Hotelka ugu weyn dalkaasi ayaa waxaa inta badan u dalxiis taga Madaxda Dalkaasi, iyadoona inta badan la dajiyo Mas’uuliyiinta martida u ah Dowladaasi Jarmalka.
Muuqaalka Hotelkaasi ‘’Shiritoon’’ oo aad u qurux badan ayaa waxad ku arkeysaa Beero loo muuqaal ekeysiiyay Xeywaanaadka Sida Maska loo yaqaan Kubrada, fardaha iyo muuqaalada Xeywaano kale loo ekeysiiyay.Hoteelkani ‘’Shiritoon’’ ayaa waxaa inta badan inay degaan aan Loo Ogolayn dadka ganacsatada iyo dadka caadiga ah, maadama uu yahay Hotel aan loogu talo galin dadka ku nool darajada hoose iyo dhexe.
Beeraha ku yaalla Hotelka ayaa waxaa si gaar ah u xanaaneeya dad ka badan 150-ruux oo aan laheyn Howl aan aheyn xanaaneynta beerahaasi.Lama shaacin Mushahaarada ay qaatan shaqaalahaasi ku howl-leh xanaaneynta beerahaasi, waxaana la tilmaamay in Hotelkaasi oo ka kooban 450-qol ay ka howlgalaan shaqaale kor u dhaafayo 1,700.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment