Wednesday, July 23, 2014

Xildhibaan Saado Cali Oo Lagu Dhextoogtay Magaalada Muqdisho

Muqdisho:July,23,2014(Himilo)-Allah ha u naxariistee waxa Goor dhaweyd Magaalada Muqdisho kooxo Hubaysani ku toogteen Xildhibaanad Saado Cali warsame oo ka mid ahayd Xildhibaanada Baarlamaanka somalia.

saado cali warsAllah ha u naxariistee Xildhibaanad Saado ayaa waxaa ay ku geeriyootay Rasaas ay Koox hubaysan ku fureen Gaadhi ay la socotay oo marayay Wadada Makka Almukarama ee Muqdisho.

Xildhibaannadan ayaa waxaa weeraray kooxo Qoryo ku hubeysan, iyagoo dilay iyada iyo Nin waardiye ahaa oo la socday.

Saado Cali Warsame ayaa Sanadkii 2012 ka mid noqotay Mudanayaasha Baarlamaanka, waxana ay ka mid ahayd Xildhibaanada ugu caansan Baarlamaanka somalia.

Xildhibaan Saado cali warsame ayaa lagu  xasuustaa Codkeedii Hallaasiga ahaa ee ay hibada u lahayd iyo waliba Jillidii ay hibada u lahayd xilliyadii ay fanka ku jirtey, iyadoo ilaa haatanna aan ka hadhin fanka iyo heesaha.

 

Cid sheegatay wali lama hayo dilka , balse waxa la fillayaa  kooxa Al-shabaab oo si weyn u gaadhsi ugu haya Xildhibaanada Golaha shababka Somalia inay ka dambeeyeen.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment