
Wasiirka ayaa ka jawaabayay hadal Madax dhaqameed iyo Xildhibaano degaanka ah ka soo yeedhay kaasi oo ku salaysnaa Muran ka taagan dhulkaasi Seeraha laga xidhayo. Waxay ku doodeen in Wasaaraddu damacsan tahay in Seeraha lagu Xanaaneeyo Xoolaha Koonfurta Somalia ka yimaada iyo inaan waliba cid waxba ka waydiin Dadka Degaanka.
“Seeraha Aroori iyo QOOL-CADAY Caday meel laga rarayaa haba yaraatee maba jirto. Waa la joojiyay seerihii dadka laga rari jiray. Laba qaybood ayaa loo kala xidhayaa. Dadka degaanka ayaa Kolba dhinac degaaya oo u kala guuraaya. Waxaa luqada ingiriisiga lagu yidhaahdaa (Rotational grazing system) .Dhinaca ay daganyihiin mooyaane dhinaca kalena waxaa looga beeraya daaq iyo caws. Waa danta deegaanka.” Ayuu Wasiir Cabdi Awdaahir ku sheegay Qoraal uu ku Baahiyay Boggiisa Internet-ka.
Wasiirku waxa uu u Jawaabay dadka Eedaynaya Mashruuca Seeraha Aroori iyo Qool-caday, waxana uu yidhi, “Waxaan hubaa in deegaanku ogaan doono ka wax taraaya iyo ka khalkhalinaaya ee u tumaaya Durban beena oo LEH muran isaga ku kooban. Dadka deegaanka ayaa taladeeda iska LEH. Ka faaiidaysta . Markaad ogaataan waxtarkiisa badan ee idinka idiinku jira oo aan hubo in aad ogaanaysaan ayuunbaa la bilaabayaa. Mar labaad waxaan ku celinayaa CID laga rarayaa ma jirto adigoo yaala ayaa Kolba dhinac laguu xidhayaa. Waxaa lagaaga samaynayaa warihii, ceelashii iyo daaqii iyo adeegii kale”.
Wasiirku Ugu dambeyntii waxa uu dadka Tuhunka iyo Fikirka khaldan ka haysta Seerahaasi u soo bandhigay Ciwaano ay la xidhiidhaan si loo fahansiiyo Seeraha iyo Habka loo Beerayo “Si aad xogogaal u noqoto la soo xidhiidh tel. No 0634240082 AMA e-mail. ( Molharg2@hotmail.com )Si balan laguugu qabto maalmaha isniinta 9:00- 12:00 subaxnimo Madaxda wasaarada xanaanada xoolaha oo aad la wadaagi doonto talo waxtar u LEH deegaanka iyo seerahaaga. Waan u sabraynaa dareeenka dadkayaka ilaa ay nala fahmayaan waxaan u qabanayno inuu yahay dantooda.
Arrintan ayaa ka dambaysay markii dhawaaq ay wasaaraddu ku sheegtay in banankaas ay beeri doonta ay ka dhalatay in dadka deegaanku iclaamiyaan inay arrintaas is hortaagi doonaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment