Sunday, July 27, 2014

Caynabo: Maamulka Gobolka Maayirka degmada oo lagu eeddeeyay inay Xaraasheen Boqolaal Ton oo Raashin mucaawimo ah iyo faddeexada ka taagan

Caynabo, 28 July, 2014 (Himilo)- Masuuliyiinta ugu saraysa maamulka Dawladda ee Gobolka Saraar iyo Degmada Caynabo, ayaa lagu eeddeeyay inay lunsadeen Boqolaal tan oo Raashin ah oo loogu talo-galay ku dhawaad shan boqol oo qoys oo Danyar ah, kaddib markii ay 17 bishan soo gaadhsiisay Hay’ad ka hawl-gasha Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland oo Gobolka Sool dhowr hore ka qaybisay Mucaawimooyin noocan ah.

caynabaRaashinkan oo xajmigiisu dhamaa 1500 oo Tone, oo isugu jira Bariis, Digir, Saliid iyo cuntooyin kale oo nafo ah, waxa la sheegay in la lunsaday oo suuqa laga iibiyay intiisii badnayd, wax yar oo faro guudkood ahna la gaadhsiiyay dadkii loo waday.

Arrintaasi ayaa Magaalada ka abuurtay buuq iyo dareen lagaga soo horjeedo talaabadan ay ku kaceen Madaxda dawladda ee heer gobol iyo mid degmo, oo aanay dadku ka filayn fal noocan oo kale.

Xubno ka mid ah Golaha Deegaanka ee Degmada Caynabo, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Saraar iyo Maayirka Dawladda hoose si badheedh ah u Xaraasheen, iyagoo ka iibiyay Niman Ganacsato ah oo meherada ku haysta Magaalada.

Duqii hore ee Degmada Caynabo Faysal Axmed Jaamac oo ka mid ahaa xildhibaanada ka soo horjeestay dhacdadan ayaa Gobanimo u sheegay “Raashinkaas waxa keentay Bisha ee Garoowe, wuxuu dhamaa 1500 oo ton, waxaanu magaalada soo gaadhay 17 bisha, iyadoo loogu talo galay shan boqol oo qoys oo kala degen degmooyinka Caynabo iyo Oog oo Gobolka Sool loo soo mariyay”

Raashinka looma qaybin dadkii loo waday ee saddex meelood marka loo qaybiyo laba meelood oo ka mid ah ayaa suuqa laga iibiyay, waxaana iibsaday Maamulka Gobolka iyo ka degmada oo Maayirka iyo xoghayihiisa ah, niman Ganacsadeyaal ah oo magaalada degen ayaana laga iibiyay”ayuu yidhi.

Xildhibaanka Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa iftiimiyay qadarka raashinka la leexday, isagoo geesta kalena ku dooday in masuuliyiinta leexsaday ka dhego adaygeen dalab ay u  gudbiyeen“Qadarka Raashinka ilaa hada la iibiyay waxa weeyaan intaanu diwaan-gelinay 375 kiish oo digir ah , 350 Bariis ah, 250 Jirikaan oo Saliidda, oo midkiiba 20 litir qaad uu tahay iyo 250  Boorosh ah. Nimanka maamulka oo ilaa taliyaha qaybtu ku jiro ayaanu kala hadalnay, waxaanay noo sheegeen in raashinka markii hore ay qayb u iibiyeen Saraakiishii Bisha Cas ee siday, wax kale oo ay ilaa hada noo sheegeen ma jirto, dadkii masaakiinta ahaa ee loo keenayna qaarbaanu caawa (Habeen hore) lacag u uruurinaynay. Meesha Musuqmaasuq baahsan  ayaa ka dhacay, waxaanu u baahanay in baadhis deg deg ah lagu sameeyo sababta waxaani u dhaceen.”

Xildhibaan Xasan Yuusuf Aadan  ayaa isna sheegay “Musuq maasuqan waxa ku kacay Maamulka Gobolka iyo degmada, waxaanan dawladda iyo umadda Somaliland u caddeynaynaa in arrinka meesha ka dhacay uu yahay mid aad u fool xun oo loo baahanyahay inay Hay’addaha baadhista ee dawladdu soo dhex galaan”ayuu yidhi xildhibaanku, isagoo dhanka kale tilmaamay “aniga iyo Xildhibaanada kale ee arrintan is hortaagay waxaanu ka soo baxnay xisbiga Kulmiye, markaa waxaanu xukuumadda leenahay arrintan wax halaga qabto”

Mid ka mid ah Bulshada deegaanka Caynabo oo ka cudur daartay inaanu magaciisa soo xigano ayaa isna caddeeyay inuu jiro raashinkan la leexsaday, waxaanu intaa ku daray “ qaylo xoogan ayaa ka dhalatay musuqmaasuqan lagu leexsaday raashinkaasoo hada lagu iibinayo Suuqa”ayuu yidhi.

Masuuliyiinta la eeddeeyay oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino eedaha loo soo jeediyay ayaanay noo suurto gelin inaanu jawaab cad ka helno, kaddib markii Maayirka degmada Axmed Yuusuf Cabdi ka jawaabi waayay Telefoonkiisa gacanta oo aanu ka wacnay.

Halka Badhasaab ku-xigeenka Gobolka oo ah ku-simaha badhasaabka Ibraahim Jaamac Maxamed oo aanu Talefoonka kala xidhiidhnay uu ka gaabsaday inuu arrintaasi wax tafaasiil ah ka bixiyo “arrintaa hadaba waxba ka odhan mayo, ee wakhti kale I soo wac adeer”ayuu ku yidhi Wariye ka tirsan Gobanimo oo la hadlay.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili uu Badhasaabkii Gobolka Saraar muddo laba bilood gaadhaysa ka soo maqanyahay Xafiiska, isla markaana uu Magaalada Gabiley iska joogo, kaddib markii shaqada laga joojiyay.

Axmed Cali oo ahaa Guddoomiyaha Gobolka ayaan wali xilka laga qaadin, hadana xafiiska ka sii maqan ilaa wakhtigaas, iyadoo xubno laamaha dawladda ka tirsani noo sheegeen inuu sidaa shaqada kaga tegay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment