Hargeysa, 24 July, 2014 (Himilo)- Khilaaf xooggan ayaa ka taagan qorshe ay Xukuumadda Somaliland ku doonayso inay Seero ka xidho Banka Tuulada Qool-cadey oo ka tirsan Degmada Sallexlay ee gobolka Maroodi-jeex, waxaanay dadka deegaankaas ee Xoolo-dhaqatada ahi ku doodayaan inaan la xidhi Karin Banka maaddaama oo uu yahay deegaanka ugu ballaadhan ee Xoolo-daaqeenka u ah, hase-yeeshee, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, ayaa ku adkaysanaysa hirgelinta Seeraha Banka Qool-cadey oo ay ku baxayso Lacag dhan laba Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.
Dadka Xoolo-dhaqatada ah ee ku dhaqan Deegaanka Qool-cadey, ayaa wararka aannu deegaankaas ka helaynaa waxay sheegeen inay is-abaabuleen, isla markaana go’aansadeen inay kacdoon kala hor-yimaaddaan cid kasta oo u socota hawsha xidhitaanka ama seeraynta Banka Qool-cadey oo ah Ban ballaadhan oo ku yaalla inta u dhaxaysa Qool-cadey iyo Sallaxlay oo ah xarunta degmada laga xukumo Tuulayaasha Qool-cadey ka midka yahay.
“Annagu wax hub ah ma sidanno, laakiin waxaannu ka soo horjeednaa oo aannaan marnaba aqbali doonin in Banka Qool-cadey oo haddaannu nahay dadka deegaankan ay Xoolahayagu ku nool yihiin Daaqa ay Banka ka daaqaan in la yidhaahdo Dhul-daaqeenkii keli ahaa ee ugu ballaadhnaa ee Xoolahayagu daaqayeen ha la seero oo Ganacsade Carbeed halloo xidho Xoolaha uu dhoofsanayo 10 KM oo dhinac kasta ah baa loo xidhayaa, kuwiinnuna dhulka kale ee la kala yeeshay ee Beerta miidhan ah haku dul macaluulaan, waxaannu aqbali karno maaha.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka ku dhaqan Deeganaka Qool-cadey oo ay u suuragashay inuu Khadka taleefanka ku helo Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo oo weydiiyey waxa ay diiddan yihiin deegaan ahaan iyo inay Hubaysan yihiin.

“Annagu warkaas aad leedahay dad ka tirsan dadka Deegaanka Qool-cadey ayaa is-hubeeyey oo xidhitaanka Banka ka soo horjeeda ma ogin. Inkasta oo ay markii hore faham la’aan dadka ahi jirtay, haddana Dadka deegaanka ee Madax-dhaqameedka, Wax-garadka, Waayeelka, Odayaasha, Maayerka Sallaxlay, Suldaanka guud ee Somaliland iyo Dhalinyarada-ba kulammo kala duwan ayaannu la yeelannay, runtii si fiican baannu isu fahannay, waxaanannu uga warrannay meeshan inaanay cid kale lahayn ee ay iyagu leeyihiin, oo Xoolohooda lagu xannaanayn doono hadday daaq tahay iyo hadday caafimaad iyo biyo tahay-ba, markaa waannu is-fahannay wax dhibaato ah oo noo dhexeeyaana ma jiraan, laakiin shaqsiyaad iyagu kacdoonka ku faa’iida oo horumarka neceb inay wax abaabulaan way dhici kartaa.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Jaamac Maxamed Odawaa oo xalay khadka taleefanka ugu warramay Wargeyska Himilo.
Agaasimaha guud ee Xannaanada Xoolaha oo ka jawaabayey Su’aal aannu ka weydiinnay dareen ay qabaan dadka Deegaanka oo sheegaya in Banka Qool-cadey Xukuumadda oo ay Wasaaraddoodu horumuud u tahay u xidhayaan Ganacsadaha Carbeed ee Al-Jaabiri, waxa uu yidhi; “Wararkaasi waa been, waxna kama jiraan ee waa wax dadka lagu kicinayo oo dadka war-xuma-tashiilka iyo kuwa horumarka neceb ay wadaan. Waxaan kuu caddaynayaa inaan Ganacsade Al-Jaabiri wax shaqo ah oo uu ku leeyahay iyo Ban isaga loo xidhayo midna jirin, Banka Qool-cadeyna cidda loo xidhayaa ay tahay dadka deegaanka, waayo? Haddii Abaaro dhacaan iyaga ayaa u aayaya Biyaha iyo Cawska Seeraha la loo xidhayo, waliba aan saxo ee Seero maaha, ee waxa weeye Xerada Xannaanaynta Xoolaha.”
Mar aannu Agaasime Jaamac Maxamed Odawaa sii weydiinnay, su’aal ahayd maxaa ka jira in Ganacsade Al-Jaabiri Maalgelinta lagu xidhayo Banka Qool-cadey wax ka bixinayo, waxa uu ku jawaabay; “Ganacsadaha Carbeed ee Al-Jaabiri shaqo uu ku leeyahay ma jirto hadday Maalgelin tahay iyo Hadday Manaafacaadka Bankaas qaybta Xannaanaynta Xoolaha laga xidhayo tahay toona. Hase-yeeshee, dawladda Somaliland ayaa qorshahani gaar u yahay oo doonaysa inay Xooleheeda ku horumariso oo aanay Xooleheennu markay Abaaraha soo noqnoqdaa dhacaan Biyo iyo Baad la’aan u dhiman ee lagu badbaadiyo, laguna xannaaneeyo Xooleheenna, waxaana manaafacaadka Bankaas inta ugu badan helaya dadka deegaanka iyo dadka deegaannada ku xeeran.”
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Jaamac oo aannu weydiinnay Cidda Maal-gelinaysa in la Seero Banka Qool-cadey, xaddiga lacagta ku baxaysa iyo inta Kiiloo-mitir ee la xidhayo, waxa uu ku jawaabay; “Lacagta lagu fulinayo hawsha Seeraha Xannaanaynta Xoolaha ee Banka Qool-cadey waxa bixinaya Sanduuqa Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fun) ee loo soo gaabiyo SDF, waxaana Lacagtaas oo dhan laba Milyan oo Doollar bixinaya dawladaha Denmark iyo Ingiriiska, Wasaaradda ayaana dalbatay ama codsatay Mashruucan. Inta Banka aannu Wasaarad ahaan ka isticmaalaynaa ee loo xidhayo Xannaanaynta Xoolaha waxa weeye boqolkiiba soddon Banka (30%-kiiba) Toban 10-KM oo dhinac kasta ah inta kale waxa ka masuul ah Wasaaradda Deegaanka, iyadaanay u taallaa siday ka dhigayso iyo waxay u isticmaalayso, laakiin boqolkiiba soddonkaas ayaannu Wasaarad ahaan xidhaynaa, oo Xooleheenna ku xannaanaynaynaa, haddii Abaaro dhacaan, haddii Roob yaraani timaaddo iyo haddii Jiilaalku dheeraadaba, waxa ka faa’iidaysanaya Xoolaha dadka deegaankaas oo loo furayaa Biyo iyo baad-ba, waxaanannu jecelnahay inay dadku taas nala fahmaan.”
Geesta kale, Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Maayerka magaalada Sallaxlay ee ay Qool-cadey hoos-tago, ayaannu isku daynay inaannu dhiniciisa wax ka weydiinno warkan, balse noomay suuragalin inaannu helno, ka dib markii aannu la kulannay Taleefankiisa gacanta oo xidhnaa xalay. Hase-yeeshee, Xildhibaan Kawsar Aw-Cali Aw Tima-case oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka Sallaxlay, ayaannu khadka taleefanka ku helnay iyada oo ku sugan Sallaxlay oo aannu wax ka weydiinnay sida dadka deegaanku uga soo horjeedaan Seeraha Banka Qool-cadey ee Degmadooda hoos-taga.
Xildhibaan Kawsar Aw-Cali waxay ku jawaabtay; “Dadka deegaanku runtii aad bay uga soo horjeedaan in Seero lagu xidho Banka Qool-cadey, waanay diiddan yihiin, waxaana diidmadooda xoogaysay warar loo sheegay oo lagu yidhi; ‘Ganacsade Carbeed oo Al-Jaabiri la yidhaahdo ayaa loo xidhayaa Banka’. Hase-yeeshee, annagu Gole deegaan ahaan waxaannu ku dedaalaynaa inaannu dadka Deegaanka fahansiinno xaqiiqada jirta iyo cidda dantu ugu jirto xidhitaanka Seeraha Banka, waxaana maantaba (shalay) halkan (Sallaxlay) looga furay Tabobbar Aqoon-korodhsi ah dadka Xoolo-dhaqatada ah ee deegaanka Banka, kaasoo socda, isla markaana ujeeddadiisu tahay in lagu wacyigeliyo dadka laguna fahansiiyo Xidhitaanka Banka iyo muhiimadda iyaga Deegaan ahaan ugu jirta.”
Waxay Xildhibaan Kawsar sheegtay inaanay wax cusub ahayn in Banka Qool-cadey iyo Sallaxlay u dhaxaysa la seero, hase-yeeshee, ay wakhtigii dawladdii Siyaad Barre talada haysay-ba uu seernaa, isla markaana ay dawladdu gacanta ku haysay, markay Abaaruhu dhacaan iyo marka Jiilaalku dheeraada-ba ay ka faa’iidaysan jireen Biyaha iyo Baadka lagu kaydiyey Seeraha Xoolaha Dadka Deegaannada Qool-cadey, Sallaxlay iyo inta kale ee ku xeeran-ba, marka laga reebo Xoolaha dawladda u gaarka ah ee qaybo ka mid ah Seerahaas ku dhaqnaa.
“Banku wakhtigan sida uu yahay qof waliba waa ka naxayaa oo wuxu noqday Xaaluf, waayo? Waxa uu noqday Deegaan aan cidi ka guurin inta badan oo Daaqeen ah, Beero-Roobaadyo ayaa laga samaystay, markaa, in la beero oo la hagaajiyo, runtii wax tar ayay u noqon kartaa Dadka Xoolo-dhaqatada ah ee Deegaanka, waxaanannu ku hawlannahay oo aannu ka shaqayn doonnaa sidii aannu dadka wax u fahansiin lahayn.” Sidaa ayey tidhi Xildhibaan Kawsar Aw Cali Aw Timo-case.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment