Thursday, July 24, 2014

Maraykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Soomaaliya oo si adag uga hadlay Dilka Xildhibaan Saado Cali Warsame

Muqdisho, 24 July, 2014 (Himilo)- Allaah ha u naxariisto ee Fannaanaddii Caanka ahayd ee Saado Cali Warsame oo tan iyo 2012-kii ka mid ahayd Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa shalay Koox Hubaysan oo Malleeshiyada Al-Shabaab ka tirsani ku dileen magaalada Muqdisho oo ay laba toddobaad ka hor timi iyadoo ka soo laabatay Maraykanka, waxaana dilka Xildhibaan Marxuumad Saado ka hadlay Masuuliyiinta sare ee dawladda Soomaaliya, Maraykanka, Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika.

Xildhibaan Marxuumad Saado Cali Warsame, ayaa la dilay shalay, ka dib markii wax yar ka hor Salaaddii Casar ay Koox Hubaysan oo Gaadhi wataa is-garab-taageen Gaadhiga Marxuumadda oo Al-Baabka Huteel Ambassador oo ku yaalla meel ku dhaw Isgoyska Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho oo ay degganaayeen Marxuumadda iyo Mudanayaal kale oo Baarlamaanka ka tirsani, waxaanay Kooxdaasi ku fureen Rasaas Baas ah oo ay Qoryaha fudud kuwooda ugu culus ka ridayeen siday dad goob-joog ahaa Warbaahinta u sheegeen, waxaanay halkaas ku dileen Saado Cali iyo Darawalkii Gaadhiga u waday.

Masuuliyadda dilkaas Fannaanadda Xildhibaankana ahayd ee Saado Cali waxa sheegatay Malleeshiyada Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab oo ku dooday in dilkaas ay Marxuumadda ku khaarajiyeen qayb ka yahay weerarrada hirgelay ee ay u qorsheeyeen inay ku laayaan Mudanayaasha Baarlamaanka iyo Masuuliyiinta kale ee dawladda Soomaaliya.

“Ciidammadayada gaarka ah ayaa fuliyay dilka Xildhiabaan Saado Cali Warsame, waxayna tani qayb ka tahay dilalka qorsheysan ee aan doonayno inaan ku layno Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.” Sidaa waxa yidhi Sarkaal u hadlay Malleeshiyada Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab oo Warbaahinta afkooda ku hadasha la hadlay isla gelinkii dambe ee shalay markii dilku dhacay wax yar ka dib-ba.

Dawladda Maraykanka, ayaa si kulul u cambaaraysay dilkaa loo geeystey Xildhibaan Saado Cali Warsame. Waxaana Cambaarayntaas lagu sheegay War-saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Saraafada Maraykanka ee dalka Kenya, waxaana lagu yidhi; “Dilkani wuxuu inna tusayaa dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayso Ummadda Soomaaliyeed oo dhan iyo xurmo-darrida ay u haayaan nabadda, caddaaladda iyo naxariista ay dhammaan Soomaalidu meel walba ay joogaan ay xusayaan bisha Barakaysan ee Ramadaan. Saado waxay ahayd Fannaanad caan ah iyo weliba Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale Saado waxay tusaale fiican u ahayd Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Dilkani waa mid aad u saamaynaya dhammaan Soomaalida ku nool waddanka gudihiisa iyo dibeddiisaba.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka Safaaradda Maraykanku Nairobi ku leeyahay ka soo baxay shalay galab.

Sidoo kale, waxa isaguna si aad u kulul u cambaareeyey dilka Marxuumad Saado Cali Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay oo sheegay inay waajib tahay in Haweenka fara-ku-tiriska ah ee dawladda ka tirsan iyo guud ahaan Haweenka Soomaaliyeed si gaar ah loo xurmeeyo loona ilaaliyo.“Waan cambaareyneynaa falka lagu dilay Xildhibaan Saado Cali oo ahayd Fannaanad Soomaaliyeed oo caan ah iyo Darawalkii Gaadhiga u waday, waana in la ilaaliyaa doorka Haweenka Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin Bulshada.” Sidaa ayuu yidhi Danjire Kay. Ururka Midawga Afrika, ayaa isaguna sidan oo kale uga hadlay dilka Marxuumadda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa dhammaantood ka hadlay dilka Marxuumad Saado Cali Warsame, waxaanay Tacsi tiiraanyo leh u direen Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Fannaaniinta, Xildhibaannada Baarlamaanka iyo guud ahaan ummadda Af-Soomaaliga ku hadasha meel kasta oo ay joogaan.

“Maanta (shalay) waxaan dhammaanteen ka murugaysannahay dilkan oo ah xad-gudub kale oo lagu soo qaaday dowladnimada Soomaaliya. Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay ka dhimatay Xildhibaan Saado Cali Warsame, Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu ka waraabiyo Janatul Firdowso. Saado Cali Warsame waxay ahayd Xildhibaan Qaran kana mid ah fanaaniinta ay dadka Soomaaliyeed aad u jecelyihiin, isla markaana aan ku xasuusan karno wadaniyad iyo dal jacayl.” Sidaa waxa yidhi Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna ka hadlay ayaa yidhi; “INNAA LILLAAHI WAA INNAA ILAYHI RAAJICUUN, gacan ka gardaran ayaa dishay Xildhibaan Saado Cali Warsame oo si gaadmo ah ku dilay, waxaana la socday Cabdullaahi Xuseen Yabarrow oo ka mid ahaa howlwadeennada Golaha Shacabka, waxaana dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka, Ummadda Soomaaliyeed iyo Ehelada uga tacsiyeeynayaa dilka Xildhibaan Saado, waxaan kaloo rabaa in aan u tacsiyeeyo Fanaaniinta Soomaaliyeed oo ay ka tirsaneyd.”

Madaxweynaha federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isaguna Tacsida uu diray ka sokow, Hay’adaha ammaanka dawladda Soomaaliya waxa uu ugu baaqay inay sharciga hor-keenaan gacan-ku-dhiiglayaasha Dhagar-qabayaasha ah ee Marxuumad Saado Cali iyo dadka la socday iyo kuwii ka horreeyey-ba laayey.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in kooxaha Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab, aanay dawladda Soomaaliya ka leexin Karin dedaalka ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu jiraan. “Kooxaha nabad-diidka ah iyo argagixisadu nagama leexin karaan dedaalka aan dalka ugu soo celineyno nabadda iyo horumarka.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynuhu.

“Waxaan leeyahay Hay’adaha ammaanku waa inay waajibkooda gutaan, Shacabkana waxaan leeyahay la shaqeeya Hay’adaha Ammaanka si dhagar-qabayaasha Sharciga loo marsiiyo. Annaga dawlad ahaan Kooxaha nabad-diidka ah iyo argagixisadu nagama leexin karaan dedaalka aan dalka ugu soo celineyno nabadda iyo horumarka.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Allaah ha u Naxariistee Marxuumad Saado Cali Warsame ayaa wixii ka dambeeyey Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, waxay ku noolayd ama degganayd Waddanka Maraykanka, waxay ku dedaashay in ummadda Soomaaliyeed aan la kala jarjarin, isla markaana meel la isugu keeno, inkasta oo aanay hindisahaas oo ay Heeso badan ka tirisay lagu guulaysan weli, iyadoo laba toddobaad ka hor ku soo laabatay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Shalay-na way ka hoyatay dunida, ee waxaannu leenahay ALLAAH ha u naxariisto Marxuumadda, ILLAAHAY-na Samir iyo Iimaan Saadiq ah haka siiyo dhammaan ummadda afka Soomaaliga ku hadasha, gaar ahaanna qoyskeeda, Baarlamaanka Soomaaliya iyo Eheladeeda.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment