Wednesday, July 23, 2014

Nuxurka Kulan Madaxtooyada Jabuuti ku dhexmaray Madaxweyne Geelle iyo Guddoomiye Cirro

Djibouti, 23 July, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay gelinkii dambe Qasriga Madaxtooyada ku qaabbiley Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo todobaadkan gaadhday dalkaas.

Guddoomiye Cirro oo uu weheliyo Afhayeenka Xisbigiisa Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo dorraad si wada-jir ah uga amba-baxay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa ka mid ah wefti isugu jira masuuliyiinta dawladda iyo Ganacsato madaxweynaha Jabuuti marti-qaa rasmi ah u fidiyey.

JARIIRADKulanka Dhex-maray guddoomiye Cirro iyo madaxweynaha Jabuuti oo qayb ah marti-qaad ujeeddooyin isbarkan xambaarsan, ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Jabuuti, waxaana kulankaas oo socday muddo dhowr saacadood ah layskuna gaadhay ilaa wakhtigii Afurka, ku wehelinayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Idiris Arnaa'uud Cali oo qayb ka ahaa kulanka food-ka-foolka ah ee dhexmaray Geelle iyo Cirro.

Sida ay tibaaxeen ilo-wareedyo u dhuun-daloola kulankaas oo Wargeyska Himilo helay, waxa ay labada masuul ka wada-hadleen xaaladaha ka soo cusboonaaday mandaqadda Geeska Afrika iyo xidhiidhka u dhexeeya labada dawladood ee Jamhuuriyadaha Somaliland iyo Jabuuti.

Warku waxa uu intaas ku daray, inay sidoo kale labada masuul ka wada-hadleen xaaldaha dhinaca ammaanka ee ka soo cusboonaaday gobolka iyo sidii laysaga kaashan lahaa xoojinta wada-shaqaynta iyo xidhiidhka u dhexeeya labada dawladood. Waxaanu warku intaas ku daray inay labada dhinac waxyaabo kale oo ay ka wada-hadleen iyo qodobbadaasba si hufan uga wada-hadleen isla markaana isla qaateen.

In kasta oo Guddoomiye Cirro yahay hoggaamiye majaraha u haya mid ka mid ah labada xisbi mucaarad ee Somaliland isla markaana yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ah hay’ad ka tirsan waaxda Sharci-dejinta ee dhismaha dawladnimada Somaliland ka kooban tahay, haddana ma cadda ujeeddada ka dambaysa arrimaha dhinaca ammaanka iyo sii-adkeynta xidhiidhka labada waddan ee madaxweyne Geelle kala hadlay Md Cabdiraxmaan Cirro, iyada oo hawshaasi tahay mid waajibaadkeeda iyo ku-tasarufkeeda ay iska leedahay Xukuumadda ka dhisan xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Marti-qaadka Dawladda Jabuuti u fidisay Masuuliyiinta ka tirsan laamaha dawladda Somaliland ee kulanka dhexmaray madaxweyne Geelle iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ka dhashay, ayaa ku soo beegmaya wakhti Xadka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland xidhanyahay illaa 24-kii bishii May ee sannadkan, ka dib markii Qaraxyo ka dhacay Jabuuti wakhtigaas la sheegay in laba Ruux oo fuliyey ay Somaliland u dhex-mareen socdaalka ay ku gaadheen Jabuuti. Balse dhowr todobaad ka dib, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay inay Jabuuti furtay xuduudkeeda ka dib kulan ay Wasiir Waran-cadde iyo Saraakiisha kale ee Hay’adaha Ammaanka Somaliland magaalada Jabuuti kula yeesheen Masuuliyiinta dawladdaas.

Masuuliyiinta kale ee Dawladda, Xisbiyada iyo xunbo ganacsato ah oo guddoomiye ku jiro, ayaa la filayaa inay ka qayb-galaan munaasibad madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku bixinayo Inan uu dhalay oo la guursanayo, taas oo uu ku marti-qaaday inay kala qayb-galaan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment