
Keyse oo warbaahinta la hadlay markii uu Saax-dheer gaadhay ayaa Kooxda Khaatumo u sheegay inuu mudo ka maqnaa balse uu iyaga u maqnaa. Waxa uu sheegay in uu ka qayb galayo Ololaha dagaal ee ay kooxdaasi wado.
Keyse Cabdi Yuusuf ayaa mudo ahaa Wasiiru-dawlaha Nabadaynta Gobolada bariga Somaliland ka dib markii isaga oo Ciidan iyo Hub wata uu ka soo goostay Kooxdii SSC oo uu Madaxdeeda ka mid ahaa.
Keyse ayaa sagaashamaadkii ka mid noqday Golihii wakiiladda ee Somaliland, hadana wuxuu xil u doontay Puntland, isagoo kadib noqday Ganacsade madax banaan, hase yeeshee waxa uu isla markiiba isaga dab qaaday kooxdii SSC iyo Somaliland, halka uu shalay mar kale kaga noqday isla kooxdii khaatumo oo ku go’doonsan Saax-dheer.
Kayse oo Maamulo badan iskaga dabqaaday ayaanay muuqan Kalsooni Badan oo kooxda baryahan dambe awoodoodu yartahay ee khaatumo ku qabi doonto, iyadoo aan la filayn inuu wax awood ah ku kordhiyo.
Waxa xusid mudan inuu Keyse Hargeysa kaga Baxay cadho uu ka tirsaday Wasiirro xukuumadda Ka Tirsan, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay Caqab ku yihiin Xilka loo dhiibay, isla-markaana iska hor istaageen Tallaabooyin uu doonayey in xafiis iyo Miisaaniyad gaar ah loogu sameeyo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment