Waxa la yidhi qofka taqiga ah ee Alle ka cabsiga badan waxa lagu gartaa saddex sifo oo noloshiisa ka muuqata,
(a) Inuu Ilaahay u tawakusho u talo saarto wixii soo socda mustaqbalka ah
(b) Inuu raali ku noqdo wixii soo maray waqtigii ka tegay,
(c) Inuu ku samro wixii tegay ee dhib soo martay.
Xasan Basri Ilaahay ha u naxariisto wuxuu la kulmay nin la odhan jiray Farqad As-sabkhi oo jubad qurux badan xidhan oo aad u xaragoonaya Xasan ayaa qoorta soo qabtay oo ku yidhi: Farqadoow Taqwada Alle laga cabsadaa maaha dhar aad u qurux badan oo la soo xidho, taqwadu waa wax qalbiga dega oo qofka camalkiisuna ka run sheego.
Taqwada laf dhabarteedu waa cilmiga,
Shay kastaa wuxuu leeyahay lugo ama dhabar uu isku taago la’aantiisna aanu is taagi Karin hadaba waxa culumadu tidhi, taqwadu waxay leedahay lug ay isku taagto hadii lugtaaas la waayona taqwo maaha lugtaasi waa CILMIGA,
Illaahayna wuxuu yidhi: wuxuun baa Alle ka cabsada adoomihiisa cilmiga leh;
Ibnu Rajab wuxuu yidhi: asalka taqwadu waa cilmiga waana in qofku aqoon u yeesho wuxuu ka dheeraanayo oo dabeed uu ka dheeraado.
Abii bakar bin Khunaysna wuxuu yidhi: sidee qofka loogu sheegi karaa taqqi isagoon aqoonba u lahayn wixii uu iska ilaalin lahaa.
Derojooyinka taqwada iyo faa’iidooyinkooda.
Imaamu ibnulqayim wuxuu yidhi: taqwadu waa saddex derejo
- Qofka oo ilaashada qalbigiisa xubnihiisa kana ilaaliya xaaraanta iyo denbiga.
- Qofka oo iska ilaaliya wixii karaahiyada ah.
- Qofka oo iska ilaaliya wixii siyaado ah ee maalaa yacni ah.
ü Derejada koowaad waxay qofka siisaa noloshiisa taqwanimo sare.
ü Derejada labaadna waxay u faa’iidaysaa caafimaadkiisa iyo quwadiisa
ü Derejada saddexaadna qofka wuxuu ka helaa farxad iyo nuur joogto ah.
Taqwadu waa dardaaran Alle swt.
Illaahay wuxu yidhi: dhab ahaane waxaan faray taqwada kuwii kitaabka la siiyey Yuhuud iyo kiristaan iyo idinkaba inaad Alle ka cabsataan) Alnisaa 131.
Rasuulkeenuna scw wuxuu yidhi: Illaahay ka cabso meel kasta ood joogto, xumaani haday kaa dhacdona wanaag raaci way masaxaysaa, dadkana kula dhaqan dabeecad wanaagsan.
Xadiiskan wuxuu ka yidhi isagoo fasirraya Ibnu taymiyah: ma ogi dardaaran ka faa’iido badan xadiiskaas oo uu inoo sheegay Xabiibkeenu waa hadii aynu xadiiska u fahano sida ay u fahmeen dadkii wanaagsanaa.
Waa maxay taqwo?
Taqwo waa inaad wixii Alle iyo Rasuulkiisu kaa xarimeen aad isaga dhigtaa gidaar kaa ilaaliya,
Waxaa kale oo lagu sheegay taqwo waa Illaahay amarkiisa oon qaadano wixii uu inoo diidayna ka fogaano,
Waxa kale oo la yidhi: qofka taqiga ah wa qofka ka dheeraada oon lagu arag halka Alle u diiday, sidoo kale aan laga waayin halkii Alle amray.
Waxa kale oo lagu sheegay taqwadda, shirkiga oo laga fogaado, macaasida iyo xumaanta oo laga dheeraado, denbiyada yar yar oo laga fogaado iyo wixii maalaa yacni ah oo la iska daayo.
Waxa kale oo la yidhi taqwo waxa weeye :khayrka oo dhan oo la sameeyo iyadoo laga gabanayo macaasida iyo cadhada Alle.
Alle ha inaga dhigo Taqiyiin.
Wuu socdaa casharkani----------------
Qalinkii: Hussein Jama Guudcade.
Diintuwaanasteexo1@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment