Thursday, July 31, 2014

“Xukuumadda way ka go’an tahay inay doorashadu qabsoonto, wax ala wixii iyada ku xidhan oo…”

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

 

Hargeysa, 31 July, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa jawaab ka bixiyey eedaymo axsaabta mucaaradku Xukuumadda uu ka tirsan yahay ugu jeediyeen inay qorshaynayso muddo kordhin ay ku baajinayso qabsoomidda doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha Wakiillada oo wakhtiga loo muddeeyey ku beegan yahay daba-yaaqada sannadka dambe ee 2015-ka.

cukuseMd Cabdilaahi Maxamed Daahir waxa uu sheegay in aanay jirin doorasho wakhtigeeda dib uga dhacaysa isla markaana ay xukuumaddiisa ka go’an tahay in lagu qabto wakhtiga loo muddeeyey, haseyeeshee jawaabta uu ka bixiyey dhaliisha mucaaradka waxa u si gaar ah ugu bartilmaameedsaday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo masuuliyiin xisbigiisa ka tirsani kaga dhawaajiyeen hadalka uu wasiir Cukuse u holladay ka-jawaabtiisa.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir, waxa uu sheegay in aanay muddo-kordhintu ku jirin gacanta madaxweynaha balse ay tahay masuuliyadda iyo waajibaadka ay qaranka u hayaan hay’adaha ku shaqada leh oo guddiga Doorashooyinka Qaranku ka mid yihiin.

Wasiirka oo arrintan ka hadlaya, waxa uu yidhi, “Muddo Kordhintu ma fiicna, Muddo-kordhintu kuma xidhna madaxweynaha, rabitaankiisa iyo rabitaan-la’aantiisa midna maaha, waa arrin u taala goleyaasha sharciga ah ee awooddaas iyo sharciyadaas leh, waa arrin u taala komishanka Doorashooyinka Qaranka ee arrintaa haya, laakiin maaha mid uu isagu aqbalo ama isagu diido maaha.”

Md Cabdilaahi Maxamed Daahir waxa uu shaaciyey inay xukuumadda ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku xilliga loo muddeeyey ugu qabsoomi lahayd.

“Xukuumadda way ka go’an tahay inay doorashadu qabsoonto, wax ala wixii iyada ku xidhan oo dhanna dhinaceedana waa ka diyaar oo way samaynaysaa, wixii kale ee ku xidhan Goleyaasha Sharci ama komishanka ku xidhan ama hay’adihii iyo dawladihii inaga caawin jiray doorashada ku xidhan-na way ka hawl-galaysaa inay wuxuuni ka soo dhammaadaan oo ay suuro-gal noqoto. Laakiin, talada doorashada waynu u dhannahay, waynu wada-joognaa, sidaasay xukuumaddu ballan-qaadaysaa, shacbigana halaga daayo wax aan jirin in loo mad-madoobeeyo,” ayuu yidhi Md Cukuse.

Dhinaca kale, waxa uu dhaliilo u jeediyey Guddoomiyaha golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo uu ku eedeeyey in masuuliyiin ka tirsan xisbigiisu ay wakhtiyo kala duwan ku cel-celiyeen muddo kordhinta madaxweyne muddadii la doortay aanay wali dhammaanin, halka kursiga uu ku fadhiyo ee shir-guddoonka Wakiilladu muddo-kordhin ku fadhiyo.

“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ah masuulkii u sarreeyey oo guddoomiyaha Golaha Guurtida oo qudhi ka madax-taagan yahay, waxaanu leenahay inuu naftiisa baro in muddadu dhammaan doonto oo aanu madaxweyne wakhtigiisii hadhay ku eedaynin wax aan wali la gaadhin, iyada oo lagala xishoonayo waxa uu isagu sameeyey,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland oo shalay warbaahinta ugu warramay xafiiskiisa.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment