
Haddaba waxa daraasado sheegeen in lafta madaxa ee dhedigu ay ka miisaan yar tahay tan labka, lafaha raguna ay ka culus yihiin kuwa dumarka, sidoo kale waxa aad u yar yar lafaha dhabarka, Halka ay lafaha sinaha ay ballaadhan yihiin, jilicsan yihiina, sidoo kale murqaha raga waxay saddex-laab ka weyn yihiin kuwa dumarka, murqahooduna aad ayay u jilicsan yihiin, ALLAH ayaa xikmad weyn ugu abuuray sidaas.
Haddii aan ka gudubno dhinaca farqiga guud ee u dhaxeeya, oo aynu si hoose u eegno farqiyada keeni kara isfahan la’aanta dhexmarta lammaanaha:-
1. Dareenka Caadifadeed
DHEDIGA : Waxa aad u badan dareenkooda caadifadda iyo kalgacalka, waxaana ay go’aamada ku qaadataa iyadoo dhuganaysa sida ay u jeceshahay, arrintaasna waa mid xikmad weyn ay ku jirto, si ay ugu noqoto mid u jilicsan ubadka jilicsan ee laga doonayo inay koriso, waana qodobka aanay ragu ku gaadhayn dumarka.
LABKA: Waxa ku yar dareenka caadifada, waxaana ay go’aamada ku qaadaan qaab garaadka ku dhisan,wixii uu ku dareemo caqligiisa, hadii mushkilad ku timaado wuxuu ka shaqeysiinayaa maskaxdiisa, wuxuuna ka fakarayaa saacado badan, taas oo keenta inuu marar badan iska aamuso, waana waxyaalaha dhiba dumarka marka uu aamuso seygeedu, waxay u qaadataa inuu xanaaqsan yahay amase uu nacay, laakiin waxa mashquulsan maskaxdiisa, hadii ay maskaxdu shaqo heerkaas ah gashana, ma hadli karaan ragu, laakiin dumarku way hadli karaan iyadoo qorshe adag ku jirta, tusaale, gabadhii Nabi NNKH shirqooleysay, markii ninkeedii ku qabtay albaabka, wax ka yar hal ilbidhiqsi ayay ku aliftay oo ay ku bedeshay mushkiladii oo nabi Yuusuf NNKH saartay.
2. Qaabka Hadalka:
DHEDIGA: markay hadlayso waxay u hadashaa qaab jilicsan, iyadoo wax u sheegaysa qaabka kala dhigdhigan (tafaasiil) isla markaasna kama tagayso waxyaalaha yar yar ee arrinta, tusaale ahaan, hadii ay seygeeda weydiiso “maanta ka waran xaafada?’ waxay u sheegaysaa wax kasta oo ka jiray guriga iyo aaga ay joogto, xataa caruurta ciyaarteeda, arrintaas waa dhibsadaan ragu, hadii ay hadalka ka jaraana dumarku way dhibsadaan.
LABKA: wuxuu u hadlaa cod waaweyn oo adayg ku jiro, wuuna soo koobayaa hadalka, tusaale hadii la weydiiyo “ka waran maanta shaqada?’ waxa uu ku jawaabaa “kheyr’’ warkaas kooban dumarka waa dhibaa, maadaama ay tafaasiil u baahnayd, maxaa yeelay, waxay u arkaysaa inuu wax ka qarinayo, taasoo shaki ku abuurta.
3. Sheegitaanka Jaceylka:
DHEDIGA: Way u sahlan tahay inay dareenkeeda ku muujiso hadal iyo ficil labadaba, waxaana la dhahaa dumarku waa maqashiis, oo waxa ay maqasho ayaa saameyn weyn ku yeesha, hadaba u oomanaanta jacaylka waa arrin ka timaada dhinaca sareynta dareenka caadifadeed ee dumarka, ee ma aha wax mushkilad ah, hadaba waxay jeceshahay in sida ay u sheegayso jacaylka iyana loogu sheego hadii la jecel yahay, hadii kale waxay u qaadan inaan la jeclayn.
Labka: Waxa ku adag inuu hadal ku sheego marar badan dareenka uu qabo, hadii uu ku barbaaray nolol adagna waa ka sii daran tahay, wuxuu ku muujiyaa dareenkiisa ficil, inuu wax u iibsho, wanaajiyo guud ahaan, laakiin hadal ahaan uma sheego, wuxuuna u arkaa inay tahay jileec aan loo baahnayn.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment