Hargeysa/London, 26 July, 2014-(Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku sugan magaalada London ee Waddanka Ingiriiska, ayaa xalay Saacadihii dambe si fiican uga hadlay xaaladdiisa caafimaad iyo inaanu wax dhibaato ah oo uu qabaa jirin, ka dib markii mid ka mid ah shabakadaha wararka iyo dad war-xumo-tashiil ahi Internet-ka ku baahiyeen warar sheegaya in xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo liidato, isla markaana Madaxweyne Ku-xigeenku Ciidammada dalka heegan geliyey.
Hase-yeeshee, Madaxweynaha Somaliland oo xalay markay Saacadda Hargeysa ahayd 1:00 (kawdii habeennimo) ka hadlay kulan lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaasoo si toos ah (live ah) loogu soo gudbinayey Telefeshinka Qaranka Somaliland, ayaa sheegay in Caafimaadkiisu fiican yahay, wax liidasho iyo dhimasho ah toona aanu qabin, iyaga oo dadku si weyn isu weydiinayey xaqiiqada ka jirta wararka Internet-ka lagu baahinayey shalay illaa xalay ee qaarkood sheegayeen in xaaladdiisu liidato oo uu Cusbitaal yaallo, halka ay qaar kalena ka sheegayeen inuu dhintay oo la qarinayo geeridiisa, waxaanay inuu Xalay Madaxweynaha iyo Masuuliyiin kale TV-ga Si toos ah uga hadlaan oo uu beeniyo warkaas ay naxdin iyo weji-gabax ku noqoday dadka war-xuma-tashiilka ah ee beenta faafinayey Saacadihii hadalkiisa ka horreeyey.
“Runtii intii hadashay oo dhami si wanaagsan bay u hadashay, dalka warkiisii waad haysaan oo waa la idiinka warramay, waxna warkiisa idiinkuma dhinna. Dal dimuquraaddiya baynu nahay, dimuquraadiyadda qaarba si bay u fahmaan, markaa immikana waaba tiiyoo dimuquraadi-na lagu daray iyagoo awalba dadkeennu marka hore iska dhiirranaayeen oo waxay doonaan ku hadlaan oo afkoodu iska dhiirran yahay, ayaa la yidhi dimuquraaddina waad tihiin. Markaa, ka bi’I mayno oo ma diidayno dadkeennu dhaqankiisa iyo dhiirranaanta iyo waxaas oo dhan way iska leeyihiin, Illaahay ha innoo siyaadiyo, laakiin wixii wanaagsan-na ALLAAH ha inna tuso.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Jaaliyadaha Somaliland ee dibedda u soo jeediyey inay muujiyaan dedaal, isku duubni iyo waddaniyad, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarka siyaasadda iyo dhaqaalahaba, isagoo xusay inuu ammaan badan u hayo Jaaliyadaha dibedda, haddana waxa uu xusay inay dedaal iyo qaddiyad muujiyaan sidii ay Jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Sheffield ku dhaqan oo kale, kuwaasoo ku guulaystay in Golaha Deegaanka magaaladaasi aqoonsado Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland oo si gaar ah uga hadlaya xaaladdiisa caafimaad iyo wararka been-abuurka ah ee laga baahiyey, waxa uu yidhi; “Kollay wax badan oo been laga sheegayaa iyo waxaan jirin baa jira, laakiin runtuun baa soo baxaysa, waannu u barannay, wax ka sheeg ay Caafimaadkayaga wax ka sheegaan. Laakiin, waxaan leeyahay waa nagaa Caafimaad-qabna ee idin hor-joogna ee hadlayna. ILLAAHAY baannu ugu mahad-naqaynaa Caafimaadka uu na siiyey, Allaah baannu ugu mahad-naqaynaa inuu Masuul ummaddayada nooga dhigay, ILLAAHAY waxaannu ka baryeynaa inuu Caafimaadka noogu wado, Illaahay waxaannu ka baryeynaa inuu dalkayaga iyo dadkayaga meel wanaagsan oo fiican mariyo, oo dedaalkaa nala qabto oo uu nagu taageero…..Waaanan Cafiyayaa ciddii waxaa samaysay (Warka Beenta ah).”
Geesta kale, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo xalay u warramay qaar ka mid ah Warbaahinta afka dawladda ku hadasha, ayaa sheegay inuu warkaasi yahay mid been ah oo laga xumaado, isagoo sheegay inaanay waxba ka jirin in Madaxweyne Ku-xigeenka oo kooxaha wararkan baahiyey ay sheegeen inuu Barta uu ku leeyahay ShabakaddaTwitter-ka ee Bogga Internet-ka uu ku leeyahay in Xaaladda Madaxweynuhu culustay oo uu liito, isla markaana uu heegan geliyey Ciidammada dalka. Balse waxa uu sheegay in warkaasi been yahay, Madaxweyne Ku-xigeenkuna aanu isticmaalin, isla markaana lahaynba Twitter.
“Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuu caafimaad-qabaa. Waxa kale oo ay Warbaahintaa war-xuma-tashiilka ahi Sheegeen in Madaxweynaha ay xaaladdiisu liidato iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo heegan geliyay Ciidanka iyo dalkaba, waa arrin lala yaabo runtii, waxay weliba yidhaahdeen Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu isticmaalay barta Bulshada ee Twitter-ka oo uu ku faafiyay warkaas uu heeganka ku geliyay dalka, waxaan leeyahay Madaxweyne ku-xigeenku ma isticmaalo Twitter, waana arrin qayrul masuulnimo ah oo la doonayo in dhibaato dalka lagu galiyo oo wada-jirkiisa lagu wiiqo, waa dhibaato markii uu cadawga Somaliland meel kale oo uu kasoo galo uu kari waayay uu adeegsanayo qaar innaga mid ah.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment