Wednesday, July 30, 2014

Maraykanka oo Ruushka ku eedeeyey inuu jebiyey Heshiis Xasaasi ah oo ay wada galeen 27 sanno ka hor

Washington, 30 July, 2014 (Himilo)- Dawladaha Maraykanka iyo Ruushka, ayaa ku muransan sii- waditaanka iyo ka-bixitaanka Heshsiis dhex-maray sannadkii 1987-kii, waxaanay dawladda Maraykanku dhiggeeda Ruushka ku eedaysay inay jebisay heshiiskaas oo la xidhiidhay dhinaca Hubka wax-gumaada ee Nukliyer-ka qaabka loo adeegsanayo.

Inkasta oo aanay dawladda Maraykanku faahfaahino dheeraad ah ka bixin nuxurka qodobbada heshiiskaasi sidii ay u dhignaayeen iyo waxa qodobbada ay dawladda Ruushku jebisay kuwa ay yihiin, haddana waxay Maraykanku Ruushka ugu baaqeen inuu dhawro dhiniciisa heshiiskaas oo ay USA ku tilmaantay mid aad u xasaasi ah.

Maraykanka iyo ruushka“Arrintani waa mid Xasaasi ah, waxaanannu isku daynay in aannu Ruushka arrintan ku war-gelinno mar uun. Waxaannu Rushka ku dhiirri-gelinaynaa inay ka dhabeeyaan waajibaadka ka saaran u hoggaansanaanta heshiiska la wada gaadhay 1987-kii, meeshana ay ka saaraan wax kasta oo carqaladayn kara heshiiskaas.” Sidaa waxa lagu yidhi war qoraal ah oo ka soo baxay Masuul ka tirsan dawladda Maraykanka, gaar ahaan qaybta Difaaca.

Arrintan oo ka soo baxday Xafiiska Masuul ka mid ah kuwa Maraykanka laguma sheegin sida ay dawladda Ruushku u hareer-martay heshiiskan oo dhamaystiran, balse Wargayska New York Times, ayaa daabacay in Washington ay ku war-gelisay sida aanay raalli-gelin uga hayn tijaabinta uu Ruushku tijaabiyay qaar ka mid ah Gantaaladiisa ugu casrisan ee uu samaystay.

Heshiiska ayaa la gaadhay 1987-kii, markaas oo uu dhigayey in labada dal ay meesha ka saaraan tijaabinta Gantalohooda gaadha inta u dhaxaysa 500 illaa  5,500 KM, waxaana uu Wargaysku  sheegay in khilaafka arrintaasi aan xal waara loo helin oo uu illaa hadda khilaaf ka taagan yahay.

“Tani waxay muujinaysaa sida Ruushka uu uga fogaanayo heshiiska dhacay ,inkastoo labada dhinac ay isku khilaafsan-yihiin arimo badan.” Sidaa waxa yidhi Daryl Kimball oo Madax ka ah Ururka Arms Control Association(ACS) oo Xaruntiisa guud ku taallo magaalada Washington ee waddanka Maraykanka sida uu baahiyey Wargeyska New York Times.

Warku wuxu intaas ku daray inay dawladda Maraykanku qorshaynayso la tashi ay arrintan kala yeelato dawladaha ay Xulufadaha yihiin ee Reer Galbeedka, kuwaasoo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka inkasta oo aanay Jarmalka dhawaanahan siyaasad ahaan isku fiicnayn Maraykanka iyo weliba dawladaha kale ee Awoodda leh, isla markaana u dhego-nugul dhawaaqyada Maraykanka ee Yurub.

 Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment