Hong oo deggen magaalada Shangqui ee Shiinaha ayaa sida la sheegay sabab u noqotay inuu hadlo ninkeeda oo muddo 12 sanno ah miyir la’aan ku jiray ka dib markii ay muddada intaas le’eg ka dul-akhriyeysay waraaq jacayl oo uu hore iyada ugu qoray ninkeedu wakhtigii uu ugubka ahaa jacaylka qoyskooda maantu ka dhasay.
Haweenaydan ninkeeda oo lagu magacaabo Huang Jianjun ayaa 13 sanno ka hor waxyeello ka soo gaadhay shil baabuur kaas oo ka dhigay bukaan mayd-yaal ah.
Ka dib markii uu muddo yaalay cusbitaal, lagana quustay soo-maaxashadiisa, waxa la dhigay gurigiisa oo xaaskiisu cunto dareere laga dhigay ku quraamin jiray iyada oo maalin walba ka dul akhriyi jirtay waraaqda jacaylka ah oo ay iyadu si sir ah u xadidatay.

Lammaanahan oo jacaylkoodu hana-qaaday 1996 waxa ay is-guursadeen isla sannadkaas iyaga oo isku dhalay laba wiil. Sannadkii 2002kii ayuu Huang shaqo ka helay meel ka durugsan deegaankiisa si uu u debbero nolosha qoyskiisa. Waxa uu sii watay shaqadiisa muddo yar ka dib markii bishii September 2002 uu ku dhacay shilka miyir-beelka ku keenay isaga oo wakhtigaa baabuurkiisa ugu safrayey magaalada Puyang oo uu ka shaqaynayey. Isla markiiba waxa la dhigay cusbitalka magaaladaas isaga oo dhaawacyo qaba, waxaana astaan u ahaa inuu weli nool yahay garaaca wadnihisa iyo isaga oo neefsanayey. Dabadeed Liu oo xaaskiis ah aya u qaadday gurigooda si ay u daryeesho iyada oo mararka qaar isku dayeysay inay ka dul akhrido heesihii iyo hadalladii wakhtigii jacaylkooda. Haseyeeshee, wax isbeddel ahi ma iman ilaa ay ka heshay waraaqda jacaylka ah. “Markii ugu horraysay ee aan bilaabay akhrinta waraaqda, waxaan aad ula yaabay inuu afkiisa dhaq-dhaqaajiyey. Dabadeed waan sii waday ilaa uu bixiyey afcaal uu kaga jawaabayo wax uu maqlayey,” ayey tidhi Liu. Dabadeed waxaan sii waday akhrinta waraaqdii, ‘Waxaan helay waraaq aad beri ii soo qortay, waxaan rajaynayaa inaad fahmayso iskana kay cafin doonto inaadan dib iiga helin wax qoraal ah.’
Haeenaydani waxa ay sheegtay in markii ya hallkaas maraysay inuu ninkeedu dhoola-caddeeyey. Waxa kale oo ka mid ahaa erayadii waraaqda ku qornaa: ‘Waxba igama gelin sida ay dadkuu ii arkaan, kaliya waxaan danaynaa sida aad uu yahay dareenkaaga igu aaddan.’
Mr. Huang ayaa markii dambe cusbitaal la dhigay si caafimaadkiisa loogu daryeelo isla markaana dib loosoo celiyo xusuustiisa luntay.
Himilomedia.comHargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment