Kulanka uu Wasiirku Qorshayntu Warbixinta ku siiyey Guddiga Siyaasadda arrimaha dibedda iyo Qorshaynta ee Golaha Wakiillada Somaliland oo ka qabsoomay Isniintii shalay xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa ahaa mid Albaabbadu u xidhnaayeen oo ay Warbaahintu dibedda ka joogtay, hase-yeeshee, markii uu kulankaasi soo idlaaday waxaa Weriyeyaasha la hadlay Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda dibedda iyo Qorshaynta ee Golaha Wakiillada, kuwaasoo sharrax kooban ka bixiyey nuxurka waxa ay ka wadahadleen.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Su’aalihii ay Guddigu I weydiiyeen-na waan ka jawaabay, si fiican baanu kulankaasi noogu dhammaaday, waxaanan ku ballannay inaan kulan kale isugu soo noqonno maaddaama ay Ramadaan tahay marka ay Ramadaantu dhammaato oo aan kala qaadanno warbixin faah-faahsan.”
Mar Wasiir Sacad uu ka jawaabayey Su’aal laga weydiiyey waxyaabaha ay Guddiga uu la kulmey weydiiyeen ee ugu muhiimsanaa, waxa uu yidhi; “Waxaannu dhammaanba ka wada hadalnay qaab-dhismeedka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo wax-qabadkeeda, gaar ahaan Mashaariicda Somaliland ay ka hesho caalamka.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Siyaasadda arrimaha dibedda iyo Qorshaynta ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), ayaa isna dhiniciisa sharraxay waxyaabaha ay Guddi ahaan iyo Wasiirku kaga wadahadleen Kulankaas ay shalay wada yeesheen, “Waxaannu ka wadahadalnay Wasiirka Qorshaynta, horumarka iyo hay’adaha la shaqeeya, waxaanu runtii kulankayagani socday illaa saacad iyo badh, si wanaagsan oo na raalli-gelsay ayuu Wasiirkuna noogu sharraxay, dibna waannu u ballansannahay haddii Eebbe idmo,” ayuu yidhi Xildhibaan Kijaandhe.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment