Saturday, July 26, 2014

4 arrin ayay dadku igu waafaqeen wayna igu khilaafeen (Xikmad cajiiba)

Ibraahiim ibnu shaqiiq ayaa yidhi : dadku waxay igu waafaqeen  afar xaga hadalka, wayse igu khilaafeen xaga ficil iyo camal ahaanta!

1)     Waxay igu waafaqeen in Illaahay adoomo  aanu u nahay, laakiin waxay u shaqaynayaan sida xortu u shaqayso, macnaheedu waxa weeye waxay sheeganayaan inay adoomo ilaahay wada yihiin laakiin qof adoonimadii ka muuqataa ma jirto oo camalkooda waxaad moodaa inaanay adoomo  Illaahay ahayn.

2)     Waxay yidhaaheen oo igu waafaqeen dadku Illaahay ayaa nooga kafiila ama noo balan qaaday rizaaqadiisa , hadana waxay igu khilaafeen sida ay ugu maman yihiin adduunyo raadinta ood moodo in  ay rabaan inay wuxuun helaan ama xalaal ha noqoto ama xaaraane, macneheedu waxa weeye waxa inagu dhacay wax la yidhaaho baqdin badan oo aynu ka qabno waxa la yidhaahdo faqriga oo qof weliba ka werwersan yahay muxuu quudan doonaa? Waxa laga sheegay oday soomaaliyeed oo xikmad badan: waxa I dilay oo naftii ii keenay habeen ama maalin aan la gaadhin ka werwerkeeda wixii aan cuni lahaa aniga iyo dadkaygu, wuxuu halkaas inoogu sheegay in dadku noocaas wada yahay oo werwer badani  ka haysto xaga arsaaqda iyagoo ilaaway in Illaahay yahay ka inoo balan qaaday arsaaqadiisa inta aynu noolnahay, xaqiiqatan waa sida uu u dhigay hadalka Ibraahim ibnu shaqiiq oo uu yidhi : waxaan dadkii isku waafaqnay in Illaah raaziq yahay laakiin ficil ahaan way igu khilaafeen oo rizaaqadii Alle ayay ka werwersan yihiin, shaydaanku wuxuu idiin yaboohayaa  faqri wuxuuna idin amrayaa xumaanta, waa sida uu Illaahay qur’aanka inoogu sheegay, sifada rizaaqad ka baqashadu waa tababar uu ina siinayo shaydaan oo uu ina werwer gelinayo markaas waa inaan ka taxadarnaa,

3)     Ta saddexaad waxay yidhaahdeen dadku  oo igu waafaqeen aakhiro ayaa ka khayr badan adduunka, waxayse igu khilaafeen ficil iyo camal ahaan oo waxay ugu foogan yihiin adduunka sidii oo ay ka khayr badan tahay aakhiro, waxay rumaysan yihiin qowl ahaan in aakhiro khayr badan tahay laakiin kama muuqato ficilkooda oo adduunkii ayay isku ilaaween sidii aanay weligood ka dhimanayn, Xabiibkeenuna wuxuu ku yidhi saxaabigii uu la dardaarmay, adduunyada ku ahow sidii qof jid ka gudbaya ama qariib ah oo socoto ah.

4)     Ugu danbayntiina waxaan dadka isku waafaqnay geeridu way imanaysaa waana xaq laakiin waxay igu waafaqi waayeen in loo camal fasho geerida, waxaad moodaa qowl ahaan mooyee in ficil ahaan aanay citiqaadsanayn  geerida qofkii dhintana maalmaha  hore uun la yidhaahdo kelmado tacsiyeen  ah Alle ha u naxariisto iyo qof fiican buu ahaa iwm, laakiin isla markiiba la ilaawo geerida qofkaas, xataa qofkii soo aasayna aanu ku cibro qaadan oo uu u sii socdo sidii qof aan weligii dhiman doonin.

 

Afartan qodob ee walaalkeen inoo sheegay akhriskooda aynu ku celcelino  oo aynu noqono waxa afka aynu ka leenahay iyo camalkeenu inay is waafaqaan, yaynaan noqon kuwo gashan kabo kala jaada oo qalbigana wax ka rumaysan afkana wax kale ka leh ha isla socdaan qawlkeena iyo qalbigeenu.

Allena ha is waafajiyo qowlkeena iyo camalkeena,

 

 

Tarjumidii : Hussein Jama Guudcade,

Diintuwaanasteexo1@gmail.com.

Markaad akhrido ha iga ilaawin ducadaada.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

No comments:

Post a Comment