Sida la soo weriyey saxaabigii la odhan jiray Abii dar ayaa yidhi: saddex way I fajac geliyeen ilaa ay iga qosliyeen, saddex arrimoodna way I murugo geliyeen ilaa ay iga oohiyeen.
Saddexda ka yaabiyey ilaa ay ka qosliyeen
- Qof isa siiyey inu adduunyada in badan ku sii noolaanayo oo sii qorshaynaya arrimaha mustaqbalka malakulmowtna in yar u soo jiro ! amal kiisa ayuu dheereeyey kamana fekerayo geerida ku dhow kaas wuu iga yaabiyey ilaa uu iga qosliyey.
- Qof qafladaysan oo geerida moogan qiyaamihiina uga danbayso kaasina wuu iga yaabiyey ilaa uu iga qosliyey.
- 3. Qof qoslay isagoo afkiisa intuu doono kala qaaday oo ku xoogxoogsaday qosolka, weliba aan garanayn in qosolkaas Ilaahay ugu cadhooday iyo inuu raali ka yahay.
Saddexda murugada geliyey ilaa ay ka oohiyeen.
- Geeridii dadka wanaagsanaa Rasuulkeenii scw iyo saxaabadiisii taasi murug ayay I gelisay ilaa ay iga oohisay.
- Malakul mowtku marku ii yimaado xasuusteeda waan ka murugoodaa oo dabeed ooyaa.
- Is hortaaga Alle qiyaamaha ma waxa la I amri doonaa in Jannada la I geeyo, mise in Naarta la i geeyo arrintaasna waan ka murugoodaa ilaa aan ka ooyey ayuu yidhi,
Walaalayaal arrimahan aan kor ku soo sheegnay waa inaan aad uga fekernaa oo nafteena kala doodnaa, taas hadii aan samayno waxa kordhaysa la xisaabtanka nafteena, taasi marka ay dhacdona waxa kordhaya daacada ay nafteenu samaynayso.
Waa inoo mar kale iyo cashar ku saabsan xauusta aakhiro iyo geerida insha Allaah. Allena ha ina asturo aakhiro iyo adduunkaba.
Qalinkii: Hussein Jama Guudcade,
Diintuwaanasteexo1@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment