Wakaaladda Wararka ee AP, ayaa sheegtay in sababta Raysal-wasaaraha Turkigu Mr. Erdogan uu sidaas u yeelayaa inay tahay ka dib markii Ururkii Abaal-marintaas siiyey ay ka codsadeen in uu dib u soo celiyo iyagoo ka cadhaysan qaabka uu uga hadlay duullaanka iyo Xasuuqa ay dawladda Yuhuudda ee Israel ka ku hayso Muslimiinta ku dhaqan magaalada Qasa ee Falastiin.

Toddobaadkii hore, waxa Madaxa Ururkaas Yuhuudda Maraykanka Jack Rosen oo Warbaahinta la hadlay uu Raysal-wasaaraha Turkiga ku tilmaamay inuu yahay hoggaamiyaha ugu xun hoggaamiyeyaasha dunida, gaar ahaan kuwooda neceb Isra’iil.
Abaal-marinta Erdogan uu dib u celinayo waxa la siiyey 2004-kii, waxaana Ururka Yuhuudda ee Abaal-marinta guddoonsiiyey Raysal-wasaaraha Turkigu ay sheegeen inuu ku mutaystay kaalinta uu ka qaatay nabadeynta iyo xasillooni ka dhalinta Bariga Dhexe iyo weliba sida uu isaga xil-saaray dhawrista Muwaaddiniinta Turkiga ah ee asalkoodu ka soo jeedo ama uu yahay Yuhuudda.
Laga soo bilaabo markii uu bilowday duullaanka culus ee xasuuqa ah ee Israel ka waddo magaalada Qaza saddex toddobaad ka hor, waxaa geeriyoodey 1,156 (Kun boqol iyo konton iyo lix qof) oo Maslimiinta Falastiin ee Qasa ka tirsanaa, kuwaasoo u badan Carruur, Dumar iyo Dad Waayeel ah, iyadoo tirada dhaawacuna ay illaa iyo hadda marayso in ka badan 6500 (lix kun iyo shan boqol) oo qof, waxaanu Raysal-wasaaraha Turkigu sheegay inaan loo dul-qaadan karin xasuuqa ay Yuhuuddu ku hayso Muslimiinta Qasa ee aan hubaysnayn.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment