Hargeysa, 27 July, 2014 (Himilo)- Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka reer Hargeysa, ayaa sheegay in Dadka deggan Banka Qool-caday yihiin kuwo Hubaysan Diyaarna u ah inay iska difaacaan cidkasta oo ugu timaadda halkaas, ka dib markii Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Sheegtay inay Seere ka xidhayso Bankaas oo ay dadka deegaanku ku doodayaan inaanay aqbalayn oo uu u yahay deegaan Xoolo-daaqeen ah.

“Dadkii deegaanka (Banka Qool-caday), ayaa noo yimid; waxay nagu yidhaahdeen; ‘Annaga oo iska deggan oo dhulkayagii iska joogna ayaa weerar nalagu soo qaaday. Waxaa nalagu yidhi ka guura meeshii aad degganaydeen, Meesha aannu u guuraynana nalooma sheegin, Sababta nalooga raranaya nalooma sheegin. Warkaas ayaa na soo gaadhay Annaga’.” Sidaa ayuu yidhi Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi oo shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.
Boqor Raabbi waxa uu sheegay in markii Warkaasi u yimi ka dib ay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha la xidhiidheen, isla markaana ay weydiiyeen sida wax u jiraan, balse ay Wasaaraddu ku wargalisay in Hawshaas la dhammeeyay, waxaanu yidhi; “Markii aannu qoladii Wasaaradda la xidhiidhnay waxay nagu yidhaahdeen; ‘Hawshaasi way soo dhammaatay, arrin hadda laga hadlayana maaha, Meeshana waannu xidhaynaaye sidaas raalli ku ahaada.’ Annagu arrintaas waannu ka diidnay, waxaanannu ku nidhi; ‘Maatida iyo Carruurta in naloo dhaafo maaha ee noo sheega haddii aad wadataan Qorshe’.”
Boqor Raabbi waxa uu sheegay in dadka deegaankaasi ay hubaysan yihiin, isla markaana cid aan isaga soo marini u dhaafi karin dadka uu Masuulka ka yahay, waxaanu yidhi; “Mid ayaa igu eedaynayay inaan Anigu doonayo inay dawladdu I soo marto, wuu ku qasban yahay inuu isoo maro aniga, Maatidayda iyo Dadkayga inuu ii dhaafana maaha. Immikaan ugu celinayaaye haddaanad Isoo marin meelna tegi maysid!. Dadka Deegaankuna waxay diyaar u yihiin inay Dhulkooda Difaacdaan. Wax Allaale wixii u yimaadda, ee arrimo noocaas ah ula yimaadda, way iska difaacayaan….Haa way hubaysan yihiin, ma Cidbaa Hubka laga dhigay.”
Masuuliyiinta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, ayaa ku doodaya in Seeraha Qool-caday loogu talo-galay in Xoolaha dadka deegaanka loo Keydiyo, isla markaana lagu xannaaneeyo Xilliyada Abaaraha iyo Jiilaalku jiraan, waxaanu Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas oo toddobaadkii hore Waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Himilo oo ka waraystay qorshohooda Banka Qool-caday iyo diidmada dadka deegaanka, uu sheegay inay ugu talo-galeen inay Lacag laba Milyan oo Doollarka Maraykanka ah lagu maalgeliyo xidhitaanka Seeraha Banka Qool-caday oo uu sheegay inaanay Seera ahayn ee ay tahay qaybta Xannaanaynta Xoolaha oo laga hirgelin doono Ceelal biyood iyo goobo Caafimaad. Halka uu Wasiirka Wasaaraddaasi ku dooday in aanay Seere xidhnaanaya noqon doonin ee ay tahay Seere kolba dhinac la beeri doono dhinaca kalena dadku degganaan doonaan xilliyada sannadku ka kooban yahaya.
Hase-yeeshee, Dadka Deegaanka Qool-caday ayaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir ku eedeeyey in ujeeddada Bankaas loo xidhayaa salka ku hayso Heshiis qarsoodi ah oo uu la galay Ganacsadayaal Carbeed oo ay ka carrabaabeen inuu ka mid yahay Ganacsadaha Somaliland Xoolaha ka dhoofsada ee Al-Jaabiri.
Sidoo kale, Madax-dhaqameedka Banka Aroori ee gobolka Togdheer oo Warbaahinta kula hadlay Burco ay sheegeen in Qorshaha Wasiir Aw Daahir ku doonayo in lagu Seereeyo Banka Aroori uu yahay Heshiis uu la galay Ganacsato Carbeed oo uu Al-Jabiri ka mid yahay, isla markaana la doonayo in Xoolaha uu ka soo iibsado Koonfurta dalka Soomaaliya iyo Bariga waddanka Itoobiya in lagu sii nasiyo, isla markaana lagu sii xannaaneeyo, sidaa awgeedna aanay aqbalaynin seeraynta Banka Xoolo-daaqeenka u ah maaddaama oo aanay jirin wax dan ah oo iyaga ugu jirtaa sida ay ku doodeen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment