
“Khaatumo waa reer Somaliland ee ma ah dad meel kale ka yimi, waxanu leenayay kaalaya nala geliya xukuumadda dadkiiniina waa ku jiraa dadkiiniina waa ku jiraa, Meel kale oo maanta tegaysaaana ma jiraan tabashona waa la ogol yahay waana waxa la ii magacaabay xalna diyaar baanu u nahay.” Ayuu yidhi Cali Sandulle.
Wasiiru-dawluhu waxa uu tilmaamay inaan Marnaba xabad iyo colaad xal lagu raadinaynin, isagoo xusay in dhawaan Dhismaha Gobolka Xaysimo la dhamayn doono, waxana uu yidhi,
“diyaar looma aha xabad in wax lagu xalliyo, nabad baana diyaar loo yahay, taleexna waa magaao-madax gobol oo la mid ah Sool, sanaag iyo burco ciiddu markay baxdana Maamulkeedii waa loo dhamaystirayaa, intaanaa ka baaraandegeedii waa socdaa, afar degmana waa la siiyey, maantana kuma jirto gorgortan.”
Cali Sandulle ayaa sidoo kale ka Hadlay tallaabada uu kayse Cabdi Yuusuf oo xilkan uga Horreeyey ugu biiray Kooxda Khaatumo, isagoo ku tilmaamay arrin ceeb ku ah isaga oo aan wax faa’iido ah soo wadin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment